Maanta oo kale 49-sanno ka hor 26kii June 1960-kii waxay dadka ku nool Goballadda Waqooyi ee dalka Somali hanteen gobanimadda, kadib, markii ay Gumeysigii dalka Ingiriiska ka maroorsadeen Madax-bannaanidda.
Gumeystihii Ingiriiska oo dhulkaasi gumeysan jirey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Dowladaha Gumeystayaasha Qaaradda Europe sannadkii 1884-kii ku heshiiyeen Shirweyne ka dhacay magaalladda Berlin ee dalka Jarmalka, oo ay ku kala qeybsadeen Qaaradda Afrika.
Halganka Gobanimadoonka ee Ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa mid soo jiitamayey, iyadoo ay Gumeystayaasha dalka Somalia u kala qeybiyeen shan qeybood, oo kala ah Goballadda Koonfurta, kuwa Waqooyiga, Jabuuti, dhulka Galbeedka Somalia "Reserved Area" iyo Gobalka NFD.
Gumeystihii dalka Ingiriiska, waxay gacanta ku dhigeen Goballadda Waqooyiga Somalia (British Somaliland), iyadoo Gumeysigii Talyaaniga maamuli jireen Gobalada Koonfurta, halka Gumeystihii dalka Faransiiska gacanta ku dhigeen Jabuuti.
Inkastoo ay Dowladaha Reer Europe kala qeybsadeen Gobalada dalka Somalia, waxaa haddana jirta inay Dowladaha Kenya iyo Ethiopia qeybtooda ka boobeen dhul-weynta Somalia, iyadoo ay Dowladda Ethiopia goosatay dhulka Galbeedka ee Ogaadeeniya, halka ay Dowladda Kenya la wareegtay dhulka Soomaalida ee NFD, ee W/bari ee Kenya.
Ummad-weynta Soomaalida, waxay ka dhiidhiyeen Gumeystayaasha xoogga ku qabsatay dalkooda hooyo, waxayna bilaabeen halgan gobanimadoon ah, kaasi oo aysan qeybaha bulshadda u kala harin.
Halyeeyo Geesiyiin ah, ayaa ku dhiiraday inay si geesinimo leh uga hortagaan Gumeystayaashii duullaanka ku qabsaday dalkooda, wuxuuna halganka ka wada socday Goballadda Waqooyiga, kuwa Koonfurta, Jabuuti, NFD iyo dhulka Reserved Area.
Naftood-hurayaasha naftooda iyo dhiigooda u huray Halgankii Gobanimadoonka, waxay muteysteen inay dhibaato isugu jiray Xabsi, Jirdil, masaafurin iyo dil kala kulmaan Gumeystayaashii xoogga ku haystay dalkeena.
Marka dib loo eego Sooyaalka Taariikhda Somalia, waxaa laga dareemi karaa inay Halgamayaashii Gobanimadoonka baal dahab kaga jiraan Diiwaanka Halgankaasi, waxaana Halgamayaashaasi laga xusi karaa Sheekh Xasan Absame, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Axmed Garaad Ibraahim "Axmed Gureey" iyo 13-kii dhallinyarro ee asasaatay Ururka Dhallinyaradda Somalia "SYL".
Sannadkii 1884-kii waxay u ahayd Taariikh madow dadka ku nool Qaaradda Afrika, kadib, markii ay Gumeystayaasha Reer Europe kulan ku yeesheen Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, oo ay ku kala qeybsadeen sidii ay u gumeysan lahaayeen dalalka Qaaradda Afrika.
Ayaan-darrida ku habsatay Ummaddaha ku nool Qaaradaha Afrika, ayaa waxay si gaar ah u saamaysay Ummadda Soomaaliyeed, oo ay Gumeystayaasha u kala qeybiyeen shan qeybood oo kala ah:-
Goballadda Koonfurta Somalia, oo uu Talyaanigu gumeysan jiray.
Goballadda Waqooyiga Somalia oo uu Ingiriisku gumeysan jiray.
Goballadda Reserved Area Ogaadeeniya oo Xabashidda loo hibeeyey
Goballadda NFD oo Dowladda Kenya loo hibeeyey.
Dalka Jabuuti oo ay Faransiisku gumeysan jireen.
Halgamayaasha hormuudka u ahaa helitaanka Xornimadda, aya waxay ahaayeen Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee Somali Youth League "SYL" oo ay 13-dhallinyarro Soomaali ah asaaseen bishii May 15-da ee sannadkii 1943-kii, waxayna Asaasayaasha Ururkii SYL kala ahaayeen:-
1:Yaasiin Xaaji Cismaan
2:Xaaji Maxamad Xuseen
3:Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
4:Khaliif Huudow Macallin
5:Maxamad Cismaan Baarbe.
6:Cismaan Geedi Raage
7:Maxamad Faarax Hilowle
8:Dheere Xaaji Dheere
9:Sayidiin Xirsi Nuur
10:Maxamad Cabdalla Xayeesi
11:Maxamad Cali Nuur
12:Cali Xasan Maxamad Berdura
13:Daahir Xaaji Cismaan.
Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda 26-ka Juun ee 49-guuraddii ka soo wareegtay markii ay Goballadda Waqooyga Somalia xorroobeen, waxay ku soo beegantay iyadoo ay jiraan xiisado-siyaasadeed, mid colaadeed, islamarkaana aanan jirin meel ilaa iyo hadda looga dabaal-degay Munaasabadaasi golabalada dalka oo idil.
Xuska dharaarta xoriyadda ahna maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed ka babado caalamka, ayaa kusoo aadaysa xilli 20-sanadood ay sii cagacagaynayaan xasaradaha dhiiga badan lagu daadiyey kuwaasi oo ciribtii ugu damvbeysay ay ka socdaan haatan guud ahaan dalka gaar ahaan Caasimadda colaad u jooga ah, halkaasi oo sanadkan oo kaliya ay ku nafwaayeen in ka badan 500 oo rayid ah tiro intaa ka badana lagu dhaawacay, halka Boqolaal Kun oo kalana ay ku barakaceen.
Dowladda meel ku gaarka ah ee Madaxweyne Shariif oo ka badin la’ dagaalka ay kula jirto xoogaga Islaamiyiinta, ayaa maanta gabi ahaanba aan soo hadal qaadin maalintan qiimaha iyo xoriyadda xambaarsan qof walba oo Soomaali ahna niyadiisa ka go’I doonin inta uu dunida guudkeeda saran yahay.
Goballadda W/galbeed Somalia, waxay sannadkii 1991-kii sheegteen inay ka go'een dalka Somalia, isla markaana ay gooni isku taageen, inkastoo wali aysan jirin aqoonsi buuxa oo ay heleen.
Sanadkaan sanadkiisa xiga waxaan ALLE SWT ka baryeynaa inuu nagu gaarsiiyo Israac iyo Dib u heshiisiin, Nabadgalyo waarta oo dalka ka dilaacda, horumar iyo baraaro INSHAA ALLAAH.