FAALO(SP): Waa arin aad u adag inaad kahadasho ama kasheekeyso Xaalada ay maraan Soomaalida tahriibka ku ah wadamada Turkiga iyo Giriiga.
Wadanka Turkiga oo ah dal ay kusuganyihiin soomaali aad u farabadan oo isgu jirta kuwo wax kabarta, kuwo ganacsada iyo kuwo deegaan kasameystay waxaa intaas sooraaca soomali farabadan oo ubadan dhalinyaro rag iyo dumar ah kuwaasi oo halkaasi ujooga inay uga siitahriibaan wadanka Giriiga kadibna ay kaga siidhaqaaqaan wadamada dariska ah ee yurub, Waxaana sahlan sida dhalinyaradaasi kusoogalaan wadanka turkiga oo intabadan lagasoogalo dalka carbeed ee suuriya.
Waadal muslimiintu kubadanyiriin hase yeeshee nolol ahaan maciishadu sareyso marka loo eego soomaalida jeebka yare e taransadka ku ah wadanka waxaa dhalinyaradaasi ay sin koox koox ah udagaan qolal laga kireeyo inta ay diyaarsanayaan Safarkooda tahriibka ah ee wadanka turkiga ay kagasiitalaabayaan wadanka Giriiga.
Inta lajoogo turkiga waxaa jira soomaali badan oo iska diiwaangalisa Xarunta Heyada Qoxootiga uqaabilsan Q/Midoobay ee marka magaceeda lasoogaabiyo looyaqaano UNHCR-ta taasi oo hooy iyo tashiilaadkale siisa qofka ay diiwaangaliso halka qaarka dagdagu kujiro ee qarashka heystaana ay iska diiwaangaliyaan shaqsiyaad kaganacsada dhoofinta dadkaasi oo gaari si ciriiri ah ugu qaada dhalinyaradaasi oo aan rag iyo dumar lookala saarin,
kadibna geeya meel xeeb ah oo laga siisaaro doonyo yar yar kuwaasi oo habeeno iyo maalmo laga yaabo inay sii dulsabeeyaan biyaha madow ee udhaxeeya wadamada turkiga iyo Giriiga kadibna aysuuragal tahay in ciidamada ilaalada badda ee wadanka Giriigu gacanta kudhigaan markaasi oo ay xero kuxereeyaan kadibna ay faraha kasumadaan deetana siiyaan waraaqado muujinaya in dalka ay isga baxaan,
halka hadii aysan ciidamdu qabana ay si dhuumaalaysi ah kugalaan wadanka gariiga halkaasoo ay uga bilaabato nolol kasii liidata tii ay kusoomareen wadanka Turkiga.
Qaarkamida dakii aan kula kulmay wadanka Giriiga ayaa ii sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmaan ciidamada wadankaasi kuwaasi oo isugu jira xarig iyo jirdil ciidamadaasi kula kacaan soomalida qaar.
Waxaa jira cabashooyin badan oo soomaalidu u gudbiyaan shaqsiyaadka ay isleeyihiin arintiina wax way kaqaban karaan ee ku jiray dowladihii wadanka soomaray oo ay kamid tahay dowlada Soomaliya ee hada jirta hadana cabashooyinkaasi ma ahan kuwo xal loohelo.
Intii aan halkaan joogay ayaan kaqeyb galay dhowr kulan oo Soomalida Giriiga joogtaa ay kayeesheen xaaladaha heysta kuwaasi oo inta badan diirada lagu saarayay sida dhibaatooyinkaasi ay Soomalida u xanuujinayaan iyo sida looga bixikaro.
Kulankii ugu danbeeyay ee Shalay magaalada Atanis ee xarunta dalkaan Giriiga ay ku yeesheen soomalida kudhaqan wadankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray dhiibaatooyinka heysta dadka soomaalida ah ee ku dhaqan wadanka gariiga,
waxaana xubnihii kaqeybgalay ay soo bandhigeen sida lagamamaarmaanka ay utahay in dowlada Soomaaliya ay safiir usoo magacaawdo wadankaan si uu wax uga qabto xaalada Soomalida kuheysata wadanka Giriiga.
Dhawaan ayeey ahayd markii Soomaalida Giriigu ay kusime safiir u magacaawdeen nin dhalinyaro ah oo ilyaas lagu magacaabo, kaasi oo Soomalida halkaan joogtaa ay ii sheegeen in waxbadan uu uhalgamay sidii xoriyadooda ay u heli lahaayeen shaqsiyaad Soomali ah oo ciidamada gariigu xabsiyada dhigeen.
Waxaa jira soomaali badan oo deegaan ahaan iskaga nool wadankaan in kastoo dhibaatooyinkaasina ay jiraan, dadbadan oo soomaali ah ayaa iyaguna rumaysan in hadii dowlada Soomaaliya ay safiir usoo magacaawdo wadankaan in ay yaraan karaan dhibaatooyinka Soomalida ku haysta Dalkaan Giriiga.
Safiya Isaaq Canshuur
Sanaagpost News Desk/Athens, Greece
No comments have been provided.