Mogadishu (SP) – Waxaa sii xoogaysanaya Dagaalo culus oo tan iyo saaka waabarigii ka soconaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaas si toos ugu dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogaga Mucaaradka ee ka soo horjeeda.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka socda aagagii bilihii la soo dhaafay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Hubeysan, iyadoo dagaalka uu bar bar socday madaafiic culus.
Goobaha dagaalada sida daran uga socdaan ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Shibis iyo C/casiis, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa agagaarka Hotelka Global, iyadoo la maqlayo rasaasta culus iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan.
Xoogfaga Mucaaradka ayaa weeraro kula soo jermaaday Ciidamada Dowladda waabarigii saaka, taasoo keentay in Ciidamada laga soo durjiyay aagagii dhufeysyada kaga jireen.
Dagaalka saaka ka socda magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli qorshe abaabul dagaal kii ugu dambeeyay ay wado Dowladda KMG, kaasoo ay ku dooneyso in ay ku qabsato Magaalada Muqdisho.
C/risaaq C/laahi
Sanaagpost News Desk