Nairobi(SP) Markab lagu Magcaabo Frigate NIvose Oo gacanta ku dhigay Koox Budcad Badeed Soomaaliyeed Ah Markabkan oo Laga leeyahay wadanka farasiiska ayaa Wuxuu ka mid yahay Maraakiibta Dagaalka Ee ku Hareeraysan Xeebaha Wadanka Soomaaliya ,
Markabkan oo mudoba ku howlanaa La dagaalanka Budcad Badeeda ayaa ku guulaysatay maanta qabashada kooxdan,
Kooxdan la qabqabtay ayaa waxaa tiradoodu dhantahay 35 Ruux, Waana Markii ugu horaysay ee ay Tira intaas le eg qabtaan Maraakiibta faransiisku,
Sarakiisha Midowga Yurub Ee kusugan xeebaha Soomaliya ayaa ku Nuuxnuuxsaday inay sii wadi Doonaan howlgalada ay ka wadaan biyaha soomaaliya ayna sheegeen inay ku wareejin Donaan Budcad Badeedan ay qabteen Dawlada Punland iyadoo ayna suura gal tahay inay kenya ku wareejiyaan laakiin aanay wali arintaas go'aanka gaadhin rasmiya .
M.M beerdhige
Sanaagpost News Desk/Nairobi