Somalia (SP) Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibadiisa ayaa walaac ka muujiyey saameynta Magaalada Muqdisho, ay ku yeelan karto duqeymo Dowlada Mareykanka ay ku garab istaagto dowlada KMG Somalia oo horay usheegtay in ay hanan doonto amaanka Caasimadda.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo xalay u waramayey qaar ka mid ah saxaafada magaalada Muqdisho ayaa ka waramay figradiisa ku aadan howlgalada dowlada Mareykanka ay sheegtay in ay ku gacan siin doonto dowlada KMG ee somalia kuwaas oo ku wajahan wax ka qabashada amaanka magaalada Muqdisho.
Prof. Samatar ayaa sheegay in tilaabadaasi hadii ay qaado dowlada Mareykanka ay ka dhalan karto dhibaatooyin ay ka mid tahay in uu siilabo jibaarmo burbarkii horay ugu dhacay Muqdisho.
waxaana uu yiri “Waxaad moodaa siyaasada Mareykanku in ay labo weji leedahay mid waxaa weeyey midka ay kaga soo horjeedo qolooyinka sheegta in ay yahiin shabaab oo koonfurta hoose inteeda badan gacanta ku haaya oo ay doonayaan gaar ahaan magaalada Muqdisho in laga saaro”.
“Qeybta kale ee siyaasada Mareykanka waxaa weeye in ay sanka ka heysato dowlada ku sheega TFG la leeyahay sida carabka ay ku dhufanayaan qaarkood marka waxaad moodaa labo guuldaro in ay soo socoto guuldarada koowaad waxaa ay noqon doontaa meeshaa Muqdisho in lagu rafto oo la sii baabi'iyo kuwaan shabaabkuna itaal xoogleh umayeelanayaan oo ay iskaga caabiyaan hadii diyaarado iyo waxaala isticmaalo horta taas waxaa ay noqoneysaa guul daro ayagan meesha in ay ka baxaan ayaa laga yaabaa sida uu hadalka u dhigay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.
Sidoo kale Prol Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in laga gudbo aqabadaha hortaagan taabo gelinta amaan ka hirgala somalia loo baahan yahay in la helo ciidamo boolis ah oo madaxbanaan isaga oo sheegay in ay horay ugla taliyeen madaxda sare ee dowlada KMG in ay tanaasul sameeyaan hadii ay u arkaan ama loo arko in amaanka dalku ku jiro oo ay xafiisyada baneeyaan somalina waa ay soo raaci cidii nabad wata laakiin nabadaasi waa in ay xaqiyo walaaltinimo iyo islaanimo ku dhisnaataa tiina waa laga baxay marka labadaas jid ayaa loo mari karaa xaqa
Marka waxaa weeyaan ayuu yiri Prof. Samatar waa in ay fahmaan hadii ay nabad doon yahiin oo ay xaqdoon yahiin in ay dulmigan diidaan oo tan shabaabkan geed ayaa leeskaga xiridoonaa oo somali oo dhan ayaa soo dabagelidoonta hadii ay arintaas ay ku dhaqmaan sida uu sheegay.
Dhowaan ayey aheyd markii wargeyska NEWYORKA TIMES uu soo daabacay warbixin tilmaameysay in dowlada mareykanku qeybka qaadan doonto howlgalo la sheegay in dowlada KMG ee somalia ay ka fulindoonto magaalada muqdisho taas oo laga soo xigatay sarkaal ka tirsan Mareykanka
Waxaa mudooyinkii danbe is soo tarayey taageerada dhanka milteriga iyo wiliba caafimaadka ee dowlada mareykanku ay ugu tabaruceysay dowlada KMG ee somalia.