Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Taariikhda Dhalashada Soomaalida Maxaa Ka Wada Dhigey 1-da Janaayo? By Maxamed Muuse.

Magaca qofka, meesha uu ku dhashay, xiliga uu dhashay iyo sawirka muuqaalkisa waa 4ta sheey oo ugu muhiimsan nolosha qofka marka uu ku hoos noolyahay dal sharci iyo dowlad ay ka jirto, meel kasta oo aad tagto aduunka maanta 4 taasi sheey ayaa lagu weeydiinayaa, aqoonsi kasta oo aad wadatana in laga helaa waa qasab.


Laakiin dadka Soomaalida ah ee u haajirey dalalka meelo ka mid ah aduunka waxyaalaha ay ku dhibtootey waxaa ka mid ah ugu yaraan 3 ka mid ah 4 taasi shuruud, muuqaalkiisa ma ahan mid lagu dhibtoodo waxa kaliya oo uu qofka u baahanyahay waa in sawirkiisa laga qaado.


Hal qodob oo ah taariikhda dhalashada ayaa ugu xiiso baddan oo aan si faahfaahsan ugu falanqeyn doonaa maqaalkani. Saraakiisha socdaalka iyo waliba kuwa sirdoonka ee la socda macluumaadka dadka dalka ku nool waxay ku wareersanyihiin sababta keentey in Soomaalida oo dhami ay hal taariikh u wada dhashaan, layaabi meeysid haweeney wasaarada arrimaha gudaha ka shaqaysa oo leh „maxaa Soomaaliya koowda bisha koowaad miyey wada dhashaan?”. “ maxaase dhamaantiin Cabdi iyo Maxamed idinka wada dhigey?”.


Bal qof Soomaali ah si caadi ah u weeydii taariikhda dhalashadiisa, dad aad u yar ayaa saxaya taariikhda ay dhasheen, qofka waa ay sahlantahay in uu kuu sheego inta sanno ee uu jirro laakiin ka fili meeysid in uu kuu sheego bisha iyo maalinta uu dhashay, markii ugu horey-sey ee uu tagay Home Affair-ka ee la weeydiiyey taariikhda dhalashadiisa ayuu qortey taariikh isku aadan oo uusan hilmaami doonin taasoo ah koowda bisha koowaad iyo sanadka uu dhashay oo uu dib u xisaabid ku samaynayo isagoo ka shidaal qaadanayo inta sanno ee uu aaminsanyahay in uu jirro. Soomaalida oo caadi ahaan dad xoolo dhaqato ah isla markaasina aan wax qorin oo dad hadla ah, ayaa keeneysa in badankood aysan oqaanin maalinta uu qofka dhashay, kuwa ku hoos dhashay nidaam dow-ladeed iyaguna waalidiin-tooda ma ahayn kuwa ca-ruurta diiwaangaliya inta baddan mar hadii uusan il-maha isbitaal ku dhalan, ni-daamkii jireyna waajib kama dhigin in ilmaha la diiwaan-galiyo wallow tirakoobyada guud lagu xisaabtami jirrey dhalashada caruurta.


Sidaasi darteed waxaa iska caadi ah in uu qof ku faano in uu isbitaalka Banaadir ku dhashay taasoo uu ola jeedo “waan garanayaa taariikhda aan dhashay, caasimadana waan ku dhashay”. Laakiin ka waran ninka kumanaan lacag ah ku qarash-gareeyey u dabaaldagista maalinta uu dhashay markii loo sheegey oo loo diiwaan-galiyey taariikh cayiman oo uu dhashay? Ninkani oo aanan horey u garan jirrin maalinta uu dhashay ayaa xaflad dhalasho sameeyey markii ay ku beegantay taariikhda dhalashadiisa ee sharciga ugu taala.


Wallow dadka ay sheegtaan inta baddan taariikho isku aadan sida lixda bisha lixaad, sideeda bisha sideedaad iyo wax la mid ah, hadana koowda bisha koowaad ayaa ah tan ugu baddan ee dadka ay sheegtaan, waxaa isweeydiin leh maxaa dadka u diidey in ay taariikho kale sheegtaan oo kala duwan? Mala oran karaa Soomaalida xasuusta ayay ku liidataa mise waxay ka tahay is dhibid la,aan howl diidnimo ah?.iyagoo aan isku taxluu-jineynin in ay maskaxda ka xifdiyaan taariikhda ay sheegtaan ee kala gadisan.


Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) 


 Deeqdarajo100@hotmail.com 


Tell: 27721277344. 


Sanaagpost.com kama masuul aha ra'yiga ama fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.


 Ku soo dir fikirkaaga E-mail sanaagpost@hotmail.com ama Webmaster@sanaagpost.com  

 



Sanaagpost News Desk/


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010