BIRMINGHAM: Waxaa maanta laga jooga 11 Sanadood Dhidiba utaagidii Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland, kaas oo la aasaasay 1 Bishii August ee 1998.
Hadaba hadaanu nahay bahdayada
Sanaagpost Dhamaanba Shacabka Reer Puntland ee ku kala filiqsan Adduunka Dacaladiisa waxaanu hawada u marinaynaa HAMBALYO, waxaanu leenahay ku damaashada farxad iyo wanaag.
Waxaanu idin leenahay anaguna hadaan nuhay bahdaya
Sanaagpost dhinacayaga waanu idinkala qayb qaadanaynaa maalintan farxada badan oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka Reer Puntland ee nabada iyo kala danbaynta jecel.
Dhmaantiina shacabka Reer Puntland waxaan idin kaga tegaynaa hal ku dhegeenu waa
KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, SIDAY BULSHADEEDU TAHAY,
KU BARO PUNTLAND KU BARO, KU BARO PUNTLAND KU BARO, MEELAY NABAD BUUXDA TAAL
BALEEG BUURTINLIYO MUDUG
BALEEG BOOCAME IYO SOOL
BALEEG BADHAN IYO SANAAG
BALEEG BARI IYO NUGAAL
SIDAY BILICDOODU TAHAY
KU DAYO PUNTLAND KUDAYO, KUDAYO PUNTLAND KU DAYO, SIDAY BULSHADEEDU TAHAY
KU BARO PUNTLAND KU BARO, KU BARO PUNTLAND KU BARO, MEELAY NABAD BUUX DA TAAL
BALDAYA DALKAN BAAXADA LEH
BALEEG BADAHA ISKU XIDHAN
HADANA BERIGOO UDGOON
BALEEG BIDIXDA IYO MIDIG
JALEEC LABADAADA BAAL
BALEEG QURUXDIISA BADAN
DALXIISBUU U BAAHAN YAHAY
KUDAYO PUNTLAND KU DAYO, KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, SIDAY BULSHADEEDU TAHAY
KU BARO PUNTLAND KU BARO, KU BARO PUNTLAND KU BARO, MEELAY NABAD BUUXDA TAAL
WAXAA BALANKEENU YAHAY ODAY
HESHIISKA KU BOORIYOO ODAY
SOOMAALI USOO BAXOO ODAY
BUKAANKA XANAANIYOO ODAY
KAN BAAHAN WAXSIIYA'OO ODAY
AMAANKA BALAADHIYOO ODAY
BADEENA ILAALIYOO ODAY
KHAYRAADKA LASOO BAXOO ODAY
BADBAADA ADAA HAYEE
KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, SIDAY BULSHADEEDU TAHAY
KU BARO PUNTLAND KU BARO, KU BARO PUNTLAND KU BARO MEELAY NABAD BUUXDA TAAL
SIYAASADA OORIDA AH, INTAY KA BARIIQATIYO, INTAY KA BASHIISHATOO
HADDII ' HADDII ' HUGUNKEEDII LUMAY KA BAYDHAA LA YIDHAA
KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, KU DAYO PUNTLAND KU DAYO, SIDAY BULSHADEEDU TAHAY
KU BARO PUNTLAND KU BARO, KU BARO PUNTLAND KU BARO MEELAY NABAD BUUXDA TAAL
DAAWO SAWIRADA








Waa HAMBALYADII Sanaagpost iyo Abdirashid Yusuf oo idin leh waa ciide ciida maanta haloo ciyaaro maanta.
Abdirashid Yusuf
Sanaagpost News Desk/Birmingham