Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Labaatan Sano Kadib Iyo Soomaaliyi Halka Ay Taagan Tahay

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat. Marka hore waxa aan fursaddan uga faa’ideysanayaa tacsi aan u dirayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba, anigoo uga tacsiyeeynaya  mas’uuliyiintii, waxgaradkii iyo aqoonyahanadii shalayto sida naxariis darada ah loogu qarxiyey xafladii qiimaha laheyd ee loo sameeyay dhalinyaradii ka qalanjabisay jaamacadihii waddanka. Runtii waa dhacdo ay soomaali meel walboo ay joogaanba xusuusnaan doonaan qaraxaas waxashnimada ah ee loo geystay maskaxdii iyo indhihii ummadda Soomaaliyeed. Nasiib darro ka weyn ma jirto intaas oo dhalinyaro oo qalinjabinaysay in farxadoodii loogu badalo masiibo iyo wax allaah laga magangalo.


 Soomaaliyeey weli annagu dib ma u xisaabtannay, ma isweydiinay halka ay wax ka qaldan yihiin. Dunidoo idil dhibaato wey ka dhacdaa oo xal waa loo helaa , maxaa annaga inaga si ah. waxaad modaa in qof walbaa uu halkiisii isaga qaboobay oo uu is yiri waa laguu hagaajin doonaa waddankii ee sug waqtigaaga. Waxaa leys lahaa 20 sanadood waa waqti nagu filan oo Soomaali wax bay ku qaadanysaa dhacdooyinkii soo maray. Waxaa leys lahaa dadku dhibtu wey kartay oo wey ka tashanayaa, waxaa leys lahaa waxaa la gaaray xilligii waxgaradka, culumada iyo aqoonyahanada fursad la siin lahaa, waxaa kaloo leys lahaa koobkii wuu buuxsamay, nasiib daro waxaad moodaa in ay hadda bilow tahay Ciyaartii.


 Soomaaliyeey  ogaada qof walboo mas’uuliyaddu wey ku saaran tahay oo waa kugu waajib inaad raadisa sidii dadkan loo badbaadin lahaa. War waxeynu halis ugu jirnaa in dalkan uu shisheeye gacan u galo, waxaan halis ugu jirnaa in aynu baab’no, waxeynu halis ugu jirnaa in Soomaali ayaa jiri jirtay lagu sheekeysto. War aynu isdaba qabano, war aynu xisaabtanno, war aynu iska qabano cidda qaldan ee nagu dhex jirtaa. Marka aan leeyahay cidda qaldan qolo gaar ah farta kuma fiiqayo, ee Soomaali ayaan leeyahay war baara oo aynu iska soo dhex saarno kan fidnada iyo ballaayada  nagu dhex wadaa.


 SYL waxey ahaayeen dhalinyaro markaas da’doodu iska yareyd, aan aqoon baddan intooda baddan laheyn, laakiin la yimid niyad wanaagsan. Niyadoodii wanaagsaneyd waxey gaarsiisay in ay helaan kalsoonidii Soomaali oo dhan, waddankana gaarsiiyaan xoriyad kaamil ah. Haddaba maanta aqoontii wey korodhay, culumadeenii wey fara baddan yihiin, inta dhaqaale Allaah u dhiibay xisaab ma leh, odayaasheena, waxgaradkeena iyo dhammaan inta damiirka iska leh wey fara  baddan yihiin, nasiib darro haddana salaadu meel bay iska qabsan la’dahay. Ma is weydiinay halkaas wax ka qaldan yihiin. Wax kale maaha waxaa nagu baddan qabyaaladda, nin jecleysiga, daneysiga, qaran duminta, shisheeye jecleysiga, munaafaqadda, xaasidnimadu, xaqiirnimada  iyo wax walboo ummad kala geynaya, kala shaki iyo wax daranba.


 Haddaba su’aasha isweydiinta iska leh wax ay tahay ma laga yaabaa in aynu helno rag u kaca howshan oo hogaanka inoo qabta sidii SYL iyagoo ka nadiif ah arimahaan kor ku soo sheegay oo dhan. Ma laga yaabaa in aynu helno kuwo Allaah ka baqaya, oo leh karti iyo aqoon ummad lagu kasban karo. Ma laga yaabaa in aynu helno kuwo aan gacan saddexaad wax ka sugeyn oo iyaga isku kalsoon,  kasbada dadkooda. Malaga yaabaa in haddii dadkaas la helo Soomaali ay u istaagaan oo ku garab galaan dadaalkooda iyagoo aan u eegeyn yuu yahay, iyo wax kalaba.


 Runtii waa macquul in la helo, laakiin waxey u baahan tahay sabar iyo dulqaad iyo howshoo lagu dhaqaaqo. Ogow wax walboo hirgalay waxey leeyihiin meel ay ka biloowdaan. Haddii aad aragto waddo Kun Kiiloomitir ah , waxa ay ka bilaabatay hal tallaabo iyo wax ka yar. Ogow jidku masahlana laakiin waxey u baahan tahay kelyo adeyg, daacadnimo, dulqaad iyo allaah oo la talo saarto. Ha u istaagin nin xun oo dhan iyo warxumotashiil. Sidoo kale ha u istaagin xaasid iyo daneyste. Mar walbaa la tasho kan har iyo habeen allaah baryaya oo u taagan sidii uu u arki lahaa Soomaali oo soo noqota, oo mid ah oo garbaha iyo gacmaha is heysta. La tasho kan ka tiiraanyeeysan dhacdooyinka foosha xun leh ee dalkeena kadhacay.


 Soomaaliyeey hadalkii wuu fara batay, wax qabadkuna wuu yar yahay, waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ah allaha u fududeeyo oo dhibta ka qaado, Soomaali inteeda kale waxaan leeyahay war hala tashado, oo sidan xal maaha oo aynu waxmagaratada iyo shisheeye kalkaakaba aynu iska qabano oo dalkeena u istaagno.


 Wabilaahi Towfiiq


 Cabdixakiim Jaamac Jooje


 Social Development Adviser


 Leicester UK


E-Mail:saicentadv@yahoo.com


Sanaagpost.com kama masuul aha fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.


Ku soo dir fikirkaaga


Email sanaagpost@hotmail.com amaWebmaster@sanaagpost.com  


Sanaagpost News Desk  

 



 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010