Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Sirta ku Soohan Siddeeda Maarso

Waxaa Mahad iska leh  Ilaahay waxaana ammaan iyo salaam u dirayaa Nebigeena Muxamad(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha haatee), hooyooyinkii muuminiinta, saxaabadii sharafta lahayd iyo intii ku raacday hanuunka.


Waxaanu shaki ku jirin in wax kastoo la qabto ama la soo qabanqaabiyaa uu leeyahay ujeedo iyo mabda ka danbeeya, fahan ama ha fahmin garo ama kaa dhoohnow, tusaale ahaan ardayga waxaa dugsiga loo geeyaa inuu jahliga ka baxo, askariga waxaa tababarka loo siiyaa inuu dhisnaado.


Waxaa hadaba sannad walba inaguu soo noqnoqota munaasabad loogu magac daray maalinta haweenka adduunka oo ku astaysan 8da maarso, iyadoo dadyaw fara badan oo iskugu jira qaybaha bulshadu ay u dabbaal degaan, Akhlaaq xumo masuul aabaheed yahay, haddayse ogyihiin oo ay aqoon u leeyihiin umay dabbaal degaan jahliguna waa cadaw, waxaana iswaydiin leh in qofka intaanu waxba samayn uu is waydiiyo su,aalahan:


Siddeeda maars halkay ka soo jeedaa? Maxaase loogu talo galay? Waa ayo dadka u dabaaldegaa? Aniga qiimo intee leeg bay ka leedahay agtayda?


Su,aalahaas jawaabtoodana waxaad ka heli maqaalka inta hadhay


Taariikhda Siddeeda maarso


08 march 1857kii ayay dumar ka shaqaynayay warshada dharka New York ee waddanka maraykanku mudaharaad sameeyeen iyagoo ka dhiidhiyay shaqo xumo ay ku darsantay mushahar yaraan iyagoo iskugu soo baxay waddooyinka waxaana kala caydhiyay booliska, laba sano ka dib dumarkaasi waxay samaysteen guddi u dooda xuquuqdooda shaqo ahaaneed.


8 march 1908kii ayay 15000 oo haween ihi ay iskugu soo baxeen new York iyagoo dalbanaya in saacadaha shaqada la yareeyo mushahar fiicanna la siiyo xaqooda cod bixineedna la sugo.


Sidaa daraadeed Sideeda maarso taariikhdeedu waxay soo hoos galaysaa laba dhacdo oo kala ah maalinta haweenka ee Waqooyiga Amerika iyo maalinta haweenka ee Yurub ?


Maalinta Haweenka Waqooyiga Ameerika


Maalintaasi waxay tix raacaysaa oo ay ka soo jeedaa dhacdo loogu doodayo xaqa codaynta ay dumarku leeyihiin waxaana soo qabanqaabiyay ururka haweenka ee Qaranka maraykan maalin axad ah bishii February 1909, waxaanay noqotay maalintii haweenka waxaana loo dabbaal degi jiray sannad walba ilaa iyo 1914kii.





Maalinta Haweenka Yurub


1910kii shirkii labaad ee caalamiga ahaa ee lagu qabtay Copenhagen madaxwaynaha xoghayayaasha caalami ee bulshada dumarka jarmalka Clara Zetkin ayaa soo jeedisay in la aasaaso maalinta haweenka iyadoo loo dabaaldegi doono sannad walba si loo sugo xaqa ay gabadhu u leedahay inay codayso waxaana si wada jir ah iskugu waafaqay 17 waddan oo joogay shirkaas.


Caalamiyaynta maalinta haweenka adduunka


Go,aankii la qaatay shirkii Copenhagen ka dib maalinta haweenka adduunka waxaa looga dabaaldegay markii ugu horaysay march, 19, 1911 waddamada jarmalka, Australia, Denmark, Switzerland iyadoo ay isugu soo baxeen in ka badan malaayiin rag iyo dumar ah.


