Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
XUSKA 26-ka JUNE: HADII AAD ILOWDEEN WAA IGA OGEYSIIS *By C/risaaq C/laahi*

Maanta oo kale 49-sanno ka hor 26kii June 1960-kii waxay dadka ku nool Goballadda Waqooyi ee dalka Somali hanteen gobanimadda, kadib, markii ay Gumeysigii dalka Ingiriiska ka maroorsadeen Madax-bannaanidda.


Gumeystihii Ingiriiska oo dhulkaasi gumeysan jirey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Dowladaha Gumeystayaasha Qaaradda Europe sannadkii 1884-kii ku heshiiyeen Shirweyne ka dhacay magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka, oo ay ku kala qeybsadeen Qaaradda Afrika.


Halganka Gobanimadoonka ee Ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa mid soo jiitamayey, iyadoo ay Gumeystayaasha dalka Somalia u kala qeybiyeen shan qeybood, oo kala ah Goballadda Koonfurta, kuwa Waqooyiga, Jabuuti, dhulka Galbeedka Somalia "Reserved Area" iyo Gobalka NFD.


Gumeystihii dalka Ingiriiska, waxay gacanta ku dhigeen Goballadda Waqooyiga Somalia (British Somaliland), iyadoo Gumeysigii Talyaaniga maamuli jireen Gobalada Koonfurta, halka Gumeystihii dalka Faransiiska gacanta ku dhigeen Jabuuti.


Inkastoo ay Dowladaha Reer Europe kala qeybsadeen Gobalada dalka Somalia, waxaa haddana jirta inay Dowladaha Kenya iyo Ethiopia qeybtooda ka boobeen dhul-weynta Somalia, iyadoo ay Dowladda Ethiopia goosatay dhulka Galbeedka ee Ogaadeeniya, halka ay Dowladda Kenya la wareegtay dhulka Soomaalida ee NFD, ee W/bari ee Kenya.


Ummad-weynta Soomaalida, waxay ka dhiidhiyeen Gumeystayaasha xoogga ku qabsatay dalkooda hooyo, waxayna bilaabeen halgan gobanimadoon ah, kaasi oo aysan qeybaha bulshadda u kala harin.


Halyeeyo Geesiyiin ah, ayaa ku dhiiraday inay si geesinimo leh uga hortagaan Gumeystayaashii duullaanka ku qabsaday dalkooda, wuxuuna halganka ka wada socday Goballadda Waqooyiga, kuwa Koonfurta, Jabuuti, NFD iyo dhulka Reserved Area.


Naftood-hurayaasha naftooda iyo dhiigooda u huray Halgankii Gobanimadoonka, waxay muteysteen inay dhibaato isugu jiray Xabsi, Jirdil, masaafurin iyo dil kala kulmaan Gumeystayaashii xoogga ku haystay dalkeena.

Marka dib loo eego Sooyaalka Taariikhda Somalia, waxaa laga dareemi karaa inay Halgamayaashii Gobanimadoonka baal dahab kaga jiraan Diiwaanka Halgankaasi, waxaana Halgamayaashaasi laga xusi karaa Sheekh Xasan Absame, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Axmed Garaad Ibraahim "Axmed Gureey" iyo 13-kii dhallinyarro ee asasaatay Ururka Dhallinyaradda Somalia "SYL".


Sannadkii 1884-kii waxay u ahayd Taariikh madow dadka ku nool Qaaradda Afrika, kadib, markii ay Gumeystayaasha Reer Europe kulan ku yeesheen Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, oo ay ku kala qeybsadeen sidii ay u gumeysan lahaayeen dalalka Qaaradda Afrika.

Ayaan-darrida ku habsatay Ummaddaha ku nool Qaaradaha Afrika, ayaa waxay si gaar ah u saamaysay Ummadda Soomaaliyeed, oo ay Gumeystayaasha u kala qeybiyeen shan qeybood oo kala ah:-


Goballadda Koonfurta Somalia, oo uu Talyaanigu gumeysan jiray.
Goballadda Waqooyiga Somalia oo uu Ingiriisku gumeysan jiray.
Goballadda Reserved Area Ogaadeeniya oo Xabashidda loo hibeeyey
Goballadda NFD oo Dowladda Kenya loo hibeeyey.
Dalka Jabuuti oo ay Faransiisku gumeysan jireen.

Halgamayaasha hormuudka u ahaa helitaanka Xornimadda, aya waxay ahaayeen Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee Somali Youth League "SYL" oo ay 13-dhallinyarro Soomaali ah asaaseen bishii May 15-da ee sannadkii 1943-kii, waxayna Asaasayaasha Ururkii SYL kala ahaayeen:-


1:Yaasiin Xaaji Cismaan
2:Xaaji Maxamad Xuseen
3:Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
4:Khaliif Huudow Macallin
5:Maxamad Cismaan Baarbe.
6:Cismaan Geedi Raage
7:Maxamad Faarax Hilowle
8:Dheere Xaaji Dheere
9:Sayidiin Xirsi Nuur
10:Maxamad Cabdalla Xayeesi
11:Maxamad Cali Nuur
12:Cali Xasan Maxamad Berdura
13:Daahir Xaaji Cismaan.

Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda 26-ka Juun ee 49-guuraddii ka soo wareegtay markii ay Goballadda Waqooyga Somalia xorroobeen, waxay ku soo beegantay iyadoo ay jiraan xiisado-siyaasadeed, mid colaadeed, islamarkaana aanan jirin meel ilaa iyo hadda looga dabaal-degay Munaasabadaasi golabalada dalka oo idil.


Xuska dharaarta xoriyadda ahna maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed ka babado caalamka, ayaa kusoo aadaysa xilli 20-sanadood ay sii cagacagaynayaan xasaradaha dhiiga badan lagu daadiyey kuwaasi oo ciribtii ugu damvbeysay ay ka socdaan haatan guud ahaan dalka gaar ahaan Caasimadda colaad u jooga ah, halkaasi oo sanadkan oo kaliya ay ku nafwaayeen in ka badan 500 oo rayid ah tiro intaa ka badana lagu dhaawacay, halka Boqolaal Kun oo kalana ay ku barakaceen.

Dowladda meel ku gaarka ah ee Madaxweyne Shariif oo ka badin la’ dagaalka ay kula jirto xoogaga Islaamiyiinta, ayaa maanta gabi ahaanba aan soo hadal qaadin maalintan qiimaha iyo xoriyadda xambaarsan qof walba oo Soomaali ahna niyadiisa ka go’I doonin inta uu dunida guudkeeda saran yahay.


Goballadda W/galbeed Somalia, waxay sannadkii 1991-kii sheegteen inay ka go'een dalka Somalia, isla markaana ay gooni isku taageen, inkastoo wali aysan jirin aqoonsi buuxa oo ay heleen.

Sanadkaan sanadkiisa xiga waxaan ALLE SWT ka baryeynaa inuu nagu gaarsiiyo Israac iyo Dib u heshiisiin, Nabadgalyo waarta oo dalka ka dilaacda, horumar iyo baraaro INSHAA ALLAAH.



W/Q : C/risaaq C/laahi Maxamed Indhojaceel2003@hotmail.com


Sanaagpost News Desk - South Africa

 


1 Comment(s)

somali@233   8593

2:57pm on Sunday, January 31st, 2010

somali@maxamad

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010