Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
SOOLEEY XORNIMAA GOBANIMO LAGU GAADHA

Maqaalkan oon ahayn digasho amaba ku takri falid awooda iyo xornimada Ilaahay bixiyo waxa uu hogo tusaalayn uyahay dhalinyaro la marin habaabiyey iyo weliba dad garaado, guurti siyaasiyiin iyo aqoonyahano sheeganaya, oo aan xasuusan karin wakhtigii lasoo maray iyo taariikhihii dhacay,


wuxuuna hogo tusaalay taariikheed u ayahay deegaano maqan iyi sidii loo raadin lahaa, laga soo bilaabo deegaanka Buurdhuub ilaa iyo Boholaha Xargaga, anoo rabo inuu raali geliyo akhriste kasta waa maqaal ka dheer fikir oo sal iyo baarba taariikhi ku xardhantahay.


Waxaan ku qaadaa dhigi doonaa inaan la qabsan Sool iminka laakiinse hore loo qabsaday Laascaanood na ay arar u ahayd deegaan badan oo hore loola wareegay.


Aduunka aynu oogadiisa ku nool nahay inta aad guud kiisa saaran tahay maalinba wax aad la yaabto ayaa ku soo marayo, kuwaasi oo isugu jira wax kuraali geliya, wax aad ka naxdo iyo mid aad ba garan waydo dhinac aad u qaado oo aadba moodo dhoohnaan, waa taariikhda is qorta dhacdooyinka maalinlaha, bilaha iyo sanadluhuba.


Waxyaabaha hadaba aadka loo la yaabo waxaa ka mid ah beryahaan danbe aad arkayso jaahil isu haysta cilmi inuu leeyahay, wax magarad guurti is moodey, iyo maxaysato xoolo inay leedahay isu haysata, iyo lahayste xor ismooday, nin xishooday oo inuu baqay loo haysto,  taariikh la dhalan rogay oo fadhi kudirir laga yeelay iyo wax ma garato jecel inay jaahilnimadeeda soo gudbiso oo aanba la xishoonayn.


Dhebi iyo Sarmaanyaa wadnuhu kaa dhagleeyahaye aniga waxaad iigusoo dhiiran tahay waa dhowaanshaha’e:


Waxaan buuga iyo qalinka u qaatay inaan halkaan in yar idiinku bayaamiyo arimahaasi iyo weliba dadka ku kacaya dareenkooda iyo waxa ay damacsanyihiin.


Taariikhda waa wax qoran oo lama doorshaan ah kuna jirta buugta iyo diiwanada umad kasta oo la kaydsado, xumaan iyo samaana waa ay leedahay, balse wax qadaf iyo cay amaba adiyad iyo aflagaado  meelna kamasoo  galaan.


Buur dhuubo waxay dhanka Bari degmada Berbera kaga beegantahay ku dhowaad sodomeeyo KM ilaa iyo degmada Burco , waxaa deegaan ahaa  degi jiray bulsho aan maanta ku abtirsan wax deegaana oo godkoodii biyo ugusoo galeen taariikhda juqraafiga Soomaliya ka galay meelo aan lasoo hadal qaadi Karin marka loo eego qaabka deegaanka bulshooyinka Soomaaliyeed u kala degan yihiin.


Aan ka taabto taariikh gaaban Buurdhuubo, deegaankani waa deegaankii Sagaarada magteedii lagu kala qaatay iyadoo laga xukumay dhogorteeda oo adhi ah, waa deegaan dhankiisa Galbeed uu degaan beelaha Waqooyi Galbeed Somaliya, dhankiisa Barina bulshada Sool, taariikhdani waa mudo haatan  laga jooga ku dhowaan 70 sano.


Lagasoo bilaabo maalintii Sagaarada magta lagu kala qaatay ragii magta laga qaaday ee deganaa galbeed way ka gilgisheen wacadkii ay mareen in aan dib danbeeto taariikhda boga xun aanay ka gelin, waxay isku waafaqeen in deegaanka ragii Sagaarada xaqay oo dhan ay lawareegaan, dulaankii ay ku idleeyeena waxa ay ku soo gaadheen Boholaha Xargaga wallow ay markii danbe ay dib uga degeen oo ku ekaadeen Beer waxaa ka mid ahaa deegaanada waagaasi lala wareegay, Burco,Saraar,Gaashaamo, BanCade, Beer iyo dhul badan oo udhexeeyey Buurdhuub ilaa iyo Buuhoodle.


Waa tii uu ka gabyaayay abwaankii ka calool xumaa xayirnaanta ku haysata Buurdhuub Salkeed ee yiri:


 Ma maantaan dhudhukaygiyo dhaladkayga Saluugay 


Ma maantaan Buurdhuub salkeedu hal kula dhuumanayaa.


Waa tuducyo ka mid eraydii lagu dagaal geli jiray oo dhulka intiisa badan lagaga wareegay, waxay dhiirigelin u ahaayeen raga dhulriixa hormuudka u ah.


Hamigaasina waxa uu hirgalay dabayaaqadii sanadii 2008dii markii deegaankii ugu danbeeyey ay la wareegeen waa isha qudha iyo magaalada keliya ee usoo hadhay Laascaano.


Laascaano ka horna sanadii 1993-1994 dagaaladii sokeeye ee dalka waxaa lagula wareegay Galbeedka gobolka sool sida degmooyinka Caynaba iyo Wadaamo gooy.


Taasina waxaa ka sii horaysay oo taariikhda dib loogu noqon karaa oo iyana xusid mudan in Garaadkii u  horeeyey ee   Koonfur Bari Sool    lagu caleema saaray tuulada Beer oo dhanka bariga ka xigta magaalada Burco, magaaladaasina maanta shaxda kama ay  shaxaan..Waagii danbena uu ku go’ay  garaadkaasi gacantii Darwiishka Sayid Maxamed oo lafo geel iyagaa laysku jebshaa ku soo saaray.


Dhanka galbeed ee xuduuda shishe ee gobolka Sanaagn waxaa taariikhda ku cad goobtii uu dagaalku ku galay Halgamaagii African-ka ugu horeeyey ee dad gumaysta, isla markaasina ahaa Garaadkii u horeeyey ee Soomaliya hubka keenay, ahaana soo dejiyihii Gamaanka manta Soomaalidu kufaanto waa Garaad Cali Dable(sida magaciisa ka cad waxaa loogu magac daray hubkii u wadanka keenay) ay kuwada galeen shacabka maanta ku soo ururay Koonfur Bari Sool.


Deeganaasi waxaa ka mida Ceel afwayn oo aan maanta looba aqoonin oo uu aasaasay ale ha unaxariiste duq la oran jiray C/baraar Gar adag oo sida ay kubaxday iyana lawada ogsoon yahay(waa deegaankii labadan nin ee isku jifida ah laysugu hooyoy lagu wada aroosay {Gays}). maanta dal riix daraadiis la ilaaway oo aan labo cali iswaydiinin, qorshahana kujirn ilayn tii qudha ahayd ee la eeganayay ayaa maanta la haystaa.


Waa taariikh qoran oo cad bog dahab ahna ugu qoray bulshooyinka dega maanta, baal madowna ugalay dad iyo duunyo laga barakiciyey oon xitaa qorshaha danbe aysan ugu jirin inay soo dhacsadaan, iga ma aha xaglin laakiinse waa xaqiiqda dhabta ee uu ogyahay 60 jirada dadka deegaanka kala eryooday.


Waxaa xusid mudan in qayb kamida dadka dega iminka K.Bari Sool ay dhowaan shir ku yeesheen Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, waa arin fiican oo looga baahnaa inay ka tashadaaan aayohooda iyo xornimada mandaqada qudha e maanta go’odoonsan.


Iyana waxaa khalad iyo gefwayn noqotay oo aanay beeshani ka fiirsanin ciwaanka ay u bixiyeen shirkani sii kala irdheeyey dhexdooda, oo ay Gobolka Sanaag afgobaadsi ahaan loogu darsaday iyadoo deegaan ahaan aysan ku lahayn bulshadasi aan ka ahayn tubakaayooyin (aqal cooshad ka samaysan) ay Ceerigaabo kagasoo qaxeen 1991 kii dagaalkii u dhexeeyey bulshooyinka iminka wada dega.


