Falalka is-miidaamintu waa kuwa aan raad fog ku laheyn taariikhda diinta Islaamka, gaar ahaan dagaalladii faraha badnaa ee ay Muslimiintu la galeen cadowgoodii.
Ismiidamintu waxay kale oo ay ugub ku tahay diimaha kale. Qarnigii 17-aad ayaa markii ugu horraysay la arkay gumeystayaashii dalka Holland oo dagaal ugu jiray in ay qabsadaan jaziiradda Taiwan, kuwaas oo isticmaalay falal is-qarxin u dhow.
Intaa kaddib, waxaa si xowli ah u soo nooleeyey ciidanka dalka Japan, xilligii lagu jiray dagaalkii labaad ee dunida. Waxay isticmaali jireen xeelad la odhan jiray Kamikazi, taas oo wadayaasha dayuuradaha Japan ay isku qarxin jireen kuwa cadowgooda, gaar ahaan Mareykanka.
*Is-qarxinta iyo 80-tameeyadii*
Falalka Is-qarxinta iyo is-miidaamintu waxay cirka isku shareereen 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Sanadihii 80-tameeyadii, waxaa diiwaanka caalamiga ah ku jirta in shan fal ismiidaamineed ay ka dhaceen caalamka oo dhan.
Sanadkii 2000 wixii ka dambeeyeyna, boqollaal fal oo is-miidaamin ah ayaa caalamka ka dhacay, gaar ahaan dalalka Muslimiinta. Inkasta oo dalal aan Muslimiin ahayn, sida Sri Lanka ay ka dhaceen falal is-miidaamin ah, haddana in ka badan 98% falalka noocaas ah waxay ka dhaceen dalalka Islaamka, waxayna sida badan gallaaftaan dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.
*Daliil ma loo hayaa Is-miidaaminta?*
Kooxaha maleega shirqoollada is-miidaaminta, waxay ku doodaan in ay u hayaan daliil badhax-tiran. Ha yeeshee sheegashadaas waa laga daba yimid.
Sh. C/raxman Shariif, wuxuu imam ka yahay masjid ku yaalla dalkan Maraykanka, wuxuuna kamid yahay culimada Soomaaliyeed ee ugu aqoonta badan dalkan Maraykanka. Wuxuu leeyahay is-miidaamintu raad iyo Astaan midna kuma laha diinta Islaamka.
*Qiil miyaa jira?*
Waxaa jira culimo aad looga badan yahay oo banneeyey is-miidaaminta, balse waxay ku gaar yeeleen dhulka Falastiiniyiinta. Waxaa culimadaas kamid ah Dr. Yusuf Al-Qaradaawi. Wuxuu ku dooday in maadaama aysan Falastiiniyiintu haysan dayuuradaha iyo hubka casriga ah ee ay Israel leedahay in ay u bannaan tahay in ay naftooda huraan, isaga oo sheegay in shacabka Israel uu dhammaantiis yahay mid millatari ah.
Sh. C/raxman Sharif wuxuu leeyahay, culimadii qiilkaas raadiyey xitaa way qoomameeyeen ama ka shallaayeen.
*Is-qarxinta iyo Al-Qaacida*
Khubarada Reer Galbeedka ee sida Qotada-dheer u tixraacay asalka ay is-miidaamintu ku leedahay diinta Islaamka, waxaa ka mid ah: Gilles Kepel, oo dhawaan buug ka qoray Is-miidaaminta iyo Jihad-ka, macallinna ka ah jaamacadda London School of Economics.
Wuxuu yidhi: “Marka laga hadlayo Al-Qaacida, sheekadii ahayd in Jihaadka lagu tiigsado shahiidnimo, sheekadaas oo ay Ayman Al-athawahiri iyo Osama Bin Laden iyo waliba Al-Qaacida soo bandhigeen way fashilantay. Waxay raggaasi ku fashilmeen in ay jamaahiirta Muslimiinta ku qanciyaan is-miidaaminta, maxaa yeelay raad kuma lahan diinta Islaamka.”
Iskaba daa inuu qof Muslim ah naftiisa si bareer ah u gooyee, Sh. C/raxman Shariif wuxuu leeyahay diinta Islaamku waxay qiimo weyn u yeeshay, xooggana saartay badbaadinta iyo baxnaaninta nolosha.
Culimada Islaamku waxay qabaan in dulmiga iyo xaq-darrada ay kamid tahay in la buunbuuniyo, oo sharaf loo yeelo falka is-dilka ah, iyada oo lagu sifeynayo “shahiidnimo,” iyo wixii lamid ah.
Sida diinta Islaamku-ba qabto, culimadu waxay ku doodayaan in is-miidaaminta loogu yeedho is-dilid, xukunkeeduna uu yahay xukunka qofka naftiisa gooya.
Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.
No comments have been provided.