Friday 23rd February 2018

SAWIRRO-Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Biiray Wadahadalada ONLF iyo Itoobiya.

February 14, 2018 - Written by Kulmiye

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay si rasmi ah uga socdaan wada hadalada Itoobiya & ONLF, kuwaas oo ku saabsan mustaqbalka gobalka Soomaalida ee dalkaas Itoobiya iyo soo afjarida dagaalada hubeysan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la kulmay Madaxweynaha ISmaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka wada hadlayaan sidii wada hadalku u noqon lahaa mid guuleysta.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiinta lagu tirinayo in ay doorka wanaagsan ka ciyaarayaan si loo soo afjaro colaaddaha daba-dheeraaday ee gobalka Soomaalida Itoobiya, waxaana socda dadaaladii ugu dambeeyey.

Hadal hayeen u hadlay ONLF wuxuu u sheegay BBC-da in la gaari doono natiijo wanaagsan, isagoo cadeeyey in laga gudbi doono caqabado badan oo soo taagnaa 3-sanno ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay labada dhinacba tanaasul muujin doonaan.

Find us on Facebook
SANAAG POST TV
HEESTA TODOBAADKA
XULASHADA IYO XIISAHA MAANTA
MAQAL IYO MUUQAAL
ILA QOSOL
Codadka
Dhageyso-Dhalinyaradii Gurmadka Baaraha gobolka Mudug oo shaqadii joojiyey.    December 28, 2016
Gudi isugu jira Culimaa u diin
Dhageyso-Culimada Soomaaliyeed oo Tartanka Kubada kolayga ku Tilmaamay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka    December 21, 2016
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo
Dhageyso-Madaxwaynaha Puntland oo Sagoontiyey Labada Aqal ee Soomaaliya.    December 13, 2016
Madaxwaynaha dawlada Puntland
News in English
Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso .    January 11, 2018
Madaxwaynaha dawladda Puntland
Madaxweyne Farmaajo iyo Waftigiisii oo Kulan La Qaatay Xukuumadda Puntland .    January 7, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland
Dawladda Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda.    December 23, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru D

XAYEYSIIS

BBC SOMALI
VOA SOMALI