Tehran (SP) – Xukuumadda Tehraan ee dalka Iiraan ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in garab lasiiyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay suuragal u noqoto in ay gacanta kudhigto Ammanka wadanka.
Hadalkani ayaa yimid kadib kulan ay kuyeesheen magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan Manushahar Mutaki iyo sidoo kale kan dowladda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali).
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa waxa uu sheegay kunka ay Kenya kuyeesheen mas’uulka Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya u qaabilsan in ay aheyd kulan afgarad uu kusoo dhamaaday.
Mar taageerada Dowladda Soomaaliya uu ka hadlay Mutaki waxa uu sheegay in ladoonayo in la taageero dowladda Soomaaliya lagana taageero dhinac waliba ayna ka taageeraan beesha caalamka guud ahaantooda.
Dowladda Soomaaliya oo la taageero ayuu kutilmaamay in ay tahay arrintaasi mid Soomaaliya nabad kusoo dabaali karta isla markaasina dhibaatada ka taagan iminka Soomaaliya looga bixi karo.
Dowladda Iiraan ayaa waxa ay iminka aad u daneyneysaa in mashariic waaweyn ay ka fuliso wadamada Afrika si hadhow ay awood ugu yeelato Qaaradda Afrika oo ah Qaarad ay Caalamka u tartamayaan.
C/risaaq C/laahi
Sanaagpost News Desk
No comments have been provided.