Waa afgobaadsi iyo xishood afka lasoo marsiin la’ayhay K.Bari Sool oo maanta inamo ka soo kicitamay Gakbeedka fog ee Soomaaliland ay temeshleeyaan iyagoo garbaha ay usudhan yihiin hubka kala gedisan ee geyi colaadeed gacanta lagusoo geliyo, runtii dareen ahaan aad ayay ii dhibaysaa oo wax aad looga xumaado weeyaan weligayna kumaana fekerin in arinkaasi uu dhici doono balse waa taariikh is qoraysa  qoraalkanina igama aha digasho iyo dano kale’e balse wa dhiiri gelin iyo hogo tusaalayn walaalahay ku socota.


Deegaanada taariikhda ku qoran ee lagala wareegay Dadka dega Koonfur Bari Sool waxaa ka mid ah marka laga soo bilaabo dhanka galbeed, Buurdhuubo, Burco, Saraar, Gaashaamo, BanCade, Beer, Caynaba, Wadaamo gooy, Buuhoodle,Yagoori, Xudun iyo Laascaano oo dhowaan iyana lala wareegay.


Dhanka waqooyiga Gobolka Sanaagna waxaa ka mid ah Ceel afwayn, Gar-adag,Yufle,iyo Fiqi fuliye oo jeex lala deganyahay, Waxaasi oo deegaan ah markii lala wareegayay bulshada kale ee la deriska ah dhul taako gaadha weli lagalama wareegin, hadii ay jirto xitaa waxaa xusi lahayd taariikhda sida ay dhulkani u xustay.


Deegaamada badankooda geeljiruhu wuxuu geela ugu heesaa, heeso ay ka mid yihii


Dhulka malihide waa ladurugsay


 Geesiyaal baa kuugusoo Go’ay


 Oo dhiig rag baad dhebiyay ku daaqdaa 


Oo dhoohnihii lahaa waanu dirirnoo


 Waa lagaa diray…


Sanaag waxaa loo degaa qaab hufan 85% dadka Reer Maakhir (Northern Sultanate of Somalia).12% dadka  maamulka reer Somaliland,1.5% dadka reer sool, 1.5%  Gahayle.waa qaabka juqrafiyeed ee dawladihiii Soomaliya ay kaga tageen waan shan degmo oo kala ah Ceerigaabo, Laasqoray, Badhan, Dhahar, iyo Ceel afwayn,


Dhaladka Sanaag udhashay oo qiyaas ahaan 1.5milliom, dadka  Sool kasoo jeedana waxaa lagu qiyaasaa 186 ruux iyo labo oday oo horjoogayaal u ah, oo aan kasoo qayb gelin shirka Nairobi, wallow midkood uu diraacdii dhowyto godgalay, deegaan dhan oo dad iyo duunyoba ku nooshahayna tiradaasi looma sheegan karo, layskagamana tirtiri karo ceeb aanay qaayibin.


Meesha kumeel gaadhka ay udeganaayeen balse ay ka kaceen iminka oo dalbaraasigii uu idinku yimi waa Jiidali, iyadana maanta lama degaan uu daaqo Geela Muxumudku weeyaaan.


Deegaanka Biyo guduud oo colaadii dheerayd dabadeed waxay marti ahaan ugu soo dhoweeyeen ciidamadii jabhadii SNM, laakiinse arinkaasi wuxuu u cuntami waayay jabhadii difaaca Sumcada iyo Xaraga Taariikheed ee gobolka Sanaag ee u hogaaminayay Colonel Afyare, oo mudo ka yar 2 todobaad u qabtay jabhadaasi, markii danbe qori caaradiisa kaga kiciyey oo dib ugu celiyay deegaankii ay kasoo kici tameen ee Ceel Afwayn.


Dalbalaadhsiga baaxadaas le’eg waxaa ku soo dhoweeyey rag maanta ku andacoonaya Sanaag waxaana ka dhiidhiyey hufayaasha taariikhda umada Saldanada Waqooyiga Soomaliya.


