Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
CAJAA’IB ! Wali Dhaayaha Ma Saartay Libaax Faras Kaxeynaya ? (Sawiro).

China (SP) - Adduunyada waa Cajiib, oo intaad ku dul-nooshahay waxa aad arkaysaa Dhacdooyin aad iyo aad kuu xiisa geliya, kuwa kaa yaabiya, kuwo farxad iyo reyn reyn xambaarsan iyo waliba kuwo aan Maskaxda Aadanaha u wanaagsaneyn oo murugo iyo uur-kutaallo daran wata.


Hadaba waxaanu maqalnaa in Xayawaanada qaar ay noolaha kale ee Aadanaha oo kale u noolaan karaan, oo hadii la xanaaneeyo, islamarkaana tababar halaasi ah la siiyo ay fududahay fahamka Xayawaanada qaar ee Duur-joogta ah iyo kuwa Dab-jooga ah.

Wadanka Shiinaha, oo ka mid ah dalalka ugu mucjisada badan marka loo eego dhacdooyinka la yaabka leh ee aalaaba ka dhaca wadankaasi, ayaa Todobaadkan waxaa lagu qabtay tartan xagga Fardaha ah oo ay ka qeyb qaadanayaan Xayawaanada la tabatari karo sida Libaaxa, Shabeelka, Haramcadka, Bisadaha waaweyn ee Dab-jooga ah ama guryaha lagu xanaaneeyo iyo kuwo kale oo dalalka fog ee adduunka sida Australia iyo New Zealand laga soo daabulay.



Waa wax aan marnaba cid ku fakeri karta aan jirin oo ay yar tahay in Maskaxdaada aad ka dhaadhiciso in Habar-dugaag oo cadow ku ah Noolaha kale ee la dhaqdo hadana inta la tababaray tartan loo qabto, waxaana kaasii yaabinaya in Libaax ama Shabeel Faras kaxaynaya aad aragto.


Kumanaan daawadayaal ah ayaa ka xaadiray Xerada Xiamen oo ku taalla Magaalada Fujian ee dhacda Koonfur-galbeed ee dalkaasi Shiinaha, halkaasi oo tartan-xayawaaneed aad u xiisa badan lagu qabtay, iyadoo daawadayaashu si aad ah ula dhaceen sida habsamida leh ee mid ka mid ah Libaaxyo tartanka ka qeyb qaadanayey uu Leejaanka ama hogaanka Faraska uu ilkihiisa ku qabtay, deedna uu sida Bani’aadanka dhawaq foori u muuqda iyo Kelli ka taabasho ku bilaabay Faraska, taasi oo horseeday in Faraskaasi uu Xiin iyo Boodo dheer ka dib masaafo aad u fog kaga hormaro Fardihii kale.


Jariiradda Mail-Online ee kasoo baxda dalka Britain oo soo xiganaysa qaar ka mid ah macalimiinta Chinees-ka ah ee soo agaasimay tartankan Xayawaanaadka ah, ayaa sidoo kale ku warantay inay xeradaasi cayaaraha Fardaha ay wacdaro ka muujiyeen Shabeel iyo Haramcad muddo 5-sano ah loo tababarayey wadida Fardaha.



Libaaxa (Lion) oo ah Boqorka Habar-dugaag, Shabeelka iyo Maroodiga oo ah Xayawaanada ugu khatarsan, ayaa ka mid ah Xayawaanada sida joogtada ah ay u dhaqdaan Dadyowga ku nool wadanka Shiinaha oo ah dalka ugu Dadka badan Caalamka ahna barta ugu mucjisada badan Adduunka, marka loo eego dhacdooyinka cajaa’ibka ah ee uu ku caan baxeen shacabka dalkaasi.


Wararka Somalia & Saadaasha Xigta Kala Soco Sanaagpost.

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhojaceyl)


Indhojaceel2003@hotmail.com


Sanaagpost News Desk


 


 


 



 


1 Comment(s)

Anonymous   Location unknown

9:07am on Sunday, July 11th, 2010

this is discraceful how can you people stomach to do or watch this have people no idea what that poor horse is going through you people should be ashamed of yourselves !

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010