CEERIGAABO: Wararka naga soo gaadhaya Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxay tibaaxayaan in Bilihii April, May iyo Jun ee Sanadkan 2009 ee aynu ku jirno uu ku mashquulsanaa maamulka ka arimiya magaalada Hargeysa qorshe ah in degaanka yubbe loo magacaabo degmo-halka ay ka tirsan tahay degmada Ceerigaabo ee gobolka sanaag.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in qorshahaas ay hor bodayeen Siciid Xassan khalid "Bidaar" iyo Ibrahim Maxamed Xassan "Isdeldel" oo labuduba kasoo jeeda Gobolka Sanaag.
Sida ay shabakada Sanaagpost.com ugu soo waramayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaa wararku waxa ay tibaaxayaan in xafiiska arimaha gudaha ee maamulka labaxay Somaliland ee uu hogaaamiya u yahay Col. Daahir Riyaale ay ka dhawaajiyeen in magaalada yubbe tahay degmo ka tirsan gobolka sanaag,sidaas awgeedna loo magacabay Gudoomiyaha Degmada Yubbe Ibrahim Maxamed Xassan "Isdeldel" halka loo magacabay Siciid Axmed Saalax Xidig kuxigeenka gudomiyaaha degmada yubbe.
Dhinaca kale qorshaha uu maamulka Gooni goosadka ahi uu rabo inuu ku majarahaabiyo shacabka Gobolka Sanaag iyo dadka inta wax magaratada ah ayaa waxaa ka mid ah agab la sheegay in la siiyo ciidan ka kooban 20 tan askri iyo labo babuur oo lagu hawl geliyo Gudoomiye ku sheega iyo ku xigeenkiisa!!!!!!!!!!.
Inkastoo sida lagu soo waramayo ay cadahay in qorshehaasI uu hakad galay, ayna ugu wacan tahay in Reer yubbe ay iska garteen fikirkan gurcan ee uu wado maamulka majara habaabsan ee ka aramiya Magaalada Hargeysa iyo khatarahan loo hadoodilayo.
Dhinaca Kale waxaan shaki kaga jarin shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah ee ku dhaqan Magaalada Yubbe in qorshaha “Riyaale” iyo inta qawlaystada la ah ay wadaan uu ku yahay halis midnimada siyaasadeed iyo nabad-gelyaada gobolka sanaag-gaar ahaana degaanka yubbe, sidaas daraadeedna waxa ay sutida u qabteen xubnihii macangagiinta ahaa ee watay fikirka qaloocan ee uu Hormuudka ka yahay Madaxweyne Riyaalaha maamulka Hargeysa.
Run ahaantina waxaa wax laga xumaado ah in laga qayb qaato qaybinta Qaran-nimada iyo Midnimda Soomaaliya iyo wax kasta oo shacabta Soomaaliyeed sii kala fogaynaya.
Waxaa iyaduna xusid mudan oo wax laga damqado ah in markii ay dareemeen u adeeg-yaasha Maamulka Hargeysa ee degmada Ceerigaabo ku sugan in degaanka Yubbe laga soo dhaweynayn fikirkooda gooni goosadka ah ay qaateen go’aan kale oo ay doonayeen inay qayb kamida odayaasha magaalada ay afduuban si xabsiga magaalada Ceerigaabo loo dhigo odayaashaas oo ay ka mid ahaayeen sida wararku nagu soo gaadhayaan Maxamed Xassan khalid “gufure” iyo Xasan Xaaji Maxamud “xasan warsengeli” taaso loo adeegsadey in lagu Eedeyo inay yihiin oo la shaqeeyaan Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, waxaana talaabdaas ka hortagey Cuqaasha iyo waxgaradka reer Yubbe oo si wada jira iyagoo isku duuban ganafka ugu dhuftay arintaas kana dhiidhiyey in odayaasha iyo wax garadka magaalda si sahlan looga kaxayso magaalada looguna gacan geliyo maamulka gooni goosadka ah ee ka arimiya magaalada Hargeysa ee uu gadhawadeenka ka yahay Col. Riyaale.
Waxaase akhristayaal is weydiin mudan halka uu ku danbeen doono qorshaha “Riyaale” ee ku wajahan Gobolka Sanaag!? Iyo xogogaalnimada intee le’eg ee ay u hayaan Shacabka Reer Sanaag ee ku nool gudaha iyo debedba?.
Ku soo dir fikirkaaga E-mail sanaagpost@hotmail.com ama mailto:Webmaster@sanaagpost.com
Sanaagpost News Desk
No comments have been provided.