Qardho(SP)-Mixyadiin hiirad kaatun oo ahaa madixii idaacada daljir ee Magaalada Qadho ayaa ciidamo hubaysan suuqa Magaalada Qadho ee Xarunta gobolka karkaar ay xabsiga ugagataxabeen shuruud la,aan iyadoo suxufigaasi aaney jirin wax edayn ah oo lugu cadeeyey ilaa iminka.
Waxa ii soo galay In ka badan 30 Askaari kuwas oo aniga oo Gurigeyga jooga rasaas iyo Dagaal ilaa yimid, waxa la ilaa dhacay Qoriga Bagiisa dambe, Sidoo kalena Gurigeyga waxa lagu furay Rasaas, Ma aqaani sababta, ilaa hadana la ima sheegin, Markii Xabsiga la ii geyana waxa ii Yimid Taliyaha PIS-ta Gobolka Karkaar Cumar Afdiinle, wuxuu igu yiri Waanu kugu khaldanay, Askaarigii ku xiray (Maxamed Shimbir) isagu hada waa xiran yahay, waxana loo xiray Khaladka u ka galay dartii, Waana Fasaxan tahay, balse anigu ma fahmin sababta Xarigeyga, iyo waxa la igu heysto, waxan ahay nin Masuul ka ah Idaacada Daljir Qardho ahna Suxuufi Muddo dheer ka hawl galayey PL, Mana aqaano Sababta Khaladkan maanta keentay oo dhibaatada la igu gaarsiyey" Ayuu yiri Muxuyadiin Hiiraad Kaatun
Mixyadiin ayaa waxa u shaqanayey Wepka Somalifans oo ah Warbaahinta xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Degaanada Puntland taabata waxaana uu sheegay inay waxbadan ciidanku ugu hanjabeen weriyahan shaqadisa daacada ah ee uu ka wato gudaha Magaalada Qadho.
Maxamed Axmed Ciise
sanaagpost/News Desk