Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Qarankaa La' ii Magacaabee, Qaad ii Qaad ! By Dulyar

FAALO (SP) - Waa run, dalka Soomaaliya waxaa uu ka mid yahay dalalka caalamka gaar ahaan qaaradda Africa. Iskuma diidanin in aan xaq u leenahay in aan ka qeyb galno wax kasta oo ay asaageen isugu yimaadaan: siyaasad ahaan iyo arimo bulsho;


Iinkastoo ay mudan tahay in aan maanka ku heyno in aan nahay dal iyo dad ka haray la saanqaadidda hurumarka caalamka.


Wixii ka danbeeyay 1991-dii markaa oo ku beegan xiligii aan horay u socodka ka jeclaanay gadaal u socodka lana oran karo "waa midda keentay in aan shirarka caalamka iyo tartanadda Sportigaba ka noqono dadka ugu liita", waxaanse rabaa in aan qormadeyda wax kaga taa-taabto dhanka Sportiga gaar ahaan kubadda cagta.


Xiligii dowladda dhexe ama wixii ka horeeyay 1991-dii, dalku waxa uu lahaa naadiyo sports oo noocya kala duwan leh, balse dhanka K/cagta waxa aanu laheyn cayaaryahano lagu kalsoonaa,


kuwaasoo nagu matali jiray magaca Qaranka soomaaliyeed.marka la isugu tago fagaarayaasha.iyadoo lagu xasuusto guulihii taariikhiga ahaa ee ay ka soo hoyn jireen xiliyadaa,waxa ay sidoo kale cayaartoydeenu ahaayeen kuwa laga baqo oo dhinac walba ka dhisan.taasoo la oran karo waxaa sabab u aheyd,


naadiyada wadanka oo lahaa heerar kala hooseeya,garoomo u gaar ah, Club-yo lagu xareeyo ama ay ku kulmaan, gaadiid, macalimiin, iyo gabi ahaanba wax kasta oo u sahli karayay gudashada xirfadooda, iyo sidoo kale iyadoo inta badan naadi walba uu ahaa mid ku lamaansan wasaarad ama wakaalad si loo daboolo baahidooda dhaqaale,


Naadiyada wadanka ka jiray barigaa waxa ay sanad kasta ku loolami jireen 2-koob oo waaweyn iyo kuwa kale,, si ay u helaan jiil cusubna, waxa ay cayaartoyda ka soo xulan jireen, cayaaraha goboladda, dagmooyinka,iskuulada iyo tartamada xaafadaha lagu qabto,iyadoo markaana u kala qoondeyn jiray qaanadaha,


Seri A-da ama Seri B-da, oo la oran karo hadii aaneey heli laheyn meelo ay ka soo ugaarsadaan, waxaa dhici laheyd dhibaatadda maanta taagan, si taa la mid ah cayaartoyda Xulka Qaranka, waxaa laga soo dhex xuli jiray Naadiyadda Seri A-da ah ee wadanka ka dhisnaa, inkastoo mararka qaar Xulka Qaranka si toos ah loogu soo dari jiray Cayaartooy laga qaatay tartanka goboladda,


mana jirin laaluush garab iyo qabiil toona cayaartooy ku imaan jiray, waana talaabo ku tusineysa in aan si sahal ah lagu gali jirin liiska Xulka qaranka,balse uu muteysan jiray oo qura, in uu xirto maaliyadda Qaranka cayaartooy muujiyay xiliyada tartamadda dadaal dheeri ah isla markaana ay dhan walba ka soo eegeen iskuna raaceen gudiyada qaranku lahaa iyo macalimiin dhowr ihi,


Macalimiinta naadiyadu, waxa ay ahaayeen kuwa xooga saari jiray sidii ay cayaartooydooda uga dhisi lahaayeen, xagga jirka, maskaxda, akhlaaqda,iyo farsamada, waxa ayna u dooran jireen cayaaryahan walba meesha uu ku fiican yahay, sidoo kale cayaaryanahanda waxaa laga waanin jiray Sigaarka, Dhafarka, Galmadda tumashada ah, iyo dhamaan waxyaabaha kale ee la xiriira mukhaadaraadka,ama hoos u dhigi kara awoodda murqahooda iyo aalamiintada la siiyo,


mana jirin cayaartooy tababarada iyo kulamada kaleba ka maqnaan jiray cudur-daar la'an,waxa ayna ahaayeen cayaaryanahdu kuwa ixtiraama talooyinka macalimiintooda, iyo tan cayaaryahanada kale ee ka waaya-aragsan, si hoppy ahna u jeclaa K/cagta.


Hadaan u soo noqda Maanta iyo waayaheena sporti gaar ahaan kubadda cagta,waloow aan la is bar-bar dhigi karin shalay iyo maanta sababo badan awgood, sidoo kalena uu mudan yahay Sportiga maanta in loogu garaabo,


 in aaneey helin fursadihii ay heysteen kuwii ka horeeyay, Sida Dowlad maamusha oo ka haqabtirta dhamaan tasiilaadka ay u baahan yihiin oo ay ugu xoogan tahay xagga dhaqaalaha iyo mooralka, taa badalkeedana maanta aan la socono in aaneey Sportiga soomaaliya heysan Dowlad, Nabadgalyo, Garoomo lagu cayaaro, iyo guud ahaan heykal Sporti oo dhisan, laguna soo bar baarin karo jiil wanaagsan oo nagu matala fagaarayaasha caalamka.


Hadana waxa ay sanadahaan danbe dhagaheenu maqalaan had iyo goor waxaa tartamada Africa ka dhacaya ka qeybgalaya cayaartooy mataleysa qaranka soomaaliyeed,waxaana sanad walba naga soo gaara jab iyo ceeb,


marka la wareysto maamulka horkacaya ama cayaartooyda laf haantooduna, waxa ay caadeysteen in ay la soo boodaan kalmadda ah { guul daradu macna malaha,waxaase muhiim ah in aan calanka meesha keeno , oo uu ka dhex muuqda calamada kale,} taasoo dadka qaar marka aad la sheekeysato ay kuu sheegayaan in ay sidaan dhaami laheyd in aan calanka la keenin goob ceebeed, hadiiba la sii ogyahay in lagu ceeboobayo.


Aniga oo muddo badan la yaabanaa horumar la'aanta Sportiga soomaaliya, gaar ahaan K/cagta,warar badan oo duul duul ahna ay Iga soo gaari jireen, ayaan sanadkan waxa aan nasiib u yeeshay in aan ka qeybgalo tartanka bariga iyo bartamaha Afirica ee ka soconaya wadanka Kenya,


waxaana kala kulmay Teamka Qaranka waxyaabo badan oo aan la yaabay, sida:- qaabka cayaartooyda loo soo xulay oo aan I qancin, hab cayaareedkooda,Qaab jireedkooda, mooral xumo saa'id ah, qibrad xumo,iyo iyo wliba tabar daro aan daah saarneyn iyadoo la ogyahay cayaartoyda ay ka hortagayaan awoodoodda.


Waxaan ku booqday hadaba Hotelka la dajiyay cayaartoyda soomaaliyeed, si aan ugala sii sheekeysto arimo badan oo ay ugu horeyso Guuldarooyinka la huwiyo had walba iyo sababta keenta waxa ayna ii sheegeen in ay aad uga liiteen sanadkan xaga weerarka, lagana soo tagay cayaartooy muhiim u ahaa xulka qaranka sida Maxamed Shaarkeey oo ah weeraryahan wanaagsan una cayaara kooxda Al-shacab ee wadanka yaman, iyo Ciise dheere oo ka cayaara naadiyada heerka koowaad ee Swedan,


 oo isna ah weeraryahan wanaagsan, ka dib markii iyaga oo diyaar u ah ka qeybgalka tartankan ay xiriirku ka baqiileen in ay tikidhada ka bixiyaan,xaga tababarka iyo diyaargarowga oo aad ugu xumaa,iyo iyadoo cayaartooy badan oo qaranka loo magacaabi lahaa ay dagaalada socda awgii dalka isaga carareen, in muda ahna aanba dalka lagu qaban wax tartan ah oo naadiyo ku hardamaan, iyo qodobo kale, oo macquul ah, hase yeeshee aniga waxaa ii muuqday sababo kale oo aan hoos ku sheegi doono.


