Boosaaso(SP): Muruqmaalka Magaalada Boosaaso oo ka cabanaya howlohooda shaqo iyo canshuuro siyaado ah oo laga qaadayo xoogooda ay Bosaso ku Maalin nugaan,Mudeey Maxamed cismaan oo ka mida ah qoomiyada aromada ayaa sheegay inuu mudo dhan 10Sano ka mid ahaa garab raratada Magaalada Bosaso isla markaasina sheegay inaysan xiligan shaqdoodu ahayn sidii ay ahayd sanadii hore.
Muruqmaalakan oo maanta suuqa wayn ee Bosaso ay waraysi yar kula yeelatay Warbaahinta sanaagpost.com ayaa siwayn walaac uga muujiyey habsami u socodaka Nolol maalmeedkiisa isagoo sheegay in waadan kulayl xoogan uu soo foodsaaray oo misaankiisu isku dhimay shaqadan cadibaada ah ee xamaaliga iyo tunka oo uu ku qaado raashinka iyo Alaabaha kale ee bagaashka ah.
Waxaa kalo xamaaligani uu sheegay inaan Bosaso looga tixgelin sida dadka garab raratada ah loo dhaqaaleeyo ee lugu cadibo lacagaha xamaaliga oo iskaba yar maalintii waxa uu helo,iyadoo taasina ay uga sii darantahay canshuraad laga qaadayo dadka xoogsatada ah oo aan la aqoon halka ay geyso dowlada hoose ee Bosaso.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost News Desk
No comments have been provided.