Xaflad xilwareejin ah ayaa ka dhacay maanta Xarunta Wasaarada dekedaha Bosaso,xafkadaasi oo ay xilalka kula kala waregeen wasiirkii hore ee Wasaarada Gadiidka iyo bada Puntland Mr Gacayte iyo Wasiirka cusub ee dhowaan uu soo magcaabay Madaxwaynaha maamulka dowlada Puntland C/raxmaan shiikh Faroole markuu isku shaandheyey golishiisa wasiirada.
Wasiirkii hore ee Wasaarada gadiidka bada iyo dekedaha ayaa halkaasi ka soo jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uga hadlayo wax qabadkiisii walow uusan wax sidaasi u sii buuran uusan ka taaban waxqabadkii mudada sanadka ahayd ee uu xilka hayey lakiin uu ku macneeyey inay arintaasi ugu filayd waayo aragnimo iyo qibrad dheraad ah.
Wasiirka wasaarada Gadiidka iyo dekedaha ee haatan xilka la wereegay Siciid Maxamed Raage ayaa tilmaamay sida uu waxqabad muuqda uga bedeli doono qaybaha kala duwan ee Wasaarada Gadiidka iyo dekedaha ee haatan uu si rasmi ah ula waregay.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost/News Desk
No comments have been provided.