Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Kala Iibsiga Xubnaha Jirka Aadanaha Oo Qiimihii Ugu Sareeyey Ka Gaaray Dunida.

C/risaaq C/laahi


World News (SP) - Kala Iibsiga xubaha jirka bini’aadamka ayaa dunida wuxuu ka marayaa meeshii ugu sareysay iyadoo xubnaha kuwooda ugu qaalisan ay iminka noqdeen Kelyaha waxaana arintaasi lagu tilmaamay qiimaha la kala siisto xubnaha jirka bini’aamka in uu ku kala duwan yahay dalalka caalamka.


Hay’ada Caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO waxay sheegtey 5% oo u dhiganta 70 kun oo xubnaha jirka bini’aadamka in lagu kala gatey suuq madow iyadoo sidoo kale ay kordheen kumanaanka kun ee qof baadi goobaya iibsiga xubno jir bini’aadam oo iyaga ay ka haleeleen cuduro kala duwan.

Dalka Mareykanka waxaa baadi goob iyo raadin ugu jira noocyada kala duwan ee xubnaha muhiimka ah ee jirka bini’aadamka dad lagu sheegay tiradoodu lagu sheegay inay ka badan tahay 100 kun oo qof halka UK ay fayl ku jiraan 8 kun oo qof, Faransiiska waxaa toosh afar qaad ah ku raadinaya xubnahaasi jirka 5 kun oo qof waxaana 10-kii sano ee ugu dambeysay sii kordhaya dalabaadka iyo baadi goobka xubnaha muhiimka ee jirka aadanaha.


Wadamada dunida ugu badan ee sida joogtada ah ee sida tusbax afka laga furay xubnaha jirka bini’aadamka loogu kala gato suuqa waxaa ugu horeeyea Brazil, Hindiya, Moldova, Romania iyo Filibiin, sidoo kale bariga dhexe waxaa ugu badan Turkiga Masar, waxaase hada suuqa kala iibsiga xubnaha jirka bini’aadamka soo galay dalalka Ciraaq iyo Falastiin.

Cilmi baare Nancy Scheper-Hughes oo ka tirsan Jaamacada University of California, Berkeley, waxay socdaal ku tagey wadanka Turkiga waxayna sheegtey inay doonayso inay iska iibiso Keli caafimaad qabta iyadoo ku jirtey baaritaan amuurahaasi ku aadan waxaana loo sheegay in laga siisan doono in ka badan 2 kun oo Euro oo ku dhaw 3 kun oo doolar.


Magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq haatan halkii xabo oo keli ah waxaa lagu kala gadanayaa lacag ku dhaw 15 kun oo doolar, halka wadanka Vietnam lagu kala baayacanayo 3500 oo doolar, dalka Masar 3200 oo doolar laakiin qiimo jaban oo aan ka badneyn kun doolar ayaad kaga heli kartaa keli caafimaad qabta wadanka Hindiya.

Suuqyada kala iibsiga xubnaha muhiimka ah ee jirka bini’aadamka waxaa hada ku soo biiray wadanka Kuwait hadii aad tahay qof u dhashay wadankaasi kelidaada waxaa laga gadayaa 1000 dirhan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 3 kun oo doolar, hadiise aad tahay ajanabi 800 oo dirham ayaa jeebka lagaaga baar baarayaa.


Qof ka mid ah dadka baaritaanka arintan ku sameeyey ayaa sheegay in maalin isagoo dhexmaraya bartamaha magaalada Kuwait uu ku arkay ogeysiis meel suran oo lagu beecinayo keliy isla markaana telefoon ku qoran yahay.


Qofkaasi oo ka gaabsadey in magaciisa saxaafada laga sheego wuxuu xusey in uu wacay telefoonkii, isla markaana qiimaha kelidaasi loogu sheegay 1000 dirhan, balse isagu uu gaaray lacagtaasi barkeed iyadoo qofkaasi uu diiday lacagtaasi.


Shakhsiga baaritankan sameeyey wuxuu sheegay ugu dambeyntii in uu waydiiyey qofkaasi sababta uu kelidiisa u beecinayo wuxuuna si fudud iigu jawaabay buu yiri “waa arin aniga ii gaar ah”, markaasi ka dib ayuu wuxuu xusey in uu sheegay qofkaasi kelida beecinaya in arintaasi ay tahay dambi tahay laakiin kelidiis beeciyihii wuxuu si fudud ugu jawaab celiyey “Waad mahadsantahay”.

Sanaagpost News Desk


 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010