Home News Articles News in english Islam Suugaan Contact us
GEEDDI IYO HASHIISII

Geeddi wuxu lahaa hal "Baarcad" la odhan jirey oo loogu xuddun xidhay isla markii uu dhashay, Wiilku hashiisa aad buu u jeclaa had iyo jeerna wuu u geeddo gurri jirrey, hashuna markay indhaha ku qabbato ayey u soo olloli jirtey, Oo u imman jirtey, Markay u timaaddo, Wuxuu had iyo goor afka u geliyaa xaqal caws ah oo uu u soo gurrey. 


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Geeddi oo nin karti badan ahaa aabbihii dhaan u dhiibay, Maalinta Geeddi waxa raacay wiil kurrey ahaa oo ay Geeddi Walaalo ahaayee, Baar-cad markii ay Geeddi tawday bay ollol af-labadii awatey daaqna ka soontay, Wuxuu maalintii oo dhan weeteeyoba goor duhur ah buu wiilkii is-yidhi gurigii u soo biyo doono.


Intii aanu ka libdhinba intay caggaha laabatay ayey duurka xushay, Wiilkii markii uu Baar-cad tabey baaddi-doon dhawna ku soo waayey ayuu geellii intiisii kale carraabiyey, Markiiba Geeddi iyo aabbihiiba waxay ka war-heleen in ay hashii Baar-cad maqan tahay, Waxay weysada u biyeysteen baaddi-doon hor leh, Illaa iyo caweys dambeedkii markii ay goobayeen waxay bay farro madhnaan la soo noqdeen.


Arroortii dambe ayey haddana raacdo kale cusboonaysiiyeen waxay doon-doonaanba goor barqo ahayd bay raqdii hasha isa soo dul-taageen, Harreeraha inay u raad-gooyeen bay Libaaxii hashii Baar-cad barruurteedii dharqaday raadkiisii arkeen, "Illaahay waxaan ugu nidar-galay in aynaan libaaxyohow ifka ku wada noolaan". Ayuu intuu qammuunaystay yidhi. "Waar inna-keen naftaada ha halligine, Baar-cad kuu soo noqon mayso'e" ayuu aabbihii intuu dhaqaaqay Geeddi ku yidhi. 


Geeddi markii gurrigii uu caanno ku dhammay ayuu warankiisii dhegta u riddey oo aabbihii oo aan arkeen goobtii Baar-cad tiil ku toosay, Geed raqda u dhawaa buunna dhallada uga baxay, si uu libaaxii Baar-cad diley uu ku gaaddo, Libaaxii wuxuu laqanyadii hadh-subaxeedkii la jiifaba duhur markii ay ahayd buu u soo rakaad doontay, Libaaxii markii uu raqdii hashii Baar-cad jilbaha dhigay ayuu Geeddi intuu warrankiisii la soo gaaday kala bogtey kellida middig.


Libaaxii markii uu booddey buu labba tallaabo markii uu qaaday af-weynta goostay. Geeddi libaaxii oo naf-la-caarrid ah ayuu warrankiisii ayuu ka soo gooyey dabadeedna mar labaad ayuu dalqada ka geliyey, 


Libaaxii markii uu naf-baxay, ayuu saantii libaaxa madaxa uu soo ritay oo gurigiisii kula soo dheelmaday, Ayaamo yar markii la joogey ayuu nin Gaalla oo degmada socdaal ku marrayey saantii uu Geeddi haystay ka war-helay, Geeddi saantii waxa laga siistay lacag uu Qaallin geel ah oo hashiisii uga mag-dhawday siistay, Qaalintii markii ay curatay waxay la baxday "MAANDEEQ"


 Qalinkii. Khaliif Ismaaciil Raage


 Ururintii Cabdillaahi Ciyoon/Saudi-Arabia, Riyaad  


 E-mail: amjama_jama@yahoo.com


Tafatiridii iyo Daabacadii  


 Abdirshiid Yusuf Jibril


 Sanaagpost News Desk


 Ku soo dir fikirkaaga E-mail sanaagpost@hotmail.com ama Webmaster@sanaagpost.com

 


 





 



 


No comments have been provided.

