Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Wariyayaasha ku Sugan Goobaha Dagaalka iyo Anshaxa Saxaafada (Talo soo Jeedin Muhiim ah).

By: C/nuur Maxamed Axmed


Qoraalkan aadka u kooban waxaan ugu tala galay oo kaliya inaan talo usoo jeediyo saxafiyiinta, sawir qaadayaasha, iyo Tifaftirayaasha saxaafada socod baradka ah ee somalia ee ku shaqeeynaayo xaalado aad u dhib badan iyo duruufa ay adagtahay in saxaafadu ku kobocdo misna ka guul gaadho  hadafka ay higsanayso oo ah in dadka laga haqab tiro warar, faalloyin, iyo maqaalo ka turjumaya waxa ka socda dalka.


Qoraalka maha mid ku socda  Baraha internet ka iyo Wargaysyada u adeega danaha kooxo gaar ah.


Maalmihii la soo dhaafayay qurba joogta Soomaalida waxay garwaaqsatay  muhimada qalabka wabahinta u leeyahay bulshada wargalinteeda. Waxay isha ku hayeen daqiiqad kasta waxa baraha internetka  ugu afka dheer kuwa Somalida ka qoraan dagaalka siyaasada daba ku hayo ee dalka ka qarxay.


Soo tabinta dagaalka iyo xaqiiqda dhabta ah ee meesha ka jirta looma simanayn. Saxaafada qaar waxay ahayd kuwa usoo gudbinaayo dadka gobaha dagaalka ka dheer jooga sawir macne u samaynaayo . maxaa dhacay? Yaa ku hardamaya dagaalka? labada dhinac meeqaa ka  dhimatay? Maxaa dhaawac ah? Dhul intee la eg ayaa lagu kala qabsaday? Dadka Rayidka ah maxaa khasaare ah oo soo gaaray? Yaase looga itaal roonaaday  dagaalkan culimada waa wayn ee soomaaliyeed ku sheegtay mid fitna ah?


kuwa kale ayaa bilaabay inay lumiyaan dhexdhexaadnimadii saxaafada looga bartay iyaga oo siyaabo kala duwan ula kala saftay kooxo gaar ah taasi oo macnaheedu yahay qarinta jabka kooxdu u webkaa sida gaarka ah u taageero iyo buunbuuninta  jabka  kooxda kale haleelay.  Meeqa Murtad ayaa bakhtiyay? Maxaa ka shihiiday koox hebel?   Iyo ereyo kale oo an haboonayn in xilligan lagu hadaaqo.


Aan usoo dago biya dhaca qormadan aan ugu magac daray “TALO SOO JEEDIN” ee  ku socota bahda ku lug leh warbaahinta dalkeena hooyo. Intii dagaalkan Muqdisho ka qarxay bilowday waxay saxaafada soo bandhigaysay sawirro naxdin leh kuwaa oo aan saluugay soo bandhigidooda. Waxaan arkay wiil Soomaaliyeed oo xiran dharka ciidanka dawlada oo loogu yeeraayo “MURTAD”.  Waxan arkay mid kale oo cimaamad wato oo la bahdilaayo.  Iyada oo aan ognahay ka  saxaafad ahaan dagaalkani yahay  mid hooyo Soomaaliyeed ku gablamayso wiilasheenana ay ku dhimanayaan ayaan hadana u bareernay inaan maydkiisa oo yaal goobta dagaalka Kaamarad la raacno oo Sawiro naxdin leh ka soo qaadno.


Intii uu bilowday isticmaalka aaladan sawirada lagu qaado mawduucan waa mid dunida oo dhan lagu kala qaybsanyahay. Saxafiyiin waa wayn ayaa qaba in dadku xaq u leeyihiin inay ogaadaan wax kasta oo dhacaayo saxafiguna xaq uleeyahay inuu dadka usoo bandhigo waxa uu shakhsi ahaan la kulmay. Kuwa kale ayaa qaba inaysan anshax ahaan haboonayn sawirka mayd yaalo goob dagaal in la qaado.


Wariyayaal badan oo ku dhiiraday falkan xilliyadii Maraykanku ku jiray dagaalkii 2aad ee dunida, kii Vietnam, iyo kan hada ka socda dalka Ciraaq iyo Afghanistan waxay la kulmeen canbaarayn ba’an, qaarkoodna waxaa lagu abaal mariyay in lagu magacaabo khaa’inul wadaniyiin. Kuwa ayaa ku mutaystay in loogu hanjabo dil.


Dadwaynaha Maraykanku waxa ka simanaayeen marka laga reebo tiro aan badnayn in hal meel looga soo wada jeesto sawir qaadihii soo sawira gabdho iyo wiilal xiran direyska ciidanka Maraykanka, gudanayana waajib dalkiisa ka saaran.


