26-kii Juun ku Ladnay, 1-da Luuliyo Liibaanay sanadkii xoriyadda 1960-kii, way dhacdaa sidan oo kale in dharaar xasuus weyn xambaarsan oo Qaran ama Umad leedahay ay ka minguurto guud ahaan Caalamka, sida ay ku socoto ama dhacday in la iska ilaabo maalintii gobanimada aynu maanta harsanayno la heley ee 1-da Luuliyo.
Waxaan marka hore ugu hambaleyeynaa dhammaan ummada Soomaaliyeed munaasibadan qaaliga ah ee 1-da Luuliyo. Waxaan leeyahay farxad ku ciida isla markaana dib ha loo eego taxanaha taariikhda gobanimadoonka Soomaaliyeed.
Hadaba maanta oo ah 1-da Luuliyo sanadka 2008 oo ahayd maalin taariikhi ah, isla markaana xusuus dheer mudun, ahna maalintii la heley Dawlad Soomaali ah ee ugu horeysey ee dad Soomaaliyeed oo xor ah Maamulaan, isla markaana la laabay calankii gumaysiga, laguna bedelay mid Soomaali leedahay.
Shaqsi, Qoys iyo Qaranka Soomaaliyeed ee mugdiga huwan waxay maanka ku hayaan Munaasibada xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida 1960-kii.
Taariikhdu Ma Duugowdo
Sanadku markuu ahaa 1960-kii waxaa Umadda Soomaaliyeed soo maray maalmihii maskaxda laga guul gaaray ee is xigay, 26-kii maalintii ugu horeysay ee la taagay calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan EEBE naxarisitii jano ha ka waraabiyee. iyo 1-dii luuliyo 1960 waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaankii caanka ahaa ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii uu habeenkaas tiriyey: “SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.iyo talyaaniga waxaanse shaki ku jirin in caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martay taariikh iyo waayo kala duwan.
Waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii saancaddaalaha ahaa oo buluugley ay dabeyluhu ka lulayeen daaraha dushooda.Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.
Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hamiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”.
Halgankii Xoriyadda
Halgankii ummadda Soomaaliyeed ee ay hogaanka u soo hayeen gobonimo doonkii Soomaaliyeed Taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18aad inta ayan bilaaban duulaankii dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir, Kismaayo, Berbera & Bandar qaasim. “Boosaaso” Qeybintii dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay nidaamyo ku cusub bulshada Soomaalida kana duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi jireen dadka Soomaaliyeed.
Waxaana aad u yaraaday xiriirkii ay Soomaalida la lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.
Qarni waliba Sabankii, Qoraxiba dharaarteed, Maantay oo ay 1-da Luuliyo waxaa nasiib darro ah in qarannimadii iyo midnimadii loo soo tiil iyo tacab beelay ay farahayaga si hawl yari ah uga baxday , sharaftii iyo cisigii ay soomaali lahaydna ay maanta tahay mid ku dayacan daafaha dunida oo dhan.
Soomaaliya oo ku jirtay 19 sano fawdo iyo majarahabow wallow sanooyinkii ugu dambeeyey ayba ugu darneyd oo xaaladdu heerkii ugu sareeyey ay gaartay hadana ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo Qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya, ayadoo hogaamiyaasha xilligan ee Soomaaliya ay maskaxdooda dilootay Siyaasad silsilado xambaarsan iyo kursi u dirir dhiig daadin ah, balse xasuustii qaranka aanba la hadalheyn.
Hasa ahaate Soomaaliya sida aay u Indho la´dahay uma ALLA la’a, lagamana quusan in maalin maalmaha kamid ah la arko Soomaaliya oo ah Dowlad madax banaan oo loo dhan ah, soona celisa midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda xasiloonaan ay dadkeedu ku naaloonayaan.
Hadaba waxaan ALLE SWT ka baryeynaa Soomaali mideysan oo niyad-wanaag iyo is jeclaan quluubteenu isku saliim tahay inuu nagu gaarsiiyo sanadkan kiisa kale INSHA ALLAAH.
No comments have been provided.