Garoowe(SP): Wasiir ku-Xigeenkii Wasaarada iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka dadwaynaha oo iminka Wasaarada Haweenka ka mid noqotay Marwo saynab Ugaas Yasiin ayaa Maanta xil wareejin ay xilka kula ka waregeen wasiirka Cusub waxaa ay ka dhacay Xarunta Wasaarada iskaashiga caalamiga ah ee Magaalada Garoowe ee Maamulka PL.
Saynab Ugaas Yasiin oo ahayd Haweenaydii ugu dhaq dhaqaaqa iyo shaqada halka Golaha Xukuumada doorka miiqda ka ciyaadhay wasaaradeeda ayaa Maanta soo bandhigtay waxqabad sanadeedkii Mudadii ay ahayd Wasiir ku-xigeenka iskaashiga caalamiga ah iyadoo Saynab ay haatan ka mid tahay Wasaarada Haweenka iyo qayska ee dowlada Puntland.
Wasiir ku-Xigeenka Wasaarada Haweenka iyo qayska ee dowlada Puntland Marwo saynab Ugaas Yasiin waxaa ay ka mid tahay Madaxda sare ee Sida wayn ugu Ollolaya dhinaca bulshada Puntland guud ahaan iyo gaar ahaan,Iyadoo Maalinimada berito ahna xilka kala Wareegidoonta Haweentii hore ee Wasaarada ka tagtay ee Wasiir ku-xigeenkii haweenka iyo qayska.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost News Desk/Puntland
No comments have been provided.