Wasiirka Wasaarada Amaanka ee dowlada Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii dhowaan xilka lugu wareejiyey ee isbedelka uu ku samayey Madaxwayne Faroole Yuusuf Axmed Khayr horena u ahaa Wasiir ku-Xigenka Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegay inuu wax ka qabanayo Amaanak Degaanada Dowlada Puntland.
Yusuf Axmed Kharye ayaa sheegay in ilgaara ay ku eegi donaan cida ku macaaradka ah Amaanka guud ee dowlada Puntland isla markaasina aan laga yeelayn cidkasta oo doonaysa inay xagal daaciso Amaanka guud ee dowlada Puntland.
Waxa uu sheegay wasiirka Amaanku inay muujin donaan dedaalo xoogan oo Magaalada Bosaso uu kaga bilaabayo dar dar horleh oo dhanka Amaanka uu ugu gogol xaadhayo.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost/News Desk
No comments have been provided.