1913kii iyo 1914kii dumarka yurub iyo Ruushka ayaa qabtay shirar dhamaadkii February ilaa horraantii march si ay ugu mudaharaadaan dagaalka(waa dagaalkii koowaad ee adduunka) oo ay muujiyaan midnimada dumarka kale.


1917kii wax yar ka dib dhicitaankii Czar dumarkii ruushku way ka anbadeen nidaamyadii xisbiga Bolshevika waxayna qaadeen waddooyinka iyo dariiqyada iyagoo dalbanaya cunto iyo inay raggoodu ka soo noqdaan dagaalka, mudaharaadkaasi wuxuu dhacay axadii ugu danbaysay February marka loo eego kaalandharka ruushka oo ku beegan sideeda maarso ee kaalandharka casriga ah ee la yidhaah greogorianka .


1921kii ayuu Lenin oo ahaa hoggaamiyihii midawga soofiyeeti shaaca ka qaaday in 8da maarso ay noqoto maalinta hawaeenka adduunka sidaasayna ku noqotay maalin looga dabaaldego yurub iyo adduunka kale si isku mid ah .


1977kiina qaramada midoobay ayaa soo saaray go,aan ah in waddan kastaa uu sameeyo maalin uu u dabaaldego maalinta haweenka iyo maalinta nabadda adduunka .


Waa taa taariikhda sideeda maarso oo kooban waanad ogaatay imika in dumar yurub, maraykan iyo ruush ku nool ay u dabbaal degaan, iyagoo ka cabanayay cidhiidhi hawleed, xaqla,aan codbixineed, gaajo iyo in ragooda loo soo daayo lagana soo celiyo dagaalka iyo waxyaabo kale, adigase(hooyo/walaal) maa lagu dulmiyay?! Ma ha codaynin baa lagu yidhi? Maxaad ugu dabaal degaysaa oo aad u waalaysaa dadka jaahiliinta ah ee aan garanayn sideeda maarso meeshay ka timid waxayba u haystaan in hablaha waddanku ay maalintaa leeyihiin?


Hooyo iyo walaal miyaad is weydiin waxa kaa galay gabadh maraykan joogta ama yurub oo aydaan isku dhaqan, diin iyo aftoona wadaagin? Maxay ku dheertahay ee aad iskaga dayanaysaa? Isku kalsoonow oo ogow inaad adigu tahay macallimadeedii iyaduna ay tahay ardayadaadii, waxaa tahay dhakhtarkeedii iayduna waa bukaankaagi aad daawaynaysay miyaanay ceeb ahayn inuu macallinku ku daydo ardayga halkii isaga lagaga adyan lahaa? Dhakhtarkiina uu bukaankii idaawee yidhaah halkii isagu ka daawayn lahaa?   Ilaa iyo goorma ayaynu “dameeri dhaan raacday” ahaanaynaa oo aynu maalmaha iyo bilaha Ilaahayaan magacaan iyo munaasabao gooniya laynoogu soo yeedhinayaa? Waynu isku soo baxnaa markaasaynu khasaarinaa maaliyad ku filnaan lahayd maatideena aan waxba haysan.


