Somalia (SP) - Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in todobaadyada soo socda ay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah Kooxaha Burcad badeedka Soomaalida, kadib markii ay kordheen afduubka Maraakiibta shisheeye.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub oo la yiraahdo John Harbour ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan Burcad badeedka, isagoo soo dhoweeyay isku day Doon shalay ay kaga bad baadeen weerar Burcad badeedka ku soo qaadeen.
Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Burcad badeedka ayaa qaati ka taagan weerarada guuleysta ee Burcad badeedka ku qaadaan Maraakiibta meel ka baxsan Biyaha Gacanka Cadmeed.
John Harbour ayaa sheegay in 68 weerar oo sanadkii la soo dhaafay ay qaadeen Burcad badeedka ay qaarkood ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigeen, isagoo sheegay in aanay u dulqaadan doonin weerarada.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Kooxaha Burcad badeedka ay qabsadeen Markab laga leeyahay dalka Norway, waxaana tani ay sare u qaadeysaa hamiga Burcad badeedka ee ku aadan afduubka Maraakiibta shisheeye.
C/risaaq C/laahi
Sanaagpost News Desk
No comments have been provided.