Tiro dad ah ayaa geeriyooday, qaar baa dhaawacan, Malaayiin barakacday, dagaal dano gaar ah xambaarsan, intaba waa hadal haynta ugu badan ee 20-kii sano ee ina dhaaftay daqiiqad kasta ka guuxaysa Maskaxda shacabka Soomaaliyeed ee colaad u jooga noqday.
Tan iyo markii meesha laga saaray Xukuumadii 21-ka sano ee uu majaraha u hayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaa dalka Somalia uu cagaha darsaday mowjado qulqulatooyin ah oo xambaarsan dhiig qubanaya, maati si macna darri ah loo gumaado iyadoo dano gaar ah la wato, taasina waa hab dhaqanka kooxaha is diidan ee hunguriga ka galay qoriga caaradii.
Hadaba 20-kaasi sano Dalka waxaa ka lumay adeegyadii bulshada, caafimaadka haba ugu horeeyo, wax barasho warkeedba daa oo 90% dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay, ku koray, kuna dhex jira wali dagaalada sokeeye ma lahan wax aqoon ah, waana sababta ugu wacan inay maanta qoriga AK47-ka sida Bakooradii u sitaan had iyo jeer.
Magaalada Muqdisho, bari samaadkii waxay aheyd muraayadda dalka, balse maanta ma isweydiisay muqaal ahaan iyo isbadalka ku habsaday, dad badan baa maxkamxdoodu marka ay dib u jaleecdo xilliyadii hore waxaa maquuniya ciil iyo calolyow daran.
Maanta Malaayiin shacab ah ayaa ku nool magaalada, kuwaasi oo in badan dagaalo kala duwan usoo joogay, Malyuumaad ka mid ah shacabka waxay Caasimadda ku laabteen bilooyin ka hor markii ay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba faarujiyeen Ciidamadii Ethiopia ee dagaalada qaraari lala galay.
Saadaalinta Shacabka ayaa aheyd in hadiiba cadowgii uu ka baxay dalka oo Dowlad uu madax ka yahay Hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamiga lasoo unkay, in Dowladda cusub iyo Islaamiyiinta dalka ku wada sugan inay ku midoobaan hogaan sax ah oo lagu baajin karo dhiig kale oo daata, rajo xumadii ugu darneyd abid ayaa Shacabka soo weerartay, waayo waxbaa saraq leh.
Hadaba Caasimadda, ayaa maanta u muuqata inay la rimantahay colaad hor leh oo dhiig kale lagu qubo, lagana cabsi qabo inay ku umusho madal dagaal ooh or leh, waayo kooxihii Islaamiyiinta ee shalay dagaalka Ethiopia ka mideysnaa maanta iyagaa is fara saaray oo wadooyinkii iyo xaafadihii Magaalada dhufeysyo ka wada dhigtay sidii Ciidamada Ethiopia.
Cambaareynta dagaal hor leh iyo Baaqyo Nabad doon ah intaba ma jirto cid dheg-jalaq u siinayna, balse waxaa nasiib darro weyn ah in maanta kalsoonidii shacabku ku qabeen xoogagii 6-dii bilood ee sanadkii 2006-da mar kusoo dabaalay Nabadgelyo ay shacabku u riyaaqeen, hadana inay iyagii gacantooda ku laayaan shacabka masaakiinta ah.
Senior Somali Journalist
C/risaaq C/laahi Maxamed
Sanaagpost News Desk / South Africa.
No comments have been provided.