Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
Maamulka Somaliland Tusaale Ku Dayasho Mudan

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna waxaa dhammaan akhristayaasha sharafta iska leh leeyahay iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).


 Akhristow qormadan ugama hadlayo jaanibka siyaasadeed ee ku aadan gooni u go’a Somaliland, oo taasi waa mid u taal Soomali weyn. Arinta aan halkan uga hadlayaa waa Ummadda reer Soomaaliland sidii ay u maareeyeen noloshooda ugana gaareen runtii horumar wanaagsan.


Somaliland waxaa runtii ka jira Amni iyo nabad ballaaran oo runtii u suurto galisay inay noloshoodi ay dhinac walbaa ka sameeyaan horumar.


Waxaad arkeysaa inay ka hormareen xagga siyaasadda, waxbarashada, caafimaadka iyo waliba arimaha bulshada. Waxaad arkeysaa magaalooyinka Soomaaliland inay sameynayaan horumar, iyagoo uu ka socda dhismayaal casri ah.


Sidoo kale arimaha xusida mudan ee u baahan in looga daydo reer Soomaaliland waa xagga waddaniyada, oo qof walboo u dhashay deegaamada Soomaliland waxaad arkeysaa in uu jecelyahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarka dhulkiisa.


Waxaa kaloo iyaduna ammaan iska leh sida ay reer Soomaaliland ay qurbjoogtoodu ugu xiran yihiin dalkooda oo ay had iyo jeer jecel yihiin inay dalkooda si toos ah iyo si dadban ba uga qeybqaataan horumarkiisa.


Anigoo fursadan ka faa’ideysanayo ayaan leeyahay maamulka reer Soomali land hambalyo, oo allaha idiin saa’idiyo horumarka la taaban karo ee aad gaarteen. Soomaalida kalena waxaan leeyahay kaga dayda Somaliland horumarka iyo nabadda ay ku tallaabsadeen, oo walaalka la jecloow wanaaga u gaaray uguna hamblayeey.


Sidoo kale waxaan fursaddan uga faa’ideysanayaa in aan allaah uga baryo in uu Soomaaliya ka dulqaado dhibaatada ku habsatay, oo uu allaah naga joojiyo dagaaladan soo noqnoqday ee bilaa ujeedada ah.


Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje


Social Development Adviser/Leicester UK


E-Mail: saicentadv@yahoo.com 


Sanaagpost.com kama masuul aha fikirka qofka ee shaqsi ahaaneed, kala xidhiidh E-mailka ku qoran.


Ku soo dir fikirkaaga E-mail sanaagpost@hotmail.com ama Webmaster@sanaagpost.com  


Sanaagpost News Desk 

 



 


 



 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010