Friday 23rd February 2018

Xildhibaan Katirsan Barlamaanka Soomaaliya Oo Kismaayo Lagu Doortay.

February 15, 2018 - Written by Kulmiye

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maanta oo Khamiis ah waxaa ka dhacday Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa.

Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartamay ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska XFS, kaasi oo 3-dii May 2017-kii xilli fiid ah uu toogtay Askari ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii hore Qaranka Dr. Nuur Faarax, Meel Hal Meyl wax ka yar u jirta Madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamuud Sheekh C/laahi Siraaji oo la dhashay Marxuum Cabaas iyo Fardowsa Xasan Maxamed, waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ahaa oo codeeyay dhammaan Ergooyinkii loogu tala galay in ay xubinta Kursiga doortaan, ugu dambeyna waxaa guuleystay Maxamuud Siraaji.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ku dhawaaqday Natiijada Doorashada ayaa sheegtay in Maxamuud Sheekh C/laahi uu helay codad gaaraya 50, halka Fardowa Xasan Maxamed aysan waxba helin, Hal codna uu halabaay, sidaasina uu kursigaasi ugu guuleystay Xildhibaan Maxamuud.

Doorashadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Doorashooyinka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Saxaafadda.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa 28-kii January magaalada Jowhar ku qabtay Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo horey uu u baneeyay Taliyihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sambaloolshe, waxaa kursigaasi ku soo baxay Nuur Iidow Beyle oo horey uga tirsanaa Baarlamaankii 9-aad.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI