Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Sheikh Maxamed Idiris Oo Ka Taariikhaynaya Prof. Caddow & Tacsi

INNAA LILLAAH WA IINAA ILAYHI RAAJICUUN Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.


TACSI TIIRAANYA LEH…

Waxaan ugu horrayn Tacsi u dirayaa dhammaan eheladii dadkii lagu xasuuqay qarixii lala beegsaday Xafladii aqoonta ee Hotel Shaamow, Muqdisha, waxaanan leeyahay, inta dhimatayna Ilaahay Naxariis iyo Janno ha siiyo, Inta dhaawacaana allaha bogsiiyo oo boogtooda dhayo, eheladooda iyo asxaabtopodii iyo Soomaaliyoo idilna Ilaahay samir iyo ajir Musiibadooda Allaha ka siiyo.


Maalintii khamiista December 3, 2009, Musiibada ka dhacday Hoteel Shaamow – Iyadoo Musiibooyinka Soomaaliya gaar ahaanna Muqdisha waayadanba isdaba joog yihiin – wexey ahayd mid aad uga duwan kuwii dhici jirey:

1) Waa midda Koowaade waxaa goobta lagu gummaaday koox ka mida dadkii Wadankaan waxtarka u ahaa, iyo facii wax bartay oo soo kacayey, taasoo muujineysa, dadka falkan ka dambeeyaa iney yihiin kuwa Soomaaliya doonaya iney ka sifeeyaan cid kasta oo wax tar noqon karta ama aqoon diineed ama adduunyo leh.


2) Dadka Meeshan lagu gummaaday wexey ahaayeen dad aan dagaalada socda kaalin weyn ku lahayn, ama haba yaraatee wax kaalinaba ku lahayn, xitaa wasiirada meesha lagu diley wexey ahaayeen, kuwii aadka uga fogaa arrimaha dagaalka, isla markaana ugu waxtar badnaa ama ugu shaqa badnaa DKMG intii ay jirtey sida muuqata, Wasiirada Waxbarashada, Tacliinta Sare, Caafimaadka iyo Isboortiga.

3) Dadka ugu badan ee xafladan isugu yimi waxaa la oran karaa iney ahaayeen xulkii bulshada, dhakhaatiir waaweyn, arday caafimaadka ka qalin jebisey oo 6 sano ka badan cidiyaha ku dirirayey si ay aqoonta sare u ururiyaan, waxna u dhisaan, halka ummadoodu inteeda badan wax dumineysey, ayna ku dhex noolaayeen, taasoo ka dhigeysey iftiin yar oo kasoo bidhaamayey dhul qudcura oo mugdiyadu dabooleen, amase ay ka dhignaayeen, farxad yar oo dhex taalla murugo aad u weyn oo carrigaa qarisay.


Si kastaba ha ahaatee, falkani wuxuu muujinayaa dadka ka dambeeyey iney yihiin kuwa ay ku fogaatey cadaawadda dadka muslinkaa, jecelna Ummadda Soomaaliyeed ruux wax tar ahi inaanu ku harin.

Ilaa hadda warka lasoo tebiyey wuxuu sheegay inuu falkan ka dambeeyey qof isku soo xiray ama lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo meesha isku qarxiyey. Hase yeeshee arrintu wexey u baahantahay in loo saaro guddii aqoon dheer u leh arrimahan oo baaritaan ku sameeya qaabka wax u dheceen, si loo ogaan karo asraar badan oo ka dambaysa falka noocan oo kale ah, in kastoo maanta Muqdisha aan laga fili Karin baaritaanka noocaas ah, haddaana dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh, hawlahaan, wey fiicnaan lahayd iney wax ka faallayaan marka baaritaan lagu sameeyo goobta, sida wax u dheceen, qaabka loo fuliyey, sida dadku ku dhinteen, dhaawacyada oo la waraysto iwm.


Maxaa rag qaalliya ku baxay Goobtan

Dadka falkaan cadawnimada ah lagu gummaaday waxaan si fiican uga aqaaney Dr. Ibrahim Caddaw iyo Dr. Axmed Cabdullaahi, iyo Sh. Abuukar Xuseen oo isagana waqti dheer aan ku aqaaney dacwada iyo inuu ahaa aabayaasha agoontii jamciyatul mashaariic ee Muqdisha.


Dr. Ibrahim Xasan Caddow Allaha u naxariistee

Oo aan ugu badiyey dadka meeshaa ku geeriyoodey, Waxaan bartay sanadku markuu ahaa 1985 waxaanuna isku baranay magaala madaxda maraykanka ee Washington, halkaasoo uu ka watay waxbarashadiisa sare ilaa uu ka qaatay shahaadada PhD, kuna takhasusay waxbarashada. Kadibna Jaamacadaha American University iyo George Mason iyo qeyrkood ayuu wax ka dhigay. Sagaashameeyada horraankeedii ayuu wuxuu shaqa ka helay Bangiga Islaamiga ee Jiddah (Islamic Development Bank) inuu xagga waxbarashada iyo jaamacadaha kala taliyo ardayda bangigu minxooyinka siiyo, xilligaas habeen uu gurigiisa Jidda igu casuumey wuxuu ii sheegay inuu la qabsan kari la’yahay qaabka shaqada ee Bangiga, ayna dhici karto inaanu waqti badan sii wadin. Sidaas ayey noqotay oo Ibrahim wuu ka tegey shaqadaas, iyadoo lacag badan la siinayey. Wuxuuna mar kale ku noqday Maraykanka. Wuxuu muddo la shaqaynayey Safaaradda Imaaraadka carabta Washington, lataliye xagga tacliinta, hase yeeshee iyadana waqti dheer masii wadin. Ibraahim Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin aan qal qalooc iyo isdaba marin u dul qaadan Karin, saas darteedna uu shaqooyin badan uga tegey.


Kadib Ibrahim isagoo ku taahayey in badan inuu dalka kusoo noqdo oo wuxuu soo bartay wax ku taro, wuxuu ku fikerey inuu dalka kusoo noqdo si kasta oo duruuftu u adagtahay. Dabadeedna wuxuu Muqdisha ka asaasay Iskuul Private ah. Mar aan Muqdisha gurigiisa isku aragnay 2002-3 wuxuu iiga sheekeeyey inuu ku taamayo iskuul taya leh xag diin iyo xag aduunyo. Ibrahim oo ahaa nin diinta ku adag, wuxuu shuruud ka dhigay, macalin kasta wuxuu doono ha dhigo, science ama Math, inuu aragti diineed leeyahay, diintana wax ka yaqaan, wuxuu kaloo ardada shardi uga dhigay iney qamiis (uniform) u noqda iskuulka, iyo in anshaxa islaamiga aad loo ilaaliyo. Wuxuu arrinkaa ku qeexay risaala yar oo uu qoray, maalintaasna i tusay laakiin aanan hadda hayn. Kadibna Ibrahim wuxuu wax ka qaban qaabiyey Jaamacadda Banadir ee markaa Kulliyadda Caafimaadka keliya ahayd, sidoo kale wuxuu qayb ka qaatay. Xilligii ay soo ifbaxday Maxaakimtii Islaamka ee beelaha Muqdishana wuxuu qayb ka noqday dhaqdhaqaaqoodi, dabadeedna waxaa loo magacaabay Xoghayihii arrimaha Dibadda ee Maxaakimta. Ibrahim Allaha u naxariistee ma aheyn nin siyaasadda jecel, ama u samaysan xitaa inuu siyaasi noqdo. Waayo siyaasiyiintu waa dad laab laab badan, Ibrahimna wuxuu ahaa nin toos u kaca (straight) oo aan laa laab lahayn. Maxaakimtii markey dhacday ka dib, Ibrahim kama maqnayn saaxada, hase yeeshee waxaa muuqatey inuu xoogaa dhinac uga istaagey, gaar ahaan markii la sameeyey Isbahaysigii Asmara, kaasoo aanu ka qayb gelin, markii isbahaysigu u kala jabay Jabuuti iyo Asmarana Ibrahim dhinacna ma raacine wuu ka haray, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ka shaqaynayey in dib loo mideeyo. Wuxuu Prof. Ibrahim dib uga soo muuqday saaxada markii DKMG jabuuti lagu soo dhisay halkaasoo Wasiirka Tacliinta Sare loo magacaabey, waana halka uu Prof. Ibrahim islahaa, dadkuna is lahaa waxbuu ka qaban karaa, oo waa shaqa uu aqoon iyo khibrad u leeyahay.

