XAMUR(SP): Degaanka Xamur ee Degmada Buraan hoos yimaada ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo 2Xaymood ah oo ka soo kala jeeda Degmada Buraan iyo Dhahar,
kuwaasi oo sida la sheegay isku maan dhaafsan Sahan dhowaan ay Dowlada Puntland ku samayn doonto Degaankaasi shidaal qodisna ka bilaabidoonto oo ay qaar ka mida Malayshiyaadka degmada Dhahar ka socdaa doonayaan inay kaga iibsadaan shilimaad yar Maamulka PUNTLAND,
Lakiin ay Ciidamada Degmada Buraan iyo waxgaradka talada Degmadu ay arrintaasi xaraan cad ku tilmaameen.
Ciidamo farabadan oo degmada Buraan ku sugnaa beryihii u damayey ayaa iminka ilaalinaya Degaankaasi iyadoo qolyaha dhinaca dhaharna ay dib uga ruqaansadeen degaankaasi, kadib markii ay arkeen Awooda ciidan ee Ciidamada iyo Tignikada ka soo jeeda degamada Buraan ee aan doonayn habayaratee inay wax lug ah la soo gasho Maamulka Puntland ilaa ay xiriir Muqdarnimo ah la soo samaynayaan waxgaradka iyo Maamulka u gaarka ah degmada Buraan Ee Gobolka HAYLAND Xaruntiisa 2aad.
Duqa Degmada Dhahar ayaa ugu baaqay inay ciidamada Degmada Dhahar ka feejignidaan isku gadaamida dhinaca dhaqaalaha ay ku raadinayaan ee degaanka xamur oo hoos taga degmada Buraan ee xarunta 2aad ee Gobolka HAYLAND.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost News Desk
a london | 4:16am on Tuesday, March 9th, 2010 |
war maxaad ku had layssaan amahal fiican ku hadla ama aamusa |
jaamac Faarax boosaaso | 6:33am on Monday, March 8th, 2010 |
Maqaalkan waxaa qoray ilka jiir, waayo isaga ayaa waxaa aamisan ,kana yir shir warsangeli hadalada yarku qorayo 1989 shir warsangeli oo lagu qabtay gurigii alla ha u naxariistee janaar green markii la samaynayey degmooyinka dhahar iyo laasqoray, yarkana isaga yaa fikirka u soo dhiibay.
wiil warangeli |
sharmaarke sheekh | 4:40am on Monday, March 8th, 2010 |
waxaan ku talinayaa inaan dadka walaalaha ah wax colaad ah lakala dhex dhigin markaad hadal oranaysid inaad aakhiradaada eegto muxuu saamayn ku yeelanayaa waayo eebe wayne waa kuu aqbsan hadalkaad tiraahd waxaana leeyahay kuwa hurinaya colaada waa bahda saxaafada eh inaad kafogaataan hadalada colaada keenikara |
Mohamed Location unknown | 3:34am on Monday, March 8th, 2010 |
Fitno looma baahna, Wereye Mohamed Ahmed Essa nin qaaliya weeye. Laakin waxa loo baahan yahay, in lays tixgeliyo oo adaab iyo akhlaadaba aan laga tegin. Dadka walaalaha ahna aan laysku dirin, haba yaraatee. |
Mohamed Location unknown | 3:33am on Monday, March 8th, 2010 |
Fitno looma baahna, Wereye Mohamed Ahmed Essa nin qaaliya weeye. Laakin waxa loo baahan yahay, in lays tixgeliyo oo adaab iyo akhlaadaba aan laga tegin. Dadka walaalaha ahna aan laysku dirin, haba yaraatee. |
suriya Naasa habloood | 3:21am on Monday, March 8th, 2010 |
Reer xaaji dhulka ay maamulaan maxay dubays ugu soo dulayaan kan caytamaya ee dubays reer xaaji baale sheegay ha ogaado in cali dable wakiil ka yahay adeerkiisna yahay waana u hogaansamayaa anagaa tusinayna |
bide baarjeex u.k | 11:33pm on Sunday, March 7th, 2010 |
sanaagi boosaaso baan ku raacsanahay hadal kuu yiri kan wariyaha sheeganaya tolka hayku dirin been abuurkana kadaa waxaasu war maaha kaftana maaha kuwa isku bilaabay durba waa kuwo kula caqliya |
Yaxye Garoowe | 10:41pm on Sunday, March 7th, 2010 |
Raar xaaji waa madax sare wadanka iyagaa maamula dubays dhuxushooda ha iibsadaan |
SALEEBAAN CEELAAYO | 9:17pm on Sunday, March 7th, 2010 |
WAA CAJIIB BURAAN REER XAAJI AYAA LEH WAR MA GURYAHA IJAARKA AH BAA SHEEGANAYSAA , IDINKOONA HABARTI TIMIRO DHIMATAY |
SALEEBAAN CEELAAYO | 9:17pm on Sunday, March 7th, 2010 |
WAA CAJIIB BURAAN REER XAAJI AYAA LEH WAR MA GURYAHA IJAARKA AH BAA SHEEGANAYSAA , IDINKOONA HABARTI TIMIRO DHIMATAY |
Jamaal saalac dhahar | 9:14pm on Sunday, March 7th, 2010 |
War Reer XAAJI OO DHAN WAXAA LEH DUBAYS, REER XAAJI HADII UUSAN FARIISAN WAXA UU KU NOQONAYAA MEESHAAA AAD GARANAYSID.
wiil DHAHAR |
Jamaal saalac dhahar | 9:14pm on Sunday, March 7th, 2010 |
War Reer XAAJI OO DHAN WAXAA LEH DUBAYS, REER XAAJI HADII UUSAN FARIISAN WAXA UU KU NOQONAYAA MEESHAAA AAD GARANAYSID.
wiil DHAHAR |
sanaagi boosaaso | 1:21pm on Sunday, March 7th, 2010 |
fariintaan waxan si gaar ah ugu dirayaa walaalkay maxamed axmed ciise oo ah nin weriye ah runa aan ka sheegayn wararka uu qoraya hadana ah nin reer sanaaga kana soo jeeda deeganada uu beenta ka sheegayo waxaana u arkaa inuu wado isku dhufasho labada deegaan ee dadka isu xiga walaalahana ah waa dhahar iyo buraan ka fiirso weriye walaal waxaad qoraysida anigu waxan ahay nin kaso jeeda deeganadaas labadaba hadana waan ka war hayaa dhulkayga waxasina kama jiraan adigana si wacan ayaan kuu garnayaa |