Monday 19th February 2018

Xeer Ilaliyaha Qaranka,”Waa Lala Xisaabtami Doonaa Talisyada Qaybaha Booliska”.

February 12, 2018 - Written by Kulmiye

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Taliyeyaasha Ciidamada ee ka howlgala saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka warbixino qaldan.

“Taliyeyaasha Ciidamada waxaan u sheegeynaa in ay jiri doonaan isla xisaabtan adag, cabashoyin badan ayaa lagala kulmaa saldhigyada, qofkii shaqo wanaagsan sameeya waala abaalmarinayaa, balse cidii xad gudub sameysa si adag ayaa loola xisaabtami doonaa.” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

Hadalkan ayuu Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu ka sheegay Munaasabad kooban oo abaalmarin lagu guddoonsiinayay Dhame Axmed C/laahi (Baashane), wuxuuna sarkaalkani abaalmarintaasi ku muteeystay howlkarnimo iyo gudashada waajibaadka Qaranka.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI