Waxaana xafladaasi ka soo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan, oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Wasaarada Amaanka Dowlada Puntland General Yusuf Xaaji Khayr ,Wasiir ku-Xigeenka 1aad ee Wasaarada arrimaha gudaha iyo dowladah hoose General Cabdi Yasiin, Wasiir ku-Xigeenka 2aad ee Wasaarada dowladaha hoose iyo Arrimaha gudaha c/risaaq xareed ismaciil oo ah gudoomiyahii hore ee xilka haatan ku wareejiyey Wasiir ku-Xigeenka wasaarada dekedaha Abshir Siciid Saalax Gudoomiyaha Cusub Gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid cali Yusuf iyo ku-Xigeenkiisa, Taliyaha qaybta Bartmaha Bosaso iyo Sarkiil kale oo ka tirsan Maamulka Qaybta Ciidanka Bosaso,Siyaasi barkhad cali saalax iyo Isimo misaan culus oo uu ugu horeeyo Ugaas Xasan Ugaas Yasiin.
Gudoomiye ku-Xigeenkii Hore C/qaadir Yusuf ayaa halkaasi ka hadlay isagoo siwayn u Amaanay shaqada wanaagsan ee iminka lugu wareejinayo gudoomiyaha cusub ee Golaha shacabka oo uu ku tilmaamay nin macquul ah ooh ore waxbadan uga qabatay dhinaca Shareecada iyo kala damaynta shuruucda markuu ahaa Wasiir ku-Xigeenka diinta iyo Awqaafta.
Gudomiyahii hore ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyey isagoo muujiyey dareen wanaagsan oo uu u qabo sida uu shaqada ugu wareejiyey Gudoomiyaha golaha shacabka ee Degmada Bosaso,oo uu ku tilmaamay masuul ka soo bixidoona waajibaadka shaqadan adage ee uu shacabka u hayo.
Gudoomiyaha cusub ayaa halkaasi ka hadlay isagoo siwayn ugu mahadnaqay Mudane C/risaaq Xareed gudoomiyihii hore sida uu uga dhabeeyey xilwareejintan isla markaasina waxaa uu balan qaaday inuu dhanka Amaanka degmada Bosaso Ee Xarunta ganacsiga dowlada Puntland siin doono Mudnaan gaara isla markaasin loo baahanyahay inay la shqayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Bosaso ee Xarunta G/Bari.
Warbixinta-Maxamed Axmed Ciise
sanaagpost/News Desk
Sawirqaade Jaamac Jofane oo
ka mida Weriyaasha Laasqoraynet
Hoos ka Dheeho Sawirada








No comments have been provided.