Monday 19th February 2018

WARARKII UGU DAMBEEYEY-Xaaladda Deegaanka Tukaraq iyo Ciidamada Isku Horfadhiya.

February 5, 2018 - Written by Kulmiye

Xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ah mid degan iyadoona ay halkaasi isku horfadhiyaan ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo kuwa maamul goboleedka Soomaaliland oo hab sharci darro ah halkaasi ku qabsaday 8dii January.

Ciidanka difaaca ee dowladda Puntland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee difaaca xuduudaha Putland ayaa diyaar u ah inay ka hortagaan cidkasta oo kusoo xad gudubta xuduudaha Puntland, inkastoo dowladda Puntland ay marar badan ka dhowrsanaysay dhiig ku daata gudaha wadanka.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhowaan shaaca ia qaaday in dowladda Puntland aysan cidna gorgortan kula geli doonin ilaalinta xuduudeheeda, isagoona shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan lashaqaynta ciidanka.

Ciidanka maamulka Soomaaliland ayaa deegaanka Tukaraq duulaan ku soo qaaday 8dii January xilligaasi oo uu Garoowe ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo sababtay in Puntland aysan xilligaasi jawaab ka bixin dagaalka.

Maamulka Hargeysa ayaa diidey in deegamo katirsan Sool iyo Sanaaag ay booqdaan khuburo caalami ah oo qiimayn ku sameeya deegaamo marar badan dagaal kadhacay  si ay u helaan xogta dhabta ah maadaama ay ka cabsi qabaan in la ogaado rabitaanka shacabka kunoo deegaamadaasi.

Sanaagpost.com

Garoowe.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI