Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
DAMAC XUMO KU DHIMO WAA DOQONIINEE !!

Waxa la yidhi, nin baa naag aad u qurxoon  qabay, Maalin maalmaha ka mid ah baa nin kale naagtiisii u yimi , markasuu arkay inay aad u qurux badantahay.


Ninkiibaa wuxuu damcay inuu ninka naagta kala baxo oo guursado, Kolkaasuu naagtii ku yidhi, "Naa, ninkaagu waa nacase aan ku guursado?"


Markaasay naagtii tidhi, " Ninkayga nin aan ku doorsanayaa ma jiro’e malaha qoyskiina oo qoyskooda ka fara badan baad ugu faanaysaa!" 


kk " Mayee anaa kaa og oo ninkaagu waa fulay."


Markaasay tidhi, "Hadalkaasi mid aan kaa maqlayo ma'ahee, hadal kale ma haysaa?".


Wuxuu yidhi, "Adigu bal I raac hadalkaygu inuu been yahay iyo in kale aad aragtide, elleen haduu ninkaagu nin rag ah yahay ficilkiisay ka muuqan doontaaye.


Markaasay ku tidhi, "Waar ku raaci maayee hadaad raganimadiisa tijaabinayso aqalka dabadiisa kula shax oo hadal dahsoon kula hadal bal inuu garto".


Markaasuu yidhi, "Waayahaye berri baan la shaxi doonaa".


Iyadiina ninkeedii waxba umay sheegin, Malintii dambuu soo noqday ninkii guriga lahaa oo jooga, markaasuu yidhi, "Waar hebelow, soo kac aan aqalka dabadiisa ku shaxno’e".


Aqalka dabadiisii bay shaxdii ka jeexdeen naagtiina way dhagaysanaysaa, Kii damaaciga ahaa baa hor jaraynayay, Markaasuu intaanuu godkiisii dagin gabyay, wuxuu yidhi;" Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde"sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye" Tanaan dagay


Markaasaa ninkii naagta qabay ujeedadiisii gartay oo yidhi, "Geenyada nin lihi qoofashee qololka daaqaysa qiyaasli’i ninkii qaadayow qoomamaa xigiye" Tanaan dagay.


Damaacigii baa gabygii ku noqday oo yidhi; "Qunbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto miyaad qoonsanaysaa hadii gaajo noo qabatay" Tanaan dagay.


Markaasuu ninkii naagta qabayna soo rogaal celiyay; "Qunba malaboo meel qotoma oon cidi qadhiidhaynin qooraansigiisaa ka daran quud aan la cunayne" Tanaan dagay.


Damaacigii baa hadana yidhi;"Nin adoogii toban qaalin dhalay qolona kuu sheegtay miyaad qoonsanaysaa haduu gabadha kaa qaado"


Kii naagta qabay baa yidhi;"Nin adoogii qudh kaliya dhalay qiimmina u jooga Miyaad qoonsaysaa haduu rubadda kaa qaado"Intaa markuu yidh buu toorreydiisii la soo baxay oo garka wadnaha ku kala jaray.


Ninkuu dilay reerkoodii buu u tegay oo ku yidhi ninkii anaa dilay waxaasaanan ku dilay e magtiisii ma qaadanaysaan. Ninkii magtii baa laga qaatay godobinna may raacin  


Mohmed Mohmoud Beerdhige


sanaagpost News Desk/Nairobi

 


 


 


 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010