Waxaan aad ugu malaynayaa Prof. Ibrahim inuu jagadaas u galay niyad ah inuu Ummadda wuxuu ku tari karo ku taro. Intii uu hayey hawshanna waxaa la dhihi karaa wuxuu ka mid ahaa ama ugu horreeyey dadka fara ku tiriskaa ee wax la taaban karo qabtay, maxaa yeelay boqollaal arday ayuu minxooyin uga soo qaaday wadamada yemen iyo qeyrkeed oo uu guddoonsiiyey, iyadoo awal kumanyaal doolar lagu gadan jirey.


Sifooyinka ugu weyn ee Ibrahim Allaha u naxariistee lahaa waxaa ka mida, inuu ahaa nin Muslina oo diinta aad u jecel, caqiida toosan oo wadadii salafka haya, sunnada ku dheggan oo ay ka muuqato, xaqqa wuxuu u arko aan marna ka weecan adduunku hadduu dhinac ka safto. Waxaan Ibrahim ku bartay Allaha u naxariistee, nin toos u socda oo aan leex leexad iyo war wareeg aqoon oo jeclayn, zaahid ah oo aan adduunyo raadis ahayn, tawaaduc leh oo aan isla weynaan aqoon.

Ibrahim Allaha u naxariistee, wuxuu Maraykan iyo qeyrkeedba ka heli karey shaqooyin wax badani kasoo galaan, nolol adduunyo oo qabowna leh, hase yeeshee wuxuu jeclaa inuu dalkiisa ku noolaado waxna taro, isaga ayaana maanta isagoo madluuma lagu dilay. Xitaa sida meydkiisu u yaalley meeshii lagu dilay ayaa markhaati ka ahayd inuu ilaahay uga ashtakoonayey kuwa dulmiga ku dilay Ibrahim. Ilaahay waxaan uga baryey Ibrahim inuu u naxariistu, Jannadana nagu kulmiyo, Ilaahow ajarkiisa hanaga qadin, gadaashiisna Ilaahow hana fitnayn.


Dr. Axmed Cabdullaahi Waayeel

Ninka Labaad ee aan aadka u aqaaney waa Dr. Axmed Cabdullaahi Shekh (Waayeel). Axmed Waa maamulihii iyo Maareeyihii Mu’asasada iyo Dugsiga laamaha badan ee Imaamu Shaafici. Dugsigaas oo la asaasay intii Dawladdii Maxamed Siyad Jirtey, Mudadii Burburka oo dhanna aan maalinna istaagin, soona saaray kumanyaal arday ah oo maanta adduunka ku firiqsan. Axmed Allaha u Naxariistee wuxuu ka qalin jebiyey jaamacadii Soomaaliya, kadibna wuxu Master ka qaatay dalka Suudaan, haddana wuxuu wadey ogaaltay PhD oo wax yar uga dhinaayeen, hawlahaanuna ka mashquuliyeen, haddaanuba dhamayn. Kolleey burburkii Maxaakimta kadib wuxuu ii sheegay inuu ku tala jiro inuu dhamaystiro PhD ama daktoorada, laakiin waa laga yaabaa inaanu haleelin.


Axmed waa halgamaa weyn oo 20 sano ee dalku burburka ku jirey isaga iyo saaxiibadiis ku mintideen iney taagaan Mu’asasada Imaamul Shaafici ee maanta xarumaha wax barashada Geeska Afrika ugu magac dheer. Ka dibna wuxuu wax ka asaasay Dalladii Wax barashada ee FPENS, oo uu agaasime ka noqday, taasoo ahayd (Wasaaradda Wax barashada) dal aan dawlad lahayn, haddii dawlada magacii soo mareenna aaney waxba ka qaban wax barasho. Axmed markii loo magacaabay, wasiirka wax barashada, waxaan iri, isagaa wax u kordhinaya ee wasaaraddu wax kuma kordhineyso. Waayo Axmed isagoon cidi u magacaabin, ayuu wasiirka Waxbarashada Soomaaliya si ficil ah oo camal ah u ahaa.

Axmed waxaan marar badan ku booqday dugsiga shaafici, iyo FPENS, waxaanu ku walaalowney dariiqa dacwada oo qofba kaalin kaga jirey, Axmed Allaha u naxariistee, markii Isbahaysiga Asmara is khilaafay wuxuu ahaa raggii kaalinta weyn ka ciyaaray dhinaca Jabuuti.


Axmed wuxuu ahaa nin aad u caqli badan. Deggan oo fikir fiican. Qabow oo aan kulayl iyo xaraarad cidna ku qaabilin. Wuxuu ahaa nin had iyo jeer inaan lakala tegin ee wax laysku waafiqi karo, waxna lagu heshiin karo aaminsan. Wuxuu ahaa nin diinta ku soo bar baaray, aqoon u leh, waxaanan is leeyahay mudadii yarayd ee uu jagadan hayey, wax badan inuu Soomaalida ugu qabtay, ama heshiisyo uu la galo wasaaradaha wax barashada carabaha, ama manaahijta wax barashada, ama kobcinta aqoonta iyo iskuulada, wuxuuna ahaa nin karti badan oo agaasimka shaqooyinka aad ugu wanaagsan, waxaadna ka garaneysaa miraha uu ka tegey iyo Mu’asasada uu wax ka dhisay, isagoo ku haminayey marar badan Imam Shaafici, Jaamacad inuu gaarsiiyo, oo xitaa diraasadeedi diyaarshey.

Ilaahay waxaan ka baryayaa Axmed Cabdullaahi inuu u naxariisto, Janana nagu kulmiyo, kuwa shalay dulmiga ku dileyna ilaahay abaalkooda mariyo.


Waxaa ii haray hal arrin oo uurka aan iigu jiri Karin. Magaaladan Muqdisha waxaan filayaa iney tahay tan iyo maalintii dhibka Soomaaliya bilawday, meesha ugu badan ee dad Muslina dhiigooda dulmi loogu daadiyey. Muqdishooy maxaa Muslim Madluuma uurkaaga ku jira. Maxaa Muslin Mussaliya oo Ilaahay habeenkii u sujuuda dhiigiisa lagugu daadshey, oo jidadkaaga togey, maxaa kaa dhiqi kara xinjiraha Muslimiinta Ilaahay yaqaan. Muqdishoooy Maxaad Muslimiin qaalliya qabtaa…Maxaa dad Awliya Ilaahay jidadkaaga lagu ugaarsaday. Maxaad dhiig ku fooldhaqatay, oo hilbaha muslin ku cadayatay, oo xinjiraha dadka ilaahay yaqaan waagii beryaba ku subkatay.

Muqdishooy..Miyaadaan dhiiga dulmigaa ka dhergin…Miyaadan hilbaha waxtarka Soomaaliyeed inaad quudato ka quusan…Immisaa madluumiin dhexdaada dhiigooda lagu daadshey Maxkamadda Ilaahay kuusoo istaagi doona berry qiyaamaha..


Ilaahow Fitnada Soomaaliya ka socota oo weliba Muqdisha ka socota, naga bad baadi oo dhinac naga mari. Cuquubada iyo Lacnadda ka timaadda dhiigaa xaq darrada lagu daadinayana Ilaahow na dhaafi. Ilaahow aamiin.

Muxamad Idris Axmed
Makka Al Mukarramah


TACSI


C/qaadir Maxamuud Walaayo : Afhayeenka Dowladda Somalia


Ambasador Maxamed Cali Americo : Safiirka Somalia Ee Kenya


Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil : Madaxa Shabakadda Wararka Caalamiga ah Ee Sanaagpost


Cibaar Sheikh Cali Cibaar


Xasan Sheikh Xuseen Goley (Xasan Sheeno)


C/qaadir Maxamed Ibraahim (FAA)


Weriye Bashiir Maxamed C/qaadir Al-Bashiir


Maxamed Muuse Nuur (Deeq-Darajo) : Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOJASA


C/qaadir Axad Dhaqane                    : Xoghayaha SOJASA


C/naasir Axmed Sheikh Bashiir (Saxansaxo)


C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhojaceyl)


 Dhammaan Umadda Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo murugo badan xambaarsan u dirayaan Qoyskii, asxaabtii iyo Eheladii uu ka tagay Eebe naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Tacliinta sare ee Somalia marxuum Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo dhawaan lagu dilay isaga iyo xubno il qabad u ahaa bulshada qarixii uurkutaalada daran xambaarsanaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.


INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN


 


2 Comment(s)

cabdi maxamed salat   waxan jaga garoowe

12:58am on Sunday, January 24th, 2010

waxan leyahay dadka qorshahas ka dan beyay aqoonyahanada ku layaya waxan oroonaya in e ilahey kacabsadan

cabdi maxamed salat   waxan jaga garoowe

12:57am on Sunday, January 24th, 2010

waxan leyahay dadka qorshahas ka dan beyay aqoonyahanada ku layaya waxan oroonaya in e ilahey kacabsadan

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010