BOOSAASO(SP): SHABAKADAHA wararka ee Gobolka Sanaag oo ay ka howlgalaan weriyayaal caalami ah ayaa waxay si kulul u eedeyneyan ku tumashada iyo aflagadda Gobolka Sanaag waxyaabo kale oo ay xatooyo ku qaataan website dayniile.com oo laga leeyahay Sweden, sidoo kale Waxaan ugu baaqeynaa Masuulka website kaas oo caado ka dhigtay aflagaadaynta Maasuliyiinta Gobolka sanaag iyo waliba Hayaddaha ka hawlgala.
Haddi ay kabixii wayaan arrinka Aflagaadada Sanaag waxaay ku waayidoonan akhristayaashooda ay u hayeen hadii aaney ka joogsan waxyaabaha ka baxsan nidaamka saxaafadeed ee ay ku dhaqaaqeen todobaadkan si gaar ah wararka Madaxda sarsare, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Aqoon yahanka Gobolka Sanaag oo ay magacooda ku saxiixdaan taasna ma ahan sharaf iyo sumcad.
7/08/2009 iyo 09/082009 ayaa web-bejka dayniile wuxuu faafiyay qoraalo ku sabsan dibuu dhiska dekada Laasqoray ee Gobolka Sanaag iyo Aflagaadooyin loo geystay Tafatiraha shabakadan Sanaagpost.com, hase yeeshee markii cadeyn aan la hortagnay milkiilaha dayniile uu cadeeyay sida uu uga xunyahay qaladka dhacay,
kana raali gelinayo masuuliyiinta lagu gefay , ayaa wuxuu balan qaaday tafatiraha Dayniile inuu linkiga uu ku daabacan yahay maqaalkaasi uu baabiin doono.
Balse taasi ma aaney dhicin oo balantii laga sugayay ma aanu oofin Ee waxay soo daabaceen aflagaadooyin hor leh oo meel looga dhacayo sharafta Aqoon yahan, Suugaaniinte, Gacansade islamarahaantaana ah qoraa ku xeel dheel arimaha saxaafada waa Cabdirashid Yusuf Jibriil.
Waa kan qoraalkii danbe ee eeg http://www.dayniile.com/Agooto/1Agoosto34.htm ( maqaalka aflagadada qawan )Waa kan linkiga dayniile sida foshaxun lodabacay webkooda weli ugu jira.
Waa kan qoraalkii hore ee eeg http://www.dayniile.com/Agooto/1Agoosto29.htm
Waxaan u sheegeynaa Maamulka website ka ah Dayniile hadii aanu ka waantoobin dhaq dhaqaaqiisa xadgudubka ah in shabakaddaha Gobolka soo gudbin doonan Dacwad ka dhan web-site kaasi si web-site kaas guud ahaantiisa hawada laga saaro.
Waxaan arrimahaasi u mareynaa dhabo kasta oo ay dantu nagu qasabto , waxaana digniintan ay tahay inay ku waano qaataan khaladkooda ayna dareemaan in sumcadi ay ugu jirto inay iskadayaan aflagaadada qabaa'ilka ama dadka birma gaydada ah.
Dhinacakale ninka wararkaas soo daabacay oo lagu magacaabo Jaamac Ayaan Feyte, ha ogaado in hadaanu ka waantoobin wax ka sheega Madaxda Gobolka Sanaag, Hawladeenada hay'ada Horn Relief, Ganacsatada iyo Aqoonyahanada in uu ku mutaysan karo jawaab waafiya oo ku miisaaman falalkaas uu ku kacay.
Sidoo kale waxaa ayaan daro ah in lagu xadgudbo shaqsiyaad sharaf magac iyo waliba xurmaba ku leh Aduunka oo dhan gaar ahan Gobolada dalka Soomaaliya iyo Gobolada Puntland, Sidaa General C/Laahi Axmed Jaamac (ilkojiir) Ma curyaamin afkana uma dhiganin hanti shacabka reer Sanaag ay leeyihiin waxa ugu deeqa xoogisa malkisa iyo waliba aqontisa.
Balse asago ku can ah shaqo wanag nabad keenid iyo sidoo kale horumaarka Puntland, Sidoo kale Masuliyinta Hayadda Horn Relief waa dad tariikh fiican ku leh dalka gudihiisa iyo waliba dibadisaba waa dad u huray naftoda iyo malkooda horumarka Gobolka Sanaag.
Marka shabakada warar ka ee dayniile ha iska ilaliso Jaamac Ayaale Feyte oo dhumalaysi ku jooga dalka KENYA beentisa iyo waliba cuqdada ku qafilan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
Ismaaciil Yuusuf Ciise (shidamadaare)
Email: shidemadaare@hotmail.com or ismailyusuf08@yahoo.com
Sanaagpost.com-News Desk
BOSASO PUNTLAND SOMALIA
No comments have been provided.