Xafiiska sanaagpost.com ee Magaalada Bosaso ayaa saaka waxaa soo booqday qaar ka mida Teamka Naafada ah ee Gobolkan Bari oo cabiraya daroonka guud ee Maamulka cusub iyo habka ay ula jaan qaadi karaan gargaar dhinaca Hay,addaha ay ka helaan.
Gudoomiye ku-Xigeenka Ururuka naafada ee Puntland C/xakiin Axmed Ciise oo si gaara noogu waramay ayaa sheegay inuu siwayn ula dhacsanyahay isla markaasina rajo taba gal ah ka dhowrayo waxqabadka ay kala kulmidonaan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Shiikh Cabdi Xaafid Cali.
Waxaa uu sheegay inay Mararbadan caqabado kala kulmeen gudoomiyihii hore Muuse gelle yusuf Faroole lakiin iminka Gudoomiyahan cusub uu yahay Mid ay hore u ahayeen saxiib dhow isla markaasina tageero dhow siinjirey Teamkan naafada ah ee Bosaso ku dhaqan.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost/News Desk
No comments have been provided.