London (SP) - Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada London ayaa kaga kulamadii uu la qaadan Madaxda Britain iyo qorshaha Dowladdiisa ee ku aadan sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd dalka oo dhan.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu horeyn sheegay in bartamaha bishan ay Dowladdiisa tallaabo ka qaadi doonto Xoogaga Mucaaradka, isla markaana weeraro ballaaran ku ekeyn doonto deegaanada ay maamulaan.
Shariif ayaa cod dheer ku sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, isagoo sheegay in Ciidamada ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalka kaga xoreyn lahaayeen waxa uu ugu yeeray Argagixisada.
Mar uu ka hadlay kulamadii uu la qaatay Madaxda Britain ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaadeen, waxaana uu cadeeyay in Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown uu taageero u muujiyay.
Waxaa uu soo dhoweeyay hadalkii ka soo yeeray Dowladda Mareykanka, kaasoo ahaa in ay weeraro xaga cirka iyo kuwa gaar ah ka geysan doonto deegaanada ay maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid loo baahan yahay.
Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Kooxaha Burcad badeedka iyo Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay xiriir dhow leeyihiin, waxaana uu tilmaamay in ay doonayaan in dalka u gacan geliyaan Cadaw sida uu yiri.
Hadalka Madaxweyne Shariif ayaa ku soo beegmaya, xilli Dowladda KMG ay diyaar garow ballaaran ugu jirto sidii weeraro ugu qaadi laheyd qolyaha Mucaaradka, waxaana beryihii u dambeeyay la arkayay dhoolatusyo milateri ay sameynayaan Ciidamada Dowladda,
C/risaaq C/laahi
Sanaagpost News Desk
No comments have been provided.