 Magacaaga:

 Halka aad joogtid:

 Fariinta:

 
 

Home Bogga hore aad print Daabaco Mail U dir saaxiibkaa
     
Contact us : webmaster@sanaagpost.com
         or sanaagpost@hotmail.com
  Warar
Maamulka dugsiga Al-Furqaan Oo Kulan U Qabtay Ardaydii hore Uga Qalin Jebisey Dugsiga Sare Ee Al-Furqaan Ee Jaamacadaha Wax Ka Barata. + Sawiro    07 Sep 2010
Mdaxweynaha Soomaaliya Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya    06 Sep 2010
Wasiirka Dastuurka Oo Ka Hadlay Khilaafka Udhexeeya Madaxweyna Iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya    05 Sep 2010
Huteel Juba Bosaso oo Xariga Caawa laga jaray dhisme cusub oo dhulka hoostiisa ahDaawo Sawirada    04 Sep 2010
Xarakada Alshabaab Oo Xukun Gacan Goyn Ah Ka Fulisay Magaalada Beledweyn Ee Xarunta Gobolka Hiiraan    04 Sep 2010
Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay    04 Sep 2010
Culimada Ahlusuna Wajamaaca Oo Canbaareeyey Dagaalada Ka Socda Magaalada Muqdisho Bisha Barakysan Ee Ramadaan    03 Sep 2010
Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Deeqay Malaayin Lacagta EURO Ah Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya    02 Sep 2010
Shir Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Oo Ka Socda Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia    02 Sep 2010
Booliska Bosaso oo Maalintii 2aad Howlgal kawada gudaha Magaalada Bosaso dadna xabsiga u taxabay    30 Aug 2010
iska hor imaad u dheexaya ciidamada PL iyo Ciidanka Atam oo ka dhacay Galgala Maanta    30 Aug 2010
Ganacsade Hadh Tuulo Waa Mihiim in Dalka iyo Bulshada La Harumariyo    30 Aug 2010
Tuulada Camaare ee Degmada Bacaadwayn ee Gobolka Mudug oo Saaka degan    29 Aug 2010
Xaflad Loogu Gogol Xaarayey Asaaska Jaamacada Maakhir University Oo Ka Dhacday Huteel Juba Ee Boosaaso+Sawiro    28 Aug 2010
Ururka Alshabaab Oo Sheegay In Goobaha Ay Ka Arimiyaan Cid Aan Iyaga Ahayn Lasiin Karin Sakaatul Fidriga    28 Aug 2010
Qorshe Hawleedka Gobollada Sanaag iyo Hayland-- Ayaaha Mustaqbalka dhow.    28 Aug 2010
Magaalada Muqdisho Oo Dagaalo Xoogani Ka socdaan Iyo Khasaara Laxaadle Oo Soo Gaadhay Dad Badan Oo Shacab Ah    27 Aug 2010
Dwalda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Dawlada Soomaliya Taageero Milateri La Barbar Istaagi Doonto    26 Aug 2010
Dagaal Maalintii 3aad Ka Socda Muqdisho    25 Aug 2010
Xildhibaan Is Casilay, Madaxweyne Shariifna Ugu Baaqay Inuu Jagada Baneeyo    25 Aug 2010
Sharma’arke “Shacabku Waa Inay La Dagaalamaan Kooxda Shabaabka.”    25 Aug 2010
Midawga Afrika Oo Ciidamo Hor Leh Ku Daad Guraynaya Soomaaliya Iyo Kooxa Mucaaradka Ah Oo Aan Weli Ka Hadlin    24 Aug 2010
In Ka Badan Labaatan Xildhibaan Oo Kooxo Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho    24 Aug 2010
Kenya Oo Qabatay Muhaajiriin Soomaali ah & Muqalasiintii Waday (Warbixin).    23 Aug 2010
Boliiska Dowladda KMG Oo Su’aalo Waydiinaya Sarkaal Shabaab ah Oo ay Qabteen    23 Aug 2010