Waayaha ayaa kuu sheegaya waxay yihiiin dadkan ku doodaya inay xuquuqda haweenka ixtiraamayaa, bal dib maskaxdaada ugu celi dhacdadii foosha xumayd ee lagula kacay walaaleheena reer falastiin waxaa lagu garaacay gantaalo waxaa loo adeegsaday sun aan lagu isticmaalin dunida mamnuucna ay tahay in la isticmaalo, waxaa lagu waday muddo 23 cisho ah oo aanay cidina dheg jalaq u siin waxaa qarsoomay oo shiiqay dadkii sheegan jiray inay xuquuqda bini’aadmiga u doodaan, waxaanu si dhab ah u ogaaday qofkii damiir leh in dawladaha reer galbeedka iyo maraykankuba ay xulafo ku yihiin sidii loo damin lahaa ilayska iyo iftiinka islaamka, wixii iyaga ka soo horjeedana la karbaashayo oo magacaan xun xun lagu tilmaamayo. Miyaanad ka faa,iidaysan dhacdadii Qaza in mabaa’diidooda, sheegashada ay sheeganayaan u dooditaanka xuquuqda haweenka, dimuqraadiyaday hadiyo goor sheegtaan ay tahay ((
Dhalanteed dhul(siman) ka muuqda oo uu umalayni qofka oomani biyo markuu yimaadana aanu waxba ka helayn)) (An-Nuur:39) ku cibro qaata dadka maskaxdu u sugnaatayoow, waxay doonayaan inay baabiiyaan dumarkeena ka dib markay baaba’een dumarkoodu,
way istiilayaan waxay u baahanyihiin cid waraabisa nimcadda iimaanka, oo guriga ku xeraysa oo ilaalisa, xaasidnimada iyo caddaawaday inoo hayaanna kuma soo koobi karo maqaalkayga balse aan kuu tilmaamo cajallada Sh.Almis Yahye ee ka hadlaysa “dhawrsanaanta” waxaad ka heli taariikhda dumarkooda iyo siday ku danbeeyeen.


(( Miyaanay u dhaawaanin in kuwa xaqa rumeeyay ay u khushuucdo qabiyadoodu xuska Ilaahay(Quraanka) iyo waxa xaq ah eek u soo dagi) (Al-Xadiid: 16)


Waxaan ku soo gebagebaynayaa maqaalkaygan talooyin aan u soo jeedinayo:


Ururada bulshada


Waxaad dhabarkiina u ridateen oo aad ballan ku qaadeen inaad ka shaqayn doontaan danaha ummada idinkoo hagrasho lahayn balse maalkiina iyo maskaxdiinaba u huraya sidii aad u hagaajin lahaydeen bulshada waxaanan idiinka digayaa inaad ku meeraysataan dabbaaldeg ay ka danbayso in la dhalan rogo diinta iyo dhaqanka suubban iyadoo loogu soo gabbanayo xuquuqda haweenka waxaan nahay dad xuquuqda haweenka si wayn u ixtiraama waayo diinta islaamka ayaa saldhig u ah dastuurkeena, akhri oo dib ugu noqo sida ay taariikhda islaamku meel sare u gaadhsiisay haweenka waxaad ka heli wax dejiya qalbigaaga, ishaaduna ku doogsato, maxaa idiin diiday inaad wax bartaan wiilasha iyo hablaha aan waxba qorin waxna akhriyin ee duruuftu hayso? inaad dhalinyaradiina ku wacyi galisaan aqoonta iyo kartida?Mise walaalayaal waad iska qaadanaysiin uun ha loo doodo xuquuqda haweenka ? miyaynaan dad damiir leh ahayn oo la socda xaalada dalka? Walaal barta oo ogaada danaha waddankiina miyaanay ceeb inagu ahayn in uu nin ama gabadh cad oo reer galbeedii ina baraan sida loola dhaqmo haweenka iyo sida loo siiyo xuquuqdooda?  ((
Alla may dadkaygu ogaadaan))(Yaasiin:26)) inay sharaftooda iyo horumarkooduba ku jiro Diinta islaamka


Haayadahaha


Waxaaa jira haayado ka shaqeeya maslaxada waddanaka iyo sidii ay mashruucyo wax ku ool ah u siin lahaayeen qabtayna mashruucyo wax ku ool ah  waxaaase barbaryaaacayo qaar mashruuc sanadeedkooda ay ku jirto u dabbaaldega sideeda maarso , waxaanan u soo jeedinaya haayadaha ku andacoonaya inay u doodayaan xuquuqda haweenka inay ka feejignaadaan waxyaabahaaas aan nafciga iyo naxariista u lahayn dumarkayaga, anagaana kaaga naxariis nugul, kaana jecel, oo ay hooyooyinkayo iyo walaalahayo yihiin, waxaanan waydiinayaa ma dumarka u hanqal taagaya siyaasadda ayaa ah in loo doodo xaqooda siyaasadeed mise hooyada la wareegaysa suuqa muuska iyo khudrada een haysan meel ay ka hadhsato cadceeda? Wax kastaaba waxa uu leeyahay mudnaan iyo kala hormayn (priority) waanan ognahay oo aan u sheegaynaaa qof kastoo u malaynaya in u dooditaanka beenta ah uu yahay sidii loohormarin lahaa haweenka balse uu yahay oo la doonayo in la damiyo dadnimada iyo dhaqanka wanaagsan ee uu siiyay islaamku haweenka ((mana fahmayaan dadku inta caqliga leh mooyee)) (Al-Cankabuut: 43) waayo kan u doodaya xuquuqda haweenku ma garanayo waxay gabadhu xaq u leedahay iyo waxa kale, miskiintan loo doodayaana ma garanayso waxay xaq u leedahay  jahligaana ugu wacan haddayse garanayso diinteeda oo ay rogrogto Quraanka waxay ogaan lahayd inaanay xuquuqi ka maqnayn.


Haweenka


Waxaa tahay haweenayahay sharafta leh ee diinta ku dhaqaneey  tiirarka bulshada la,aantaana waxba la gaadhi mayo laguna ladi maayo lib iyo guul toona, ogaadana  cadawgu inaguu inaku soo gabbanayaa dhufaysna  uu ina ka  dhiganayaa sallaankii loo soo mari lahaa bulshadeena si loo burburiyo isagoo hadaladiisa ku soo qarinaya xuquuqda haweenka WAXAAN ARGANAA 15 JIR XAAMILA ,ILMA LAYSKA SOO RIDAY MID QAAWAN WAA YAABE XUQUUQDOODII AAAWAY kuwaas !!!!!!!!!!


WAXAAN ARGANA IN LA LEEYAHAY  RAGA AYAY LA SIMANATAHAY OO AY DHEHEEN XAQ WAXAY U LEEDAHAY INAY SUUQA IYADU KA SOO SHAQAYSO AY QAADO MASULIYADII RAGA ISAGUNA GURIGA AYUU JOOGIN WAAN ARAGNA WAXY SAMEEYNAYAAN waa wax ka soo horjeeda diinteena islaamka (( Carrabkooday ka leeyihiin waxaan qalbigooda ku jirin)) (Al- Fatx: 11) waxaad ku dhex jirtaan bulsho soo koraysa ee ku barbaara barashada iyo fahanka islaamka ku dayda oo ka dhigta tusaale hooyooyinkii muuminiinta iyo haweenkii wanaagsanaa ee ay taariikhdu wali xusto, xusi doontana ilaa ay saacadda qiyaamuhu dhacayso, yaanan idinka iyo ragga cadaawad la idin dhex dhigin, way jiraan xadgudubyo ay ragga qaar sameeyaan, sidoo kale dumarkaase hawshaas ku xoog badan baad moodaaa iminka  taasina waa gefafkaan galno,  ee allah hayna ka dhaafo aamiin cadho idinka soo gaadhay raga qaarna ha kuwada qaadina raggoo dhan ((Yaanay Cadhada Qoom aad u haysaan idinku xambaarin inaydaan caddaalad falin, caddaalad fala iyadaa u dhaw Alle ka cabsiye, Ilaahayna ka dhawrsada, Ilaahayna waa ogyahay waxaad samaynaysaan)) (Al-Maa'idah:8).

islaamkuna waa ka ina siiyay xaq ka ugu wacan, inagoo nolol laynaku duugo , inagoo layna dhaxlo oo dhaxalka ka mida ayuu dhaxal ina siiyay   wuxuu inaka dhigay u gargaarayaasha bulshada, waxaana Quraanka Suuradihiisa ka mid ah Suurad loogu  magac daray "suuradda Haweenka",  bal u fiirso inat layna weeyneeyay subxaanalaah wal xamdu lilaah maad aragteen suurad rijaal la dhaho oo raga loogu magac daray walaahi waa maya wuu diiday in la idin dulmiyo, cidda ugu rafiiq iyo saaxiib wacan waxa uu ka dhigay Hooyada oo uu ka horraysiiyay aabaha saddex goor.

 adiguna(hooyo/walaal) waxaad dooran jidkaa aan soo sheegay  ee aan idin xasuusinayey ee ay ku liibaaneen dadkii raacay ama waxaad dooran inaad ku dayato Clara Zetkin iyo qayrkeed oo ay dhawr cishana ku ammaanaan luggooyayaashu , nolashaadana aad ku noolaato werwer, walbahaar, murgo aanad garanay halkay kaaga imanayso.


