Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Garnaqsi Dhexmaray Gobalada Somalia.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim


Gobolada Soomaaliyeed ayaa waxay galeen shir gudoon ay kaga hadlayaan xaalada cakiran ee bulshadeeda haysata haday tahay colaado abaaro iyo siyaaasad oo ismaan dhaaf weyn ka jiro gobolada oo uu shirgudoominayo gobolka banaadir ayaa waxay gorfeeyeen talo ah

In gobolka banaadiir soo jeediyay in caasimada laga raro oo gobolka banadir uu ku ekaado maadaama caasimadu magac la yiraahdaa noqday bahala galeen iyo meel aan guluf colaadeed ka dhamaan hadaba waa kan shirkii gobolada iyo go,aamadii ka soo baxay .


Gobolka banaadir ; asalaamu calaykum wr wb waxaan halkan ka salamayaa gebi ahaan goboalda soomaaliyeed hadaan hadalka bilaabo  waxaan ahaa  magaalo quruxbadan oo qaaliyawaxaan ahaa goob umada soomaaliyeed oodhan u dhaxaysa , waxaan ahaa meel karaamo leh oo lagu soo hirtaa maxaan ku galabsaday in lay gubo lay geliyo colaad , lay go,doomiyo.

Gebi ahaana dadkaygii  geeri iyo goblan laga dhigo  ma garbaa dhamaan gobolada soomaaliyeed  waxaan ka codsanayaa aniga magaca caasimada iyo  magaalo madaxda ayaa dhibku ugu gaadhaye in laygala wareego meeshaad doontaana geeyaa idinkuma haysto.


Shabeelada dhexe. Horta anigu xilka intaas le,eg ma qaadi karo oo aniga oo aan caasimad noqon ayaa dhawr jeer dhib badan magaca gobol ahaan igu soo gaadhay  hadaan caasimad qaatana waaba kasii daran sidaa awgeed muqdisho wax kugu dhaama malaha

Shabeelada hoose ; aniga xitaa gobol ma rabo marka uun halay yiraahdo waayo magaalo haday weynaato  maafiyadeeda iyo mooryaanteeda ayaa badata masaakiintana waa lagu dilaa


Ma rabo inaan caasimad noqdo iyo magaalo madax ee muqdisho anigu wax ku dhaama ma ogi.

Hiiraan ;- anigu waaban iska noqon lahaa caasimada oo maba diideen bal in dhib iga soo gaadho iyo in kale balse sharciga  ayaan ogolaanayn meel xadku u dhawyahay in laga dhigo caasimad oo waayo waxaa dhici karta in markiiba dalka aynu deriska nahay  xoog igu qabsado laakiin gobolada kale xoogaa ayaa loo socon karayaa dhaqso laguma qabsan karo sidaa  awgeed ma rabo anigu caasimada inaan noqdo oo hadhaw ku ceeboobo oo cadaw gacan geliyo xarunta soomaaliya markaa muqdisho wax ku dhaama ma ogi.


Galguduud :nimanyahaw caasimada horta waa laysu soo raacaa hada oo dad badan gobol ahaan deegaankayga wadaago ayaan dhib badan ku qabaa oo hadii xarunta laysku qabsodana waa ka daran  ma doonahayo inaan noqdo  caasimad soomaalina meel ay isugu timid  waan aqaana  walle khayr ma keenaan  isqabqabsi iyo deegaanka oo muran ka dhasho ayaa dhacda   muqdisho meel ku dhaanta ma ogi

Mudug :- aniga iyo caasimadaa horta waaban noqon lahaa ee waxaa dhib ka joogaa  dadka soomaaliyeed iyagu diyaar maw yihiin  inaan noqdo caasimada soomaaliya waayo aniga ayaa xaq u leh caasimada waxaan ahay xudunta dalka waxaan ahay gobolka afkiisa wax lagu qoro waxaan ahay  gobol soomaalida sida ay u degto laga heli karo haddee aniga waan mudanahay ee maad ii dooraataan iiguna ducaysaan


Gedo : caasimada soomaaliya  dooni mahayo inaan noqdo  dhibkeeda iyo qaxarkeeda iyo soomaali isqabqabsigeeda hadaan qaati ka joogaa anigu marnaba ma aqbalayo

Ilaahay wax ka khayr roon ayaan waydiistay muqdishona meel ku dhaanta malaha


Jubada hoose : hada ayaa wax soo saarkaygii iyo wax dheefkaygii  dhib iyo dagaal laygu bedelay oo hadaa  colaad iyo carradii olol la geliyay oo goboladii deriskayga ahaa kala dhimanay oo  wareer iyo dawakh aan ku jirna  maxaa caasimad  ii soo arkay dooni mayo mana rabo mana yeelayo caasimada halaguu soo raro  ee muqdisho xilkaa cid kugu dhaanta malaha .


