Xulka Jarmlka ayaa waxu u dhowyahay inuu u soo baxa Ciyaaraha World Cup-ka Sanada danbe lagu qaban doono Wadanka South Africa ka dib markii xalay uu si raaxo leh ugu badiyay wadanka Azebijan. 2-0. ciyaar ka tirsaneed Isreebreebka Koobka Adduuunka 2010-ka.
Xiddigaha Naadiga Bayern Munich Eek ala Ah Klose iyo Shewnziger ayaa kala qeebsaday labadii gool uu xulkooda ku badiyay xalay.
Tababre Joachin Loew Xiddigahisa ayaa ilaa 7 ciyaar uu dheeleen waxey aruursadeen 19 dhibcood iyagoona 4 dhibcood ka sareeya Xulka Ruushka Oo leh 15 dhibcood 6 kulan uu ciyaaray.
Dhinaca kale Ciyaar ka tirsaneed Isreebreebka Koobka Addunka Garuubka 7aad ayaa waxey dhex martay Xulka France iyo Waddanka Fareo Island .
Fransiiska ayaa dib u soo nooleyay rajadiisa u soo baxitaanka koobka Adduunka 2010 ka dib markii uu 1-0 ugu badiyay Xulka aan awooda laheyn Ee Fareo Island.

Weeraryahanka Naadiga Tolues iyo Xulka France Andre-Pierre Gignac ahne Ciyaaryahanka Xili Ciyaareedki la soo dhaafay ku guuleystay Goal-dhalinta Horyaalka faransiiska ayaa u ansaxiyay Goal-ka qura Ee Xulka France ku badiyeen..
Xulka France Oo ay sanadaan ka muuqato Awood daro ayaa waxey guushii xalay siisay 13 dhibcood 6 kulan oo ay ciyaareen.
Xuseen Riiko
xuseen_4d@hotmail.com
Sanaagpost Sports desk/Mogadishu
No comments have been provided.
|