Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntladn ayaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ku magacaabay ,Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari iyo Garsoorayaal.
Mas'uuliyiinta Maanta xilalka loo dhiibay ee uu Madaxweynuhu dekreetada ku magacaabay ayaa kala ah:-
1-Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Magaalada Bosaaso Fareceeda Labaad Aadan Axmed Maxamed
2- C/fataax Cali Diiriye ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Degmada Gaalkacyo
3-Garsoorka Maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Bosaaso Faraceeda Labaad ayaa waxaa loo magacaabay C/rashiid Cali Ciise
4- Maxamed Maxamuud Saleebaan ayaa waxaa loo Magaacabay Garsoorka Labaad ee Maxkamada
5- Maxamuud Xasan Cabdi ayaa waxaa Loo Magacaabay Garsooraha Maxkamada Degmada Laasqoray
6- Adan yuusuf Xuseen ayaa waxaa loo magacaabay Garsooraha Maxkamada Degmada Carmo
7- Ibraahim C/laahi Samatar ayaa waxaa Loo Magacaabay Garsoorka Maxkamada Degmada Dhahar
8- C/laahi Maxamuud Boos ayaa waxaa loo Magacaabay Garsoorka Degmada Caluula
9- Cawla Jaamac Muuse ayaa waxaa loo magacaabay garsoorka Degmada Baargaal
10- Siciid Maxamed Axmed ayaa waxaa loo Magacaabay Garsoorka Degmada Bandar Bayla
11- C/rashiid Muuse Ciise ayaa Waxaa Loo magacaabay Garsoorka Degmada Eyl.
Xeerka uu Madaxweynaha mas'uuliyiintaani ku magacaabay ayaa ah xeerka 20aad sida ku cadeyd qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Maxmaed Axmed Ciise
Sanaagpost/News Desk
No comments have been provided.