1-da May maxay tahay?, Sanad ka dib maxaa xigay?, Maraykanku muxuu ka aaminsan yahay Somalia iyo Dhaqdhaqaayada Islaamiyiinta gaar ahaan Ururka Al-Shabaab ee uu majaraha u hayey marxuum Cayrow ?. Qaabkii Dilka
Abaare 3:15 daqiiqo ee saqda dhexe, habeenimo ku beegneyd 1-da May ee sanadkii tagay (2008), waxaa weerar qorshaysnaa lagu dilay Aadan Xaashi Cayrow oo ahaa Hogaamiyihii kooxda uu Maraykanku ku daray Liiskiisa kooxaha uu la xiriiriyo waxa loogu yeero Argagixisada ee Al-Shabaab.
Shirqoolkii lagu dilay marxuum Cayrow, oo in badan lala maaganaa, waxaa fududeeyey sida uu Mararkanku sheegay rag si aad ah ugu dhawaa isaga oo sirdoonka Maraykanka u basaasayey hadba dhaqdhaqaaqyadiisa iyo halka uu ku sugan yahay, waxaana ku baxay adduun lagaceed oo ku kacaya ilaa 5-million oo Dollar oo lagu kala bixiyey 3 million oo hawsha basaasnimada lagu sheegay iyo 2-million oo iyana lagu kharashgareeyey Labadii gantaal ee lala heley hoy uu ku lahaa Magaalada Dhuusamareeb ee Bartamaha Somalia.
Gantaaladii dilay Hogaamiye Cayrow, oo loo yaqaano Tom Hawk, islamarkaana laga soo riday Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo taagan xeebaha Somalia, ayaa waxaa hagayey qalabka Global Position System (GPS), kaasi oo la dhigay afaafka hore ee Hoyga Marxuum Cayrow, halkaasi oo isaga iyo saraakiil ay kawada tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen.
Maraykanka, ayaa isla saacado ka dib weerarkaasi xaqiijiyey inay ku dileen Hogaamiyihii kooxda Al-Shabaab ee lagu tiriyo Al-Qaacidda ee Geeska Africa Aadan Xaashi Cayrow, sida uu warbaahinta ka sheegay xilligaasi Cap. James Graybeal oo madax ka ah Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon.
Marxuum Cayrow, oo 32-jir ahaa, waxa uu kusoo tababartay sida la aaminsanaa Dalka Afghanistan, waxaana Xukuumadda Washington, ay ku eedeynayeen inuu gabaad siiyey Shaqsiyaad ku lug lahaa weeraradii cuslaa ee 1998-kii lagu burburiyey Safaaradihii Maraykanka ee magaalooyinka Nairobi iyo Dar-Es-Salam iyo weerarkii 2002-dii lagu qaaday Hotel ay Yahuudu ku laheyd Magaalada Mombasa iyo dayuurad rakaab siday, waxaana Shaqsiyaadkaasi magacyadooda lagu kala sheegaa Fazul Abdallah, Saalax Cali Nahbaan iyo Cabdalla Suudaani, inkatoo Maraykanku maray badan sheegay inuu dilay qaar ka mid ah Raggan jinsiyadaha kala duwan ah.
Hadaba Sanad Ka Dib Dilkii Cayrow Maxaa Xigay ?
Dagaalyahanada Al-Shabaab, ayaa weeradooda Somalia sii laba laabay ka dib geeridii Hogaamiyahooda, kuwaasi oo ay la galeen Ciidamadii Ethiopia, waxa ayna isku fidiyeen qeybo badan oo Gobalada dalka Somalia, iyagoo dagaalo xooggan ka dib qabsaday oo maamula magaalooyin xarumo u ah Gobalo badan sida Gedo, Bay, Bakool iyo qeybo ka mid ah Caasimadda Somalia.
Ururka Al-Shabaab, waxa uu gaashaanka u daruuray Dowladda wagaada ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Hogaamiye ay halgankii Ethiopia la dirirka iskula jireen, iyagoo haatan Dowladda lagusoo dhisay Jabuuti ku tilmaamay mid aanan ku dhaqmeyn Shareecada Islaamka, inkastoo dhawaan uu Baarlamanka Somalia uu ansixiyey qodobka ku dhaqanka Shareecada, balse Shabaabku wali kuma qanacsana, oo qiyaano ayaa ku duugan ayey qabaan, weeraraduna hakad ma lahan tan iyo inta ay dalka ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM.
Docda kale, khilaaf u muuqda mid isku dhac qaraari ka dambeeyo, ayaa ka dhex oogan Midowga maxkamadaha garabka Dowladda Shariifka taabacsan iyo Xarakada Shabaab, waxaana Shabaabku lagu eedeeyaa dilal qorshaysan oo kusoo kordhay Caasimadda Somalia ee Muqdisho, gaar ahaan Xildhibaan iyo saraakiil Midowga Maxkamadaha ah oo si isku mid ah loo khaarajiyey, wallow ay Hogaamiyaasha Shabaabku iska fogeeyeen eedeyntaasi.
Qorshaha USA.
Maraykanka iyo reer galbeedka intiisa kale, ayaa wali qaba inay Al-Shabaab khatar ku tahay danahooda, waxaana haatan ay Dowladda Maraykanku qorshaynaysaa sida ay sheegtay weerar lagu burburinayo fariisimaha Al-Shabaabku ku leeyihiin Somalia, iyadoo weerarada ka socda dalalka Afgahanistan iyo Ciraaq ay muuqato in loosoo weecinayo dalka dhaca qaaradda madow ee Somalia.
Somalia, ayaa 20-sano ka dib wali qulqulka dhiiga shacabka laga moosi la’yahay, Dowladda cusub iyo dadaalkeeda Nabadeedna waa meel, mucaaradka diidan qancintooda ka dhawa, hadaba la arki doone oo dhintaaba la aasi done xaalka xilligan xiga.
WQ: Senior Somali Journalist
C/risaaq C/laahi Maxamed
Indhojaceel2003@hotmail.com
Sanaagpost News Desk / South Africa.
No comments have been provided.