Bosaso (SP)-kulan balaadhan oo ku aadan Amaanka guud ee Magaalada Bosaso ayaa ka dhacay Maanta Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsigada dowlada Puntland,kulankani oo Intabadan ahaa kulan xasaasi ah isla markaasina ay Allbaabadu u laabanayeen ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyey Wasiirka Amaanka Dowlada Puntland General cabdilaahi Siciid Samater iyo Wasiir ku-Xigeenka wasaarada Arrimaha Gudaha yusuf Xaajo khayr isla markaasina siwayn u gorfayey Amniga guud ee Puntland.
Wasiirka Wasaarada Amaanka dowlada Puntland ayaa sheegay inay tahay arrin muqdas ah in laga shaqeeyo Amaanka guud ee Degaanada Dowalda Puntland qaasatan ayuu yidhi gobolka Bari ee Magaalada Ganacsiga Dowlada Puntland oo beryihii ugu damayey Amaankeedu Noqday Mid faraha ka baxay.
Wasiirka wasaarada Amaanka ayaa sidoo kale ku baaqay inay ciidamada Amaanku daacad u noqdaan dadka ryadka ah iydoona loo baahan yahay inay shacabwaynaha magaalada Bosaso la shaqayeen Laamaha kala duwan ee Amaanka gobolka Bari.
Wasiirka ku-Xigeeka wasaarada Arrimah gudaha iyo dowladaha hoose ahana sii hayaha Xilka wasaraarada arrimaha gudaha ayaa sheegay inay talaaboyinka dhanka Amaanka ah yihiin kuwo kaabi u noqon kara Hanaanka bulshada iyo bay,adda aan ku dhaqanahay oo ah mid loo baahanyahay inuu Amnigeedku noqdo mid taaba gal ah.,Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa siwayn uga hadlay Arrimaha Amaanka Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganasiga dowlada Puntland isagoo sheegay inay tahay mihiim in ciidmada Amaanka iyo shacabku si wadjir ay uga shaqayaan Amaanka guud ee degaanada Dowlada Puntland.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost News Desk/Boosaaso