Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
DIGNIIN ! ISKA JIR ARIMAHA IS DABA TAAGAN !!!, By C/risaaq C/laahi.

Horta waa yaabe dadow maxay Aduunyada u tahay gabi ahaanba arimo is daba taagan ? bal eeg weedhan oo kale qof baa ku leh :-


Adduunyaa ii Nuuraysa, iil baa daba taagan

ILAAHAY maad ka yaabtid, Akhiraa daba taagan


Soomaalidaa is dilaysa, Qabqablaa daba taagan

Maatidaa dhamaanaysa, BM baa daba taagan


Inqilaab Dowladeed, Qax & Qaxooti baa daba taagan

Hadaan sii daba raacana, Qabiil baa daba taagan


Hadaan Doodaa dhameeyana, Kursi baa daba taagan

Hadaan diirka ka qaadana, Jaahil baa daba taagan


Hadaan casriga eegana, Diin gabshaa daba taagan

Durbaan baan Maqlayaa, Cayaar baa daba taagan.


ALLA waa la is Dagaalay, Nin daqar baa daba taagan

Ciyaar aan Daawano, Muran baa daba taagan


Deeqooy Waan ku salaamay, Xodxodashaa daba taagan

Dayntaydii maa I siisid, naxdin baa daba taagan


Kaltuuntaa waan jeclaaday, kala tuur baa daba taagan

Wajigaagaa igu yaalo, Shukaansi baa daba taagan


Saldhigaan kaa dacweynayaa, Shaki baa daba taagan

Qaad baan cunayaa, Qabashaa daba taagan


Flight Baa ii diyaar ah, Xagee baa daba taagan

Bari waan safrayaa, salaamaa daba taagan


Dhakhtar waa la I hayaa, xagee baa daba taagan

Muruq baa I dilaaya, Masaajaa daba taagan


Raashiin baan cunayaa, Farxal baa daba taagan

Hargab baa igu dilaacay, Fiif baa daba taagan


Xaaji waan ku salaamay, Shaxaad baa daba taagan

Hindi baan galayaa, I badbaadiyooy baa daba taagan


Police tuug qabanaaya, Basaas baa daba taagan.

Responser Baa Iisoo Baxay, Maraykan baa daba taagan


Qaxooti baan galayaa, UN baa daba taagan

South African aadayaa, Tahluukaa daba taagan


Location baan galay, Ugaarsi baa daba taagan

Dukaan baan yeeshay, Ku qabso ku qadi maydise baa daba taagan


Dalkaygii waan u xiisay, Dagaal baa daba taagan

ALLOW Dalka, Dalka noo hagaaji , Waqtiga ma xumee dadkaa xun, ILAAHAY SWT Waxba kama xumaadaane Dadkaa xun ee dadow aan isku tashano, si aan isugu talino.



 


C/risaaq C/laahi Maxamed


Indhojaceel2003@hotmail.com

Cape TownSouth Africa.

 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010