Sidoo kale waxa ay ii sheegeen in ay iminka heystaan dhibaatooyin kale sida, iyagoo tan iyo intii ay yimaadeen Neyrobi aan la siin wax lacag ah oo xataa aysan heysan qarashaad ay magaalada ku mar-maraan, ayna jiraan qaar ka mid ah cayaartooyda oo aan xamili Karin cuntada hotelka oo aad u hooseysa, markii ay maamulkooda u sheegeena anuu waxba ka qaban.halka cayaartoyda wadamada kale ee nala tartamaya. xiriiradooda oo garab taagan awgeed ay yihiin kuwa naga niyad fiican,

Erayadaasina waxa ay ahaaheen kuwa aan aad uga calool xumaaday, ina soo xasuusisay maadaama aaneey dowlad awood lihi dalka ka jirin, hadii ay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqaalaha xoogan ku rog-rogta dalka Kenya ay wiilashooda garab istaagi lahaayeen in aan maanta xaalku sidaan ahaadeen,balse rag hiil waayay oo gacan xuni maamushay ka soo qaad, laguna cidleeyay magaca Qaranka Soomaaliyeed.


Dhanka kale, cayaartoyda soomaaliya mataleysa waxa ay Hodhelka ku jiifaan habeenkii 65$ taasoo qaar ka mid ahi ay ii sheegeen in ay ka door bidi lahaayeen in la dajiyo hotel raqiis ah si ay u helaan marka ay dalka dib ugu laabanayaan qarash gacanqabsi ah,


 oo aaneey isugu darsamin Gool la'aan, Guul daro, iyo Guno la'aan, waloow ayba si cad kuugu sheegayaan qaarkood in aaneey rajo ka qabin in xiriirkoodu siin doono lacag guno ah marka ay anbabaxayaan,horeyna aaneey uga baran. Iyadoo ay jiraan qarashaad FIFA iyo CECAFA, ugu tala galeen tartanka iyo qaramada ka soo qeybgalaya,hase yeeshee aan la ogeyn halka ey geeyaan xiriirka soomaaliyeed.


Si kastaba ahaatee, waxaan ogaaday sababaha guul daradu noogu soo dhacdo mar walba in ay yihiin, 1:- Dowlad la,aan,iyo dhaqaalo xumo,


2:- Madaxda maamusha sportiga soomaaliya oo aan ehel sporti aheyn, islamarkaana u muuqda koox ku shirkoowday mashruuc, oo aan si miyir leh u maamulin dhaqaalaha sportiga soomaaliya soo gala,,,


3:-garoomo iyo kooxo cayaartooy laga soo xusho oo aan jirin,


4:- Nidaam la'aan iyo moral xumo cayaartoyda ku abuuran,iyo dhanka tababarka oo ku yar loona yeero marka loo baahdo oo kaliya, iyaga oo inta kale ku dhex Milan bulshada lana wadaaga balwadaha,oo ah dhaqan markii hore looga digi jiray cayaartoyda, maantase iska caadiya,


5:- qaabka loo soo xulo cayaartoyda oo qaldan,6:-iskaashi la'aan ka dhex jirta soomaalida Qurbaha joogta , Goboladda dalka, Caasimadda,iyo Xiriirarka K/cagta, taasoo hadii ay jiri laheyd ay suurta gal noqon laheyd in laga heli lahaa meelahaa cayaartooy wax gal oo na-matasha, maalmaha calanka la difaacayo.iyo waxoogaa dhaqaala ahba,madaama aanu ognahay qurbaha iyo gobolada dalkaba in ay ku nool yihiin cayaartooy mustaqbal fiican ku leh K/cagta.


Ugu danbeyntii, aniga oo rajeynaya in aaneey dhibsan doonin dadka ay dhibeyso qormadeydu, balse ay u qaadan doonaan sixitaan, ayaa waxa aan rabaa in aan qoraalkeyga ku soo ururiyo sheekadaan,


 Waxaa maalin maalmaha ka mid ah nin saaxiibkeey ah ii sheegay in uu la kulmay islamarkaana uu xaafadiisa ku soo booqday mid ka mid cayaartooyda qaranka soomaaliya ee ka qeybgalaya tartanka ka socda wadanka Kenya, isbariidin ka dibna uu ku yiri,


saaxiib waxaan ka mid ahay cayaartooyda Qaranka, balse maanta nasashaan leenahay ee si aan u sheekeysano Qaadka inoo qaad,taasoo ugu noqotay sheeko cajiib ah, uguna xanbaartay in aan qoro maqaalkan,aan ugu magac daray, (Qarankaa la ii magacaabee, Qaadka ii qaad).

C/qaadir Maxamed Farax (Dulyar)
Email: mailto:Dulyar21@hotmail.com
Neyrobi -
Kenya


Sanaagpost.com kama masuul aha fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.


 Ku soo dir fikirkaaga


 Email sanaagpost@hotmail.com amaWebmaster@sanaagpost.com  


Sanaagpost News Desk  



 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010