BOSASO:- (SP)Waxan salaantaa Islaamka ee Qaaliga ah u dirayaa Hawlwadeenka shabakadaha warar ka ee Gobolka Sanaag iyo Akhristayaasha iyo waliba umada islamka melkasta oo ay aduunka ka jogto Dhamaan Muslimiinta,RAMADAAN Soo dhoweynta RAMADAAN, Waxaana leyahay SHAHRU SOOM ,SHAHRUL CIBAADA, SHAHRUL BARAKAAT SHAHRUL KHAYRAAT WARRAXMA,SHAHRUL QURAAN.
Sidoo kale waxaa bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida mudanna in laga faa'iidaysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato,taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bisha 9aad ee bilaha Hijriga.
Walaalayal waxaan oogsonahay in illaahay Quraanka inoogu sheegay in biluha sannadku yihiin 12 bilood oo ku cad kitaabka illaahay balse bisha Ramadaan waa bil uu illaahay subxaana watacaala u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo afxidhnaado illaahay dartii oo laga dheeraado cuntada,cabbida,shahwada iyo denbigoo dhan Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin.

Rabbiyow raxmaanoow,Rabadaanta doorkan ah,Roobku noo da'aayoo,Rays iyo Barwaaqiyo,Raxmaad aan helnaayoo,Raynrayn iyo riyaaqiyo,Raasukh diintu noqotoo,Rasuulkii ku deyanaa,Ratiga Allow rar culus baa,Ragaadkuna u dheeryoo,Rubaday jareenoo,Raadgoob wuxuu yahay.
Raacdo kheyrka meeshii,Rugeheed ahaayeen,Reeruu waxay baryaayaan,Rag illaah ka baqayoo,Raaca amarka Eebboo,Reeba dulmiga idiloo,Rabbigiis ku tiirsada,Raranka inuu ka baydhshoo,Rayskana ku beegoo.
U horseedo raaxee,Ra'iis kharyrle noo keen,Allow rajada aan qabo,Runta iiga yeeloo,Raalidaadan dalabnee,Roonow na solonsii,Raadraaca diintiyo,Raxmaddaada gaarka ah,Rasuulkii na raacsii oo,Rafiiqiisa naga yeel.
Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin
W/Q Ismaaciil Yuusuf Ciise (Shidemadaare)
shidemadaare@hotmail.com or ismailyusuf08@gmail.com
Sanaagpost.com/News Desk
BOSASO PUNTLAND SOMALIA
No comments have been provided.