Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Qiso Xanuun Leh Oo Lamaane Soomaali ah Ku Dhexmartay London

London (SP) - Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday Magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Soomaaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday.


Wiilka ay dhacdadaan ku dhacday ayaa qadka teleefanka inagula soo xiriiray isagoo inooga war-bixiyey sidii ay wax u dhaceyn.

Hadaba lamaanahaan Somaliyadeed ayaa lagu kala magacaa Zakariya iyo Ubax, waxayna u dhacday sidatan.


Waxan ku dhashay xaafadda Buulo Xubey ee degmadda Wadajir sanadka markuu ahaa 1985-kii. waxaana kusoo barbaaray isla degmada Wadajir, dugsiga hoose dhexe waxan kusoo qaatay Xuseen Sheekh Rashiid qeybta degmada Hodan. Balse sanadkii 2002-dii ayaa waxa nasiib u hantay inaan tago dalka Ingiriiska, sidoo kale sanadkii 2004-tii ayaa waxaa dib u maqlay ama u arkay Ubax, oo ahaan jirtay gabar aanu isku deegaan ku aheyn degmadda Wadajir,

Ubax xilligaas aan maqlaayey waxay joogtay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Ubax inaan maqlo waxaa i suurta galiyey wiil aanu saxiib aheyn oo isna ladhihi jiray Cabaas. Maalin maal maha kamid ah ayaa waxaan soo wacay Cabaas oo joogay dalka Kenya, waxaan iska weydiiyey uun Ubax meeshii ay ku danbeysay hase ahaatee wuxu i xaqiijiyey in’ay ku sugan tahay wadanka Kenya, waxaan ka qaatay teleefankaydii. Sidaas ayuuna ku bilowday xiriirkayna.


Mudo 9 bilood kadib ayaa Ubax waxaan ka dareemay in’ay caashaq i qaaday. Waxaa ka dareemi jiray in’ay tahay qof iga xishooneysa oo aan i soo bandhigan Karin caashaqa ay i qabto. Hal sano markii ay kasoo wareegatay ayaa Ubax u soo bandhigay inaan jeclahay, halka ay iyana durbadiiba ay horey iga soo dhaweysay oo waxaaba moodaa ay in’ay ka aheyd yaa ku bilaabo uun.

Waxaan tagay wadanka Kenya halkaasi ayaana kusoo aqal galnay, isla halkaasi ayaa dacwad uga soo bilaabay. Bilooyin kadib Ubax waxay timid dalka Ingiriiska.


Dhanka kale waxaa jiray wiil ay Ubax wada-socon jireyn inta aanu wada aqal gelin kahor, Anna waxba maanan kala soconin, in’ay hoos kala socotay. Wiilkii oo xilligaas ku sugnaa magaaladda Muqdisho ayay Ubax kasoo qaaday iyadoo keentay magaaladda Shariqah ee dalka Emirate-ka. Halkaasi ayuuna ka bilaabay waxbarasho jaamacadeed.

Waxaasoo dhan waxba kalama socon oo si hoose ayay u sameyn jirtay. iyada ayaana biili jirtay, welibana waxaan soo shaqeeyo ayuu si-raaxo leh ku cuni jiray.


Mudo kadib Ubax waxay igu kicisay qeylo iyo qalalaaso joogta ah, waxayna i soo bandhigtay in’aan iska furo, halka aan aniguna uga caqli celin jiray, balse taasi maysan dhicin oo waxaan isla gaarnay ilaa aanu hor-tagno MAXKAMAD. Sidaasi ayaana ku kala tagnay.

Durbadiiba Ubax waxay bilowday shaqo xoog leh, iyo in’ay gasho Ayuuto (hagbad).


Sanad kadib waxay noqotay gabar lacag fiican heysata, waxay durbadiiba ay aaday wadanka Emirate-ka. Waxay dooneysay in’ay la-aqal gasho wiilkii ay jecleyd, halka uu isna ugu baaqay in’ay ku aqal galeyn dalka Ingiriiska, isagoo ku andacooday “Walaaley meeshan qof iima joogto, haddii aad uur qaado dhibaato fara-badan ayaa ina hor imaan karta, ee haddii aanu aqal galeyno aanu ku aqal galno London” iyadana waa ay ka aqbashay.

Ubax waxaa la-socotay gabar kale oo ay lacag siisay si’ay ugu dacwooto wiilka ay Ubax jaceshahay, halkaasi ayay uga bilowday dacwad. 8 biloow kadib wuxuu nasiib u yeeshay in uu soo caga dhigo magaaladda London. Durbadiiba waxay ku tiri wax walba aniga ayaa inoo haaya ee Macaane aanu aqal galno. 3 habeen kadib magaaladda London oo dhan ayuuba ka tagay, halka ay iyana ka bilowday Baafin iyo Raadin.


Xaalka markuu meeshaasi maraayey ayaa waxaa jirtay gabar kale oo aan daris aheyn, waxaa ina dhex maray xiriir, halkaasi ayaana ku aqal galay. Ubax waxay u tagtay wiilkii ay jecleyd Aabihii oo ku sugnaa magaaladda Liverpool, sidoo kale waxay indhaha ay soo saartay wiilkii ay jecleyd. Aabihiis ayay u sheegtay sida ay wax u dhaceyn, odaygiina wuxuu ku yiri “ haddii uu wiilka ku diiday, sheego inta lacag ah ee aad u baahan tahay aniga ayaa hada ku siinaayo, wiilkayga wuxuu lee-yahay dooq, adeer maxaan ku qaban karaa, haddii uusan ku dooneyn”

halkaasi ayay ka bilowday ooyin iyo qeylo. Waxay u imaaday Habaryartee oo joogtay London, waxayna ku tiri “ Habaryar Nafsigii aan ka galay Zakariya ayaa iga soo baxay, ee habaryarey Zakariya ha’iskakey cafiyo, nin iga wanaagsan-na majiro, waxaana u baahanahay in uu igu soo noqdo” Habaryartee oo aad u careysan ayaa caro kala dul dhacday Ubax, waxayna u sheegtay in’aan hadda aqal galay, welibana ay xaaskayga ay i leedahay UUR.


Waxay hada Ubax ku sugan tahay Galbeedka London, iyadoo xoogaa isku darsan tahay, wiilkii ay jecleyd-na wuxuu guursaday Gabar ay dhashay habaryartiis.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhalinta Somaliyadeed in’ay ka waan-toobaan dhacdadaan oo kale, waxaan kaloo idin lee-yahay qofkii nafsi galaa, maalinta ay doonto hana-qoto’e


Waa lagaa jari doonaa.  Zakariya oo wareysi dheer siiyey wariyayaasha Barnaamijka Isha dhacdooyinka caalamka, ayaa intaasi ayuu kusoo gaba-gabeeyey dhacdadii naxdinta laheyd ee ku dhacday.

Hadaba akhristayaashayada sharafta lahow. Dhacdadaan, maxay qalbigaaga ku abuurtay.


iyo qaabka aad u aragto wixii fikirkaaga ah inoogu soo dir laacib143@hotmail.com,

ruuxii daneynaaya in uu xiriir la-sameeyo wariyayaasha isha dhacdooyinka caalamka wuxu kala xiriiri karaa wardoon114@hotmail.com wardoon114@live.com


Xasan Cadde

Sanaagpost News Desk


Xigasho : Isha Dhacdooyinka Caalamka


Laacib143@hotmail.com


 


3 Comment(s)

muna   jabuuti

4:23pm on Thursday, February 25th, 2010

walaalo waa wax lalayaabo mana fiicno dhagarta waana kuraacsanahay inanka eeda uu dirsanayao waa ineey xaawalayda iska ilaaliyaan qiyaamada

biisaro   norge

12:51pm on Saturday, February 13th, 2010

wacajib arinkasi

shaafici dhahar   dhahar

12:06pm on Saturday, January 23rd, 2010

walaal waxan kaa codsanaya inad ku soo biirtan xisbigaa ATAM ee burta bulshada reer sanag

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010