Jubada dhexe: aniga fekerkayga waxaan ku raacay jubada hoose waayo ma kala maarano laba jubo hadaan nahay  balse waxaan jeclahay in magaca quruxda badan ee jabaqda igu  soo gaara ee jubaland naloogu magacdaro oo halkaas aanu reer land ka mid noqono  inshalaah. Muqdishona caasimada hanoo hayso kuma haysanee.


Baydhabo:- aniga caasimada ma doonayo muddo yaroo dowlad saldhig iga dhigatay oo soomaali isugu timi gudahayga ayaan arkay muran badaanaa xasarad badaanaa dhib badana a

Caasimad ma rabo ma u baahni baarlamaan ayaa  ii xiijiyay keligiis aaan xarun u noqdoo ma soomaali oodhan ayaan xarun u noqon karaa  muqdisho meeshaada hala joogto caasimada .


Bakool :- anigana waa kula qabaa fekerkaas  mataankayga baydhabo dhibka ay ka sheegatay marag ayaan ka ahaa  mana rabo amana u ciilqabo caasimada teeda kale beledweyne meesha uu ka joogo ayaan ka joogaa oo xad ayaan u dhawahay sidaa awgeed banaadir  waa mahadsantahay adiga lee iska hay xilka magaala madax  maxaa yeelay waa taqaana macnaha madaxda iyo afaaraahaas iyo siyaasadooda iyo dagaalkooda anigu beri ayaan ka ahay  ee muqdisho dhibkaada adiga ilaahay hakuu fududeeyo.

Nugaal : anigu hadaba caasimad ayaan ahay  caasimaduna hadde maaha wax lagaga cararo muqdishona waa garteen ee waa in la nasiyaa  hadii caasimad layga dhigo  waan magaaloobi lahaa oo waan waynaan lahaa waayo aniga hada waan ogahay waxaa laygu xantaa  way yartahay iyo waa degmo layskaga magaacaabay gobol marka laga hadlayo xarun ahaanta deegaan ahaan waxba layma dheere  anigu waan qaadi karaa xilkaas hadana caasimad ayaan ahay haddii laysii kordhiyaana gacmo furan waxaanan balan qaadayaa in soomaali oodhan aaan isugu mid noqdo oo aanan  wax khilaafa iyo takoor iyo midab sooc iyo kala gur midna laygu arkin ee aniga halaygu duceeyo.


Barri:- anigu gobol ahaan waxaan ahay gobolka barri ee deegaanka soomaaliya ka tirsan  haddii magaala madaxdii muqdisho caasimadnimada iyo xarunta dalka ay ahaato ay dhib kala kulantay haddee aniga waxay ila tahay meel muqdisho caasimada kaga fiican ma jirto marka hore oo waa meel xeeb leh webi leh  deegaan aad u quruxbadana leh magaca muqdisho magac la midana lama helayo , haddiise ay lama huraan noqoto in laga bedelo meel igu dhaanta ma jirto oo magacayga ayaa soo labeeya magac quruxbadnaanta oo waa caasimada dalka soomaaliya Bandar qaasim , magaalada madaxdalka soomaaliya ee Bandarqaasim , sidoo kale degmo ahaan waa boosaaso , gobol ahaana waa bari. Sida  caasimada muqdisho, degmada xamar  iyo gobolka banaadir haddee garoowe iyo gaalkacayo waa riyoonayaan ee aniga wax igu dhaama malaha .

Golabada ,  Togdheer  , Sool. Sanaag, Awdal iyo Waqooyi galbeed, ayaa si isku duubniya u hadlay iyaga oo sheegay inaysan aqbalayn meel aan ahayn caasimada muqdisho in laga dhigo balse hada aysan iyagu wax feker ah  ka dhiibanayn ilaa xal loo helo dejinta iyo daminta colaadaha ka jira gobolka banaadir iyo gebi ahaan koonfurta iyo bartamaha soomaaliya in caasimad laga doodona waxaa muhiimsan ayay hadalka ku soo jareen  in magacii soomaaliya sida lagu heli lahaa aad is weydiisaan maaha in meel dhaw lagu mashquulo.


Hadaba aqristoow waxaa kuu furan inaad fekerkaaga ka dhiibato  gobolka ku haboon caasimada dalka iyo goobta ugu haboon xarunta umada soomaaliyeed  adiga oo eex iyo cadaalad daro iyo caadifad iska dhawrayaa dhinac walbana arinta ka eegayaa .

Wabilaahi Towfiiq


Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr


abdirihiin1@hotmail.com 


Sanaagpost News Desk

 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010