Ceerigaabo ragii ka dagaalamay ee ruuxdoodii kuwaayay ee ilaa weli taalooyinka ay ka dhisan yihiin qabriyadii mujaahidiintu ma nin aan degin baa deegaanka muxuuse u dhimanyaa? May waxay ahaayeen rag naftooda uhuray inay hufaan taariiikda danbee u hadhi doonta ubadkooda Ilaashaan deegaanka bilicda leh ee awoowayashood gacanta ugeliyeen, waan tan maanta dadkani ay kunaaloonayaan,


Maxaase sababay dagaalkii Laascaano ee 1994kii markii labada beelood isku hirdameen, mawax aan ka ahayn soo dhowayn xumo bulshadii Ceerigaabo kasoo qaxday ay kala kulmeen Laascaano.


Waxaa iyana iswaydiin mudan xagee ayay  ku maqnayd dadka iminka hanbabaray  markii heshiiskii nabada uu Saxiixayay Ismaaciil Suldaan Maxamuud G. Cali shire, ee ka dhacay Jiidali ee reer Maakhir iyo Somalilandku kala saxiixdeen.


1848 ,waa mudo haatan laga jooga 161 sano ,gabay uu tiriyay abwaankii halgamaaga ahaa ee C/faahiye Axmed (C/faadhfaadh) oo uu ku muujinayay habka deegaanka loo ilaashay uuna weli u ilaashan yahay ayuu wuxuu ku yiri baytat kaan aan kasoo qaadan doono gabay 10 bog ah oo uu Cabdi kaga hadlayo fardo laga dhacay saldanada oo ay dhaceen taariikdhasi boqortooyadii Xaafuun,oo markii danbe xoog lagusoo ceshaday kaga dul geeraaray halahaan, dagaalkii Doorlaaye ee 1848dii


 Idoorka bogoxaa berrimey iyo bab-daayeerka


Ee badaha huurkooda iyo guban ku baayaalay
Iyaguba bankiyo waa rabeen bogiyo xay-waale
Xasammaley sidii loo balqaxay baarran naga daaye


Waxaan buurta oodda ugu rogay balowda hoohaare
Caynaba-Dhulbahantaha jiriyo bookh ilaa dhaxammo
Ee baasha hawd iyo Nugaal aayar lagu beeray
Iyagaa basaas jaan u qaba faras bidhiidhyoone
Marna buca-buciyo noo dhextahay bixiso duulaane
Bar-barkooda waa eegayoo ima banaanayne
Haday nagu balaarshaan dorraad kama bil kaadneene
Bisin lama sugneen oo ergood kuma bashiishteene
Baashaan subaxeed waxaan ahayn beelo nabadeede
Marna kama bishaarayn colkay nagu bilaabeene


Uma-boola-xooftayn karaan Baadi guur dagane


Bista kama didshaan xabawarkiyo muudal baal degeye
Baadidana way soo ceshaan oo bahal ma siiyaane
kabo-lagu-rar saan ugu bah-diley waa babbanayaane


Nimaan aan timo lahayn oo shanlo raadsadayna, haba helee xaguu ku shanlaynayaa, waa su’aal iswaydiin mudan oo ku wajahan cida ay khusayso oon talo gelyo ku siinayo qoraalkan, ruuxii ka gubanaya runta hore ayay ka gubashadu wax uteri lahayd intii aan deegaanka oo dhan lala wareegin, taariikdha madoobina aanay bilaabanin, sababtoo ah aamuskii hore ayaa keenay in lagu wada dhiirado lawareegista dhulkani.


Mana aha qoraalkani mid aan wakhtigu ku luminayo oo ku dhibayo dulmane la dulmiyey ee waa toosin iyo saxid igama aha buun buunin wax aan jirine xaqiijo doon runraadis ah weeyaan.


Qore :S .O.Salah


toosiyehage@hotmail.com



Sanaagpost.com kama masuul aha fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.      


Ku soo dir fikirkaaga


Email sanaagpost@hotmail.com amaWebmaster@sanaagpost.com  



Sanaagpost News Desk  


 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010