 Culimada

ummaddu waxay ku dhisantahay waa cullimada Rabaaniyiinta ah ee dadkooda u horseedaya dadnimada iyo ilbaxnimada, waxaanan usoo jeedinayaa culimada inay dadka  ka wacyi galayaan oo ay ku baraarujiyaan dhibaatada ay leeyihiin maalmahaasi(sida maalinta Jacaylka, haweenka ,xuquuq caruurta iwm )  maalmahaasi  oo aan sal iyo raad toona ku lahayn dhaqanka iyo diinta Islaamkaba, ((( oo aanu Ilaahay u soo dejin awood))waana inay soo dhex galaan bulshada oo ay u yimaadaan kana soo qaybgalaan munaasabadaha ay qabanayaan sida maalmaha qalinjabinta,  bandhig aqooneedyada iyo barnaamijyada kalee wax ku oolka ah, dabadeedna ay u sheegaan waxa anfacaya adduunkooda iyo aakhiraba, oo ay ku bedelaan maalmahan inay kaga hadlaan wixi ay dan ugu jirto bulshadeena .

Hooyooyin/Walaalayaal waxaan iskugu hawlay maqaalkan waa jacayl aan idin jecelahay allah dartiis  inaan wax noqono oo aan ummaddeena u horseedaan aqoon, akhlaaq iyo iimaan aan ku kala saarno  xumaha iyo wanaaga, waxaanan Ilaahay idiinka baryayaa inuu ifka nolol wacan idinku arsaaqo aakhirna Jannada Fardawsa.

Qof kastowba masuul baad ka tahay dadkaaga, dalkaaga iyo diintaadaba ee  ka soo bax masuuliyada ku saaran kuna baraarugsanow waa mid lagu weydiin doonee allah hortiis waxaad la tegi lahayd diyaarso allahaw xaqa na waafaji aamiin

 ((waxaan doonayaa wanaaga  uun intii karaankayga ah, waafajintaydana cidaan Ilaahay ahayni ma karto, isagaanan talo saartay xaggiisaanan u noqon(toobad) )) (Huud:88)


Ilaahoow waan gaadhsiiyee ka markhaati ahow.


wixii aan gefay waa naftayda iyo shyadaan wastaqfirulaah wixii aan asiibay waxay ka ahaadeen allah xagiisa walxamduliaah


walaashiin Faizah A/lahi mohamed oo idin leh alcafwu wa tasaamux


Faa'iso C/laahi Maxamed / Ahfad University /Suudaan


faaisa69@hotmail.com


5 Comment(s)

xanaan   bosaso

12:51pm on Sunday, March 28th, 2010

ilaahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo kuwii kucamal falana hanaga dhigo aamin

Anonymous   Location unknown

12:49pm on Sunday, March 28th, 2010

jasaakalaah walaal faisa ilahay hakaa abaal mariyo

Maakhiri   CA

6:10pm on Friday, March 12th, 2010

Thanks Faiza. Amazing piece

caaliya   yube

11:44am on Wednesday, March 10th, 2010

gabahu tolow ma awarsangeli baa iyaga laga helaa gabdho mutacalimiinee kkkkkk

yaasiin   Somalia

10:31pm on Tuesday, March 9th, 2010

as/cl : waa gabadh aad wax u baratay , oo qiiro wanaagsan iyo dadnimo ku jirto , aad baad u mahadsan tahay , gabdhaha lagu lugooyey 8 maarsona waanadaas aakhiro waa la weydiinayaaye ha qaateen ........ilaahow ku anfac..aamiin

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010