Anshaxa saxaafada waa muhiim waana udub ka mid ah tiirasha ay ku taagantahay saxaafada casriga ah sidaa  daraadeed waxaan rabaa inaan mid mid ula hadlo sadexda kooxood ee aan kor kusoo xusay  oo aan isleeyahay way baajin karaan in sawirradan foosha xun bulshada la dhex keeno.


Mudane Sawir-qaade aniga oo ogsoon in aad xaq uleedahay qaadida sawir kasta oo aad u aragto mid bulshada anfacaayo,  sharciga saxaafadana ku siinaayo xuriyad kaamil ah oo aad ku duubi karto kuna qaadi karto sawir kasta oo aan diinta ka hor imaanayn waxaa haboon inaad iswaydiiso inta aadan sawirin maydka yaalo furinta dagaalk waxii aad ka samayn lahayd hadii qofkani yahay mid aad taqaano waliba kuwayn qalbigaaga. Waxa aad samayn lahayd hadii qof kani yahay mid kamid ah eheladaada kuwa aad ugu jeceshahay. Waxaan filayaa in jawaabtu maya tahay.


Hadii aad tahay qof qadarinaayo quluubta dadka uu ka geeriyooday qofkan dagaalka ku dhintay ama aqoonta gaar ahaaneed uleh waxaa kuu soo baxaayo inaysan haboonayn inaad murugo galiso quluubtooda. Sidaa daraadeed ka dheeroow inaad wiil Soomaaliyeed oo maysdf ah sawirkiisa soo qaado si dadku u daawadaan.


Mudane Wariye maadaama hawshaadu tahay mid nagu wayn, dhagtana aan u taagayno jabaqda kaa soo yeeri doonta daqiiqad kasta waa inaad isku daydaa inaad ka reebto warbixinta aan dhawrayno sawirada aan kor ku xusay. Waa inaad dareenta inaad tahay qof bulshada dhexdeeda ku leh maqaam. Waa inaad ka fogaata dhaawaca quluubta dadka Soomaaliyeed ee ka naxaya sawirada Wiilasha dagaalka sokeeye ku dhimanaya ee” Ma liibaanayasha lagu liibaanay loogu magac daray.”


Mudane Tifaftire waxaa tahay qofka  ugu danbeeya ee miiskiisu ku soo dhacayo sawiradan naxdinta leh, ha ahaado film qof la tooganaayo, mid la gubaayo ama mid ciida quruqriyay oo waa hore xabadi leeftay. Waxaa tahay “ Gate-keeper” oo macnaheedu yahay inaad sii dayn karto ama xanibi karto warbixin kasta oo dhiillo xamnbaarsan iyo inaad ka reebto qoraalka wariyaha  kusoo gudbiyay wax kasta oo aad u aragto mid khilaafsan Sharciga iyo anshaxa saxaafada. Tifaftiruhu waa inuu ilaaliyaa sidoo kale wararka lidka ku ah danaha Dalkeena, Diintena, iyo Dadkeena.


Dunida maanta kama jirto saxaafad dhexdhexaad ah. Mid kasta waxay wax kasta ka hormarisaa danaha qarankeeda “national interest” ama amniga dalkeeda “national security” waxaase la isku dhaafay sida anshaxa wanaagsan loogu dabakhaayo saxafaada maanta jirta.


Mudane Tifaftire waa inaad kala saartaa ra’yiga saxafiga iyo warka oo ah laba shay oo aan is qaadan karin. Waa inaad u carbisaa Wariyayaasha inay noqdana kuwa ku eg soo tabinta waxa dhacay, meesha uu ka dhacay, sababta uu u dhacay, goorta uu dhacay, iyo sida uu u dhacay.


Mudane tifaftire waa inaad ka dheraataa isticmalka ereyo kooxo gaar ah ku hal qabsadaan sida;  Xukuumada Ridada, Khawaarijta, Takfiirka, Ciidanka Alle, Cadawga ilaahay, Mujaahid, Murtad iyo kuwa kale oo badan maadaama dagaalka maanta socdo  ay culimo waawayn ku tilmaameen inuu yahay mid fitna ah labada qolana aysan jirin mid isu aqoonsan kuna qanacsan magaca loogu yeerayo.


Qore: C/nuur Maxmed Axmed


C/nuur waa Saxafi madax banaan oo wax ka barta kulliyada Saxaafada ee Jaamicada International  Islamic University ee Islamabad waxaadna waxii talo ah ugu diri kartaa.


Sanaagpost.com kama masuul aha ra'yiga ama fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.


 Ku soo dir fikirkaaga E-mail sanaagpost@hotmail.com ama Webmaster@sanaagpost.com  


Sanaagpost Articles Desk - South Africa.

 



 



 



 


 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010