Gudoomiyaha cusub ee Gobolkan Bari ayaa si rasmi ah ula wareegay Xilka gudoomiyenimo ka dib markii xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay ay 2 Gudoomiye xilka kula kala wargeen waa gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Muuse Gelle Yusuf iyo Gudoomiyaha cusub ee haatan talada haya Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf.
Gudoomiyihii hore ayaa si sagootin ah ugu wareejiyey Gudoomiyaha cusub xilka madaxnimada gobolka iyadoo uu gudoomiyihii hore ee Gobolkan sheegay inuu waxbadan soo qabtay,Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf ayaa intaasi ka dib siwayn uga hadlay howsha culus ee hortaala iyo Gudoonkiisu sida uu ilgaara ugu eegi doono xaaladaha guud ee Gobolkan Bari.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Muuse Gelle Yusuf Faroole

Curub ka mida Odayaal dhaqameedkii Madasha ee Xaflada Maanta ka soo qaybgalay.

Wasiirka Dekedaha oo ka qaybgalay Xafladii Gobolka Siciid Maxamed Raage
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost/News Desk
No comments have been provided.