Caafimaad (SP) - Daraasad cusub oo dhawaan la shaaciyey ayaa lagu tilmaamay in guurku uu qayb ka yahay deganaanashaha ama xasiloonida nolasha qofla iyadoo lagu xusey daraasada in dadka aan guursan, kuwa is furay ama kuwa kala geeriyooda ay dadka caadiga ah uga dhaw yihiin cudurada dhimirka ama waalida.
Daraasadan oo laga soo saarey wadanka New Zealand isla markaana ay iska kaashadeen qaybta cudurada dhimirka ee hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO iyo Jaamacada Otago ee magaalada Wellington New Zealand ayaa waxaa la soo waday mudo 10 sano ah waxaana xogta daraasada laga ururiyey 3,4493 qof kuwaasi oo u kala dhashay 15 wadan.
Kate Scott oo ka tirsan kooxda daraasadan u kuurgashay ayaa daboolka ka qaaday in badiyaa dadka cudurada waalida ay ku dhacaan ay ugu bateen dadka aan guursan, kuwa kala taga ee isfuraya, kuwa nolasha guurka ku kala fogaada iyo dhimashada mid ka mid ah labada qof ee is qabta.
Kate waxay sheegtay in sidoo kale waxyaabaha lagu ogaaday daraasadan ay ugu weyn tahay in guurku uu yareeyo walbahaarka iyo dhibaatooyinka kale ee nafsaaniga ah.
ali minneapolis | 9:12pm on Tuesday, February 23rd, 2010 |
id ont get whct u talking about it |
ali minneapolis | 9:12pm on Tuesday, February 23rd, 2010 |
id ont get whct u talking about it |
axmed dheere waxaannjooga garowe | 12:22pm on Saturday, February 20th, 2010 |
in ay tahay dhab oo uu ka qayb qaato dhimirka iyo xasiloonida qofka iyo dagananshaha marka arintaa waa arin sax ah |
Anonymous Location unknown | 9:17am on Saturday, February 20th, 2010 |
aboowe macaanoow jacaylku cudurada dhimirka ma yareeyee uu badiyaa
sababtoo ah anigoo yar ayaa bari samaadkii lagu siray ,waxaan anigu leeyahay aminsanahayna inuu guurka qaarkii keeno cuduro badan. |