Mogadishu (SP) - Bare Cali Bare oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa daqiiqado lagu dilay agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo dilkiisa ay geysteen Rag Hubeysan oo wajiyada soo duubtay.
Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo inta badan albaabada loo laabay ganacsigii ka jiray, kadib markii laga war helay dilka Sarkaalkan ka mid ah Xisbul Islaam.
Dhowaan ayay aheyd markii uu ka soo horjeestay isku biiridii Shabaab iyo Raaskambanooni oo uu horay ugu ahaa Afhayeen, taasoo ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, isagoo eedeyn kulul u jeediyay shaqsiyaad ka mid ah Kaambooniyiinta oo Shabaabka la dhacsanaa.
Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan dilkiisa ay daba joogto xurguf iyo is ugaarsi ka dhaxeyso Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana dhowr todobaad ka hor uu ka bad baaday isku day lagu qaarijin lahaa, kadib markii Bam lagu weearay Hoygiisa
Dilkan Sarkaalkan ayaa sii xoojineysa iisada aan qarsooneyn ee u dhaxeysa Shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo Sarkaalkan uu ahaa Gacanta midig ee Saraakiisha Xasan Dahir Aweys
Sanaagpost News Desk
No comments have been provided.