Garoowe – (SP) - Musaanabad weyn oo lagu xusayo 11-sano guuradii kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Gobalka Bari.
Xafladdaasi oo ka dhacday xarunta PDRC, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa maamul-gobaleedka Puntland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole, isagoo halkaasi ka jeediyey khubad dheer oo uu uga faalooday horumarka ay Puntland gaartay intii ay dhisneyd iyo midka ay haatan hiigsanayso.
“Waa maalin weyn oo marnaba aan quluubteena ka go’i karin, Maamulka Puntland waxa uu ku yimid dadaalkii shacabkeena ka dib markii ay dhexda u xirteen in deegaanada Puntland laga dhigo goobo Nabad, ah maadaama la waayey xasiloon ka wada islaaxda guud ahaan dalka Somalia” sidaana waxaa yiri Madaxweyne Faroole.
Goobta ay musaanabaddu ka socotay ayaa waxaa gaardi ka cayaar aad loo jecleystay iyo Salaan sharaf ka dhigay cutubyo ka tirsan Ciidamada militariga iyo daraawiishta Puntland, iyadoo sidoo kalana ay xaadir ku ahaanyeen dhammaan Madaxda Puntland.
Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa la aas-aasay 1-dii Augost sanadkii 1998-kii, iyadoo maanta ay u buuxsantay sanadkii 11-aad